Finland saxaafadu waa xor, taasi waxaa looga jeedaa, in ayna dawladu cayimi karin waxa saxaafadu qorayso haday tahay jaraaidka, telefeshanka ama wabsaydada internetka.
Wararka iyo barnaamijyada telefeshanka ee internetka
linkkiYLE:
Macluumaadka xilligan la joogo ee fayruska Korona ku saabsanFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Soomaali | Bershan | Carabi | Kurdish
linkkiYLE:
Wararka afka ingiriiskaIngiriis
linkkiHelsinki Times:
Wararka afka ingiriiskaIngiriis
linkkiYLE:
Wararka afka ruushkaRuush
linkkiYLE:
Wararka ku qoran luqada finnishka ee fududuFinnish
linkkiSelkokeskus:
Wararka ku qoran luqada finnishka ee fududuFinnish
linkkiYLE Areena:
Barnaamijyada telefishinka ee shabakaddaFinnish
linkkiMTV:
Barnaamijyada telefishinka ee shabakaddaFinnish
linkkiRuutu.fi:
Barnaamijyada telefishinka ee shabakaddaFinnish
Jaraa’idada
Finland waxaa kasoo baxa jaraaido badan. Ka ugu wayni waa Jaraa’idka odhaahda Helsinki ( Helsingin sanomat). Badanaa jaraa’idadu waxay kusoo baxaan af finish. Qaarkood kale oo maxaliga ahina waxay kusoo baxaan afka iswidishka.Sidoo kale waxaa finland kasoo baxa jaraa’id lagu daabaco afka ruushka oo la yidhaahdo jaraa’idka Spektr.
linkkiSanomalehtien liitto:
Wargeysyada ka soo baxa FinlandFinnish
linkkiSpektr:
Wargeyska luqadda RuushkaRuush
Telefeshanka
Hadii telefeshanka aad haysaa uu hayey kuwii hore aanad u baahan tahay inaad daawato barnaamijyada telefeshanka, waxaad u baahan tahay inaad hesho rasiivarm. Telefeshanada cusub ee imika Finland laga isticmaalo inta badan rasiivarku gudaha ayuu kaga diyaarsan yahay isaga dhijitaal ah.
Inta badan barnaamijyada teleshanada ka baxaa waxay ku baxaan luuqada finishka.Finland barnaamijyada luuqado kale ku hadlaya waxaa lagu turjumaa finishka oo qoraal ahaan hoosta ugu soo qormaya. (inta badan waa ingiriisi).
Idaacada guud waxay leedahay ee Yle waxay leedahay afar janal oo laga daawado Finland oo dhan.Yle waa adeeg bulshada guud ahaan ka dhaxeeya, sidaasi darteed waxaa laga maal galiyaa cashuurta. Waxaa intaa raaca in Finland teleshano badan oo ganacsi ka shaqeeyaan sida MTV3 iyo Nelonen.
Janalo badan waxaad ku daawan kartaa lacag la’aan. Kuwa bilaashka lagu daawado janalada Yle iyo qaar badan oo kale oo ah kuwa ganacsiga. Waxaa intaa dheer hadii aad rabtid waxaad iibsan kartaa janalada lacagta ah.
linkkiExpatFinland:
Telefishinka ka jira FinlandIngiriis
Idaacada
Finland in badan oo idaacado ah baa ka shaqeeya. Intooda badan waxaad ka dhagaysan kartaa xataa internetka. Inta ugu badani waxay ku tabiyaan barnaamijyadooda afka finishka.
Yle wuxuu soo saaraa barnaamijyo raadiyaha ka baxa oo af ingiriis iyo af ruush ah. Radio Sputnik waa kanaal idaacadeed oo luqada ruushka ku baxa. Finest wuxuu soo saaraa barnaamijyo idaacadeed oo ku baxa luqada Istooniya.
linkkiYLE Areena:
Raadiyayaasha internetkaFinnish
linkkiSuomi.fm:
Kanaalada raadiyaha ee FinlandFinnish