Liikenne Suomessa

Gaadiidka gudaha Finland

Finland masaafooyinku waa kuwa kala fog, laakiin gaadiidka dadweynaha ayaa si fiican u shaqeeya waddooyinku waa kuwa xaaladdoodu fiican tahay. Gaadiidku Finland waa kuwa dhanka midig ah. Inta badan Finland baabuur waa lagu wadan kartaa, haddii leysinka laga soo qaatay dal dibadda ah, laakiin xaaladaha qaar marka ay jiraan waa in leysinkaas lagu beddelaa kan Finnishka. Boggan waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan gaadiidka dadweynaha, isticmaalka baabuurka shakhsiga iyo leysinnada baabuurta ee Finland.

Gaadiidka dadweynaha

Gaadiidka dadweynuhu Finland si fiican ayuu uga shaqeeyaa. Tareenada iyo basaska waxaad ugu safri kartaa ku dhowaad dhammaan gudaha Finland. Magaalooyin badan waxaad sidoo kale ku tegi kartaa diyaarad. Magaalooyinka waaweyn iyo kuwa u dhow waxaa sidoo kale ka jira gaadiid deegaaneed si fiican u shaqeeya. Gaadiidka deegaanku wuxuu inta badan ku shaqeeyaa basaska.

Korona fayraska COVID-19

Isticmaal af-shareerka, haddii aadan dadka u jirsan karin masaafo ammaan ah. Isticmaal Af-shareerka markaad:

  • aad ku safrayso bas, tareen ama taraam;
  • iska soo qaad tijaabadda korona fayraska; ama
  • aad mardhow timid Finland una sii socoto karaantiil.

Arrinta ugu muhiimsan waa in aad dadka kale u jirsato 2 mitir oo masaafada ammaanka ah gacmahana aad inta badan dhaqdo. Haddii aad qabto calamaadaha cudurka, joog gurigaaga.

Tareen

Gaadiidka tareenada waxaa Finland gacanta ku haya VR. Waxaad ka iibsan kartaa tikidhida tareenka shabakadda VR, ablikeeshinka VR Matka, mashiinka tikidda iyo goobta iibinta tikidhada ee maxaddooyinka tareenka. Macluumaadka jadwalka tareenada waxaad ka heleysaa bogagga shabakadda VR ama saldhigyada tareenada.

linkkiVR:
Tikidhada tareenkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Bas

Shirkadaha basaska ee gudaha Finland waa badan yihiin. Waxaad tikidhada basaska safarka dheer aada ka iibsan kartaa bogagga shabakadda Matkahuolto, ablikeeshinka waddooyinka iyo tikidhada, ablikeeshinka Tikidhada basaska, goobaha adeegga ee Matkahuolta ama darawalka baska. Macluumaadka jadwalka basaska waxaad ka heleysaa bogagga shabakadda Matkahuolto ama goobaha shaqada ee Matkahuolto.

Qiimo-dhimista tikidhida tareenada iyo tikidhada basaska waxaa heli kara

  • carruurta
  • ardayda
  • hawlgabka
  • askarta shaqada qaranka iyo shaqada qaranka ee bulshada

Waxaad waddada safarka ee adiga ku habboon ku qorshaysan kartaa tusaale ahaan adeegga Matka.fi ee Traficom.

linkkiMatkahuolto:
Tikidhada baskaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiMatka.fi:
Adeegga jidkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Gaadiidka cirka

Finland waxaa ku yaalla 21 garoon diyaaradeed. Garoonka ugu weyn waa garoonka diyaaradaha ee Helsinki-Vantaa. Shirkado diyaaradeed badan ayaa waxay fidiyaan duulimaadyo Finland ka baxaya oo dibadda aadaya. Inta badan diyaaradaha dibadda aadaya waxay ka baxaan garoonka diyaaradaha ee Helsinki-Vantaa.

linkkiFinavia:
Garoonada diyaaradaha ee FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Shiino

Lahaanshaha baabuur

Iibsashada iyo isticmaalka baabuurku waa mid yara qaali ah Finland. Baabuurta xaaladoodu wannagsan tahay waxay joogaan kumanaan yuuro. Iibsashada iyo isticmaalka baabuurka waxaa sidoo kale la xiriira qarash badan sida, tusaale ahaan

  • shidaal
  • caymis
  • lugaha baabuurka
  • daryeelka iyo dayactirka baabuurka
  • canshuuraadka baabuurka

Haddii aad leedahay baabuur, waxaa qasab kugu ah inaad gasho caymiska gaadiidka (liikennevakuutus). Caymiska gaadiidka waxaad ka heleysaa shirkadaha caymiska.

Finland baabuurka waa in la soo koontaroolaa islamarkaasna la rajistareeyaa. Koontaroolka baabuurta waxaa sameeya xarumaha koontaroolka. Rajistareeshinka waxaa laga sameystaa sidoo kale xarumaha koontaroolka baabuurta, shirkadaha caymiska iyo goobaha lagu gado baabuurta. Bogagga internetka ee Traficom ayaad ka sameysan kartaa rajistareeshinka.

Finland sharciga ayaa amraya in baabuurka ay ku jiraan lugaha jiilaalka ama barafka xilliga jiilaalka. Xilliga jiilaalka waxaad isticmaali kartaa lugaha leh biinanka ama kuwa kale nastada leh. Baabuurka ay ku jiraan lugaha nasta waxaa sahlan in lagu koontaroolaa wadooyinka taraaraxa ah. Si kastoo ay ahaataba lama isticmaali karo lugaha nasta xilliga xagaaga.

Finland waa in si dhab ah loogu hogaansamaa sharciga waadooyinka. Booliska ayaa ilaaliya u hogaansanaanta sharciga wadooyinka. Jebinta sharciyada wadooyinka waxaa laga heli karaa ganaax.

Waditaanka gaadiidka kasta oo matoor leh waa dembi, haddii uu waduhu daroogeysan yahay (khamro ama daroogo).

Baabuur keensashada Finland

Haddii aad Finland ku imaanayso baabuur aad leedahay waa in aad samaysaa arrimahan soo socda:

  • Maamulka canshuuraha ku wargeli isticmaalka baabuurka.
  • Maamulka canshuuraha u dir wargelinta canshuurta baabuurta.
  • Geey baabuurka sharribaadda rajistareeshinka ee xarunta sharribaadda hagaagsanaanta baabuurta.
  • Samee rajistareeshinka koowaad ee baabuurka. Rajistareeshinka koowaad waxaa ka heleysaa taargada Finnishka.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan baabuur keenista Finland waxaad ka heleysaa bogagga shabakadda Traficom.

linkkiExpatFinland.com:
Baabuurta iyo baabuur wadida FinlandIngiriis | Ruush

linkkiLiikenne- ja viestintävirasto Traficom:
Macluumaad ku saabsan diiwaangelinta gaadiidkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiLiikenne- ja viestintävirasto Traficom:
Koontaroolidda gaadiidkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiLiikenne- ja viestintävirasto Traficom:
Macluumaad ku saabsan canshuurista gaadiidkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiLiikenneturva:
Macluumaad ku saabsan lugaha baabuurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiLiikenne- ja viestintävirasto Traficom:
Baabuur keensashada FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

Laysinka baabuurta

Baabuur waxaad Finland ku wadi kartaa, haddii aad heysato leysin shaqaynaya oo kaliya. Si aad u hesho leysinka baabuurta waa inaad ahaataa ugu yaraan 18 sano jir. Kahor inta aadan helin laysinka baabuurta waa inaad ka qeyb-qaadataa waxbarashada wadista kadibna aad sameysaa imtixaanka wadaha. Barashada wadista waxaad ka heli kartaa iskuulka wadista. Tusaale ahaan waxaa sidoo kale wadista ku bari kara qaraabo ama qof aad taqaano oo heysta leysinka islamarkaasna leh waayo-aragnimada wadista baabuurta oo ugu yaraan shan sano. Arrintan darteed waxaa ruqsadda barista looga baahan yahay Traficom.

Waditaanka mootada waxaa loogu baahan yahay laysinka lagu wado mootada. Laysinka aad u baahan tahay wuxuu ku xiran yahay nooca mooto ee aad dooneyso inaad wado.

Dhugdhuleyda ama mootada yar wadisteeda waxaad ugu baahan tahay laysinka mootada, haddii aadan heysan laysinka wadista. Kaarka Laysinka mootada lagaama doonayo haddii aad 15 sano buuxisay kahor 1.1.2000.

linkkiLiikenne- ja viestintävirasto Traficom:
Ruqsadda waxbaristaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiLiikenne- ja viestintävirasto Traficom:
Macluumaad ku saabsan kaararka wadista baabuurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiLiikenne- ja viestintävirasto Traficom:
Qaadashada leysinka baabuurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Laysinka ajnabiga ee Finland lagu heysto

Haddii aad haysatid kaarka gawaarida lagu wado oo laga bixiyey waddan Midwoga Yurub ah ama waddan ETA ah, wuu ka shaqaynayaa dalka Finland. Haddii aad doonayso, waxaad ku beddeli kartaa leysinka Finnish ah, waa haddii aad si rasmi ah u degantahay Finland.

Haddii aad haysatid kaarka gawaarida lagu wado oo laga bixiyey wadan kale oo ku jira wadamada sixiixay heshiiska jidadka ee Geneva ama Wien, markaas waxaad leysinka gaari ku wadan kartaa dalka Finland gudihiisa ugu badnaan labo sano. Kaddib marka aad si rasmi ah u degto Finland, waxaad heysataa muddo labo sano ah oo aad ku beddelato kaarka wadista baabuurta ee dal shisheeye laga bixiyay. Haddii aad wakhti hore beddelan kaarka, waxaa qasab kugu noqonaysa inaad Finland ku sameyso imtixaanka darawalka (imtixaan qoraal iyo wadis ah).

Haddii aad haysatid kaar laga bixiyey wadan aan ka mid ahayn wadamada sixiixay heshiiska jidadka ee Geneva ama Wien. Sannad ayaad ku wadan kartaa baabuur kaarkan marka adiga laguugu qoro nidaamka macluumaadka dadka ee Finland. Waa inaad Finland ku sameyso imtixaanka darawalka, haddii aad doonayso in aan leysinkaada u beddesho leysinka Finnishka.

Beddelista leysinkaada aad u beddeleyso leysinka Finnishka waxaad ka codsan kartaa goobta adeegga ee Ajovarma. Horay ballan uga sii qabso bogagga shabakadda Ajovarma.

linkkiLiikenne- ja viestintävirasto Traficom:
Ku haysashada dalka Finland kaarka darawalnimada ee wadamada dibada laga soo qaatayFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiAjovarma:
Wakhti ballansashada AjovarmaFinnish | Iswidish | Ingiriis