Nolosha Finland

Kulttuurit ja uskonnot Suomessa

Dhaqamada iyo diimaha ka jira Finland

Dadka Finland

Tirada dadka Finland waa qiyaas ahaan 5,5 malyan oo qofood. Finland waa dal bannaan. Dadku waxey si gaar ah ugu soo aruureen magaalooyinka waa weyn iyo deegaamada. Soonaha caasimadda waxaa deggan dad ka badan malyan.

linkkiTilastokeskus:
Dadka FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

Finnishka iyo Iswidhishku waa luqadaha qaranka. Finnishka waxaa sidii afkooda hooyo ugu hadla wax in yar ka yar 4,9 malyan oo qofood, Iswidhishkana wax yara ka yar 300,000 oo qofood. Marka laga reebo Finnishka iyo Iswidhiska waxaa ugu badan ee lagu hadlaa Ruushka, Istooniya, Ingiriis, Soomaali iyo Carabi.

Dadka Finnishka ah waxaa ku jira dad laga tiro badan yahay oo kala duduwan, kuwaas oo tusaale ahaan leh luqad, dhaqan ama diin ka duwan inta badan dadka kale ee Finnishka. Dadka Finnishka ah ee laga tirada badan yahay islamarkaasna soo jireenka ah waa tusaale ahaan Iswiidhiska-Finland, dadka Saamaha ah, Roomaaniyiinta, Istooniyaanka, dadka ka yimid wadamada Balkan, Soomaalida iyo Ciraaqiyiinta.

linkkiTilastokeskus:
Maahanmuuttajat väestössäFinnish | Ingiriis

Diimaha Finland

Inta badan dadka Finnishka ah waa Kirishtaan. Madhabta ugu weyn waa Kaniisadda Efangelis-luteeriga oo ay ka mid yihiin qiyaas ahaan 70% bulshadu. Kaniisadda Ortodoksiga ee Finland waa madhab diimeedka labaad ee ugu weyn. Wax yara kayar 1% bulshada ayaa ka tirsan kaniisadda Ortodoksiga. Kaniisadda Efangelis-luteeriga iyo kaniisadda Ortodoksiga waxey Finland ku leeyihiin derajo gaar ah. Tusaale ahaan waxey xaq u leeyihiin in ay canshuur qaataan.

Tobaneeye kun oo Muslimiin ah ayaa deggan Finland. Si kastoo ay ahaatase qeyb iyaga ka mid ah oo kaliya ayaa ka tirsan jimciyadaha Islaamiga ah. Waxaa sidoo kale Finland deggan dhowr kun oo Yuhuud ah. Helsinki iyo Turku waxaa ka shaqeeya macbudka Sinagoogiga.

Jimciyad-diimeedyada kale ee Finland ka jira waa tusaale ahaan Kaniisadda Katooliga ee Finland. Kaniisadda Helluntai, Kaniisadda Xorta ah, Kaniisadda Adventi, Kaniisadda Mormoriga iyo tan kuwa raacsan Jehova.

linkkiOpetus- ja kulttuuriministeriö:
Jimciyado diimeedyadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiUskonnot.fi:
Jimciyado diimeedyadaFinnish | Ingiriis

Xornimada diinta iyo ku cibaadeysashada diintaada gudaha Finland

Finland waxaa ka jira xorriyadda diimeed. Dhammaan dadka ku nool Finland waxey xaq u leeyihiin in ay diinta ay rabaan doortaan islamarkaasna ku cibaadeystaan. Haddii aadan la dooneyn, ma ahan qasab in wax diin ah la doorto. Cidna qasab kuma ahan in uu ka qeybqaato cibaadeysi diimeed.

linkkiOpetus- ja kulttuuriministeriö:
Xornimada diintaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Ugu yaraan 20 qofood oo qaangaar ah waxey sameysan karaan urur diimeed. Qasab kuma ahan koox diimeedka in ay isu diiwaangeliyaan urur diimeed ee kooxdu waxey shaqeyn kartaa xittaa diiwaangelis la’aan.

linkkiPatentti- ja rekisterihallitus:
Diiwaangelinta jimciyad diimeedFinnish | Iswidish | Ingiriis

Diinta cunugga

Waalidka ayaa go’aaminaya diinta cunugga qaadanayo. Haddii ay waalidku ku aragti duwan yihiin arrinta, hooyada ayaa kaligeed go’aan ka gaari karta diinta cunugga 1 sano ka yar.

Cunuggu xaq ayuu u leeyahay in uu dugsiga ku barto afkiisa hooyo. Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri bogga InfoFinlandi Waxbarashada aasaasiga ah.

Qofka qaangaarka ah, yacni qofka buuxiyay 18 sano wuxuu iskiis u go’aansan karaa diintiisa.

Dhaqamada iyo diimaha ka jira Finland
  • Hab-dhaqanka finnishka
  • Xafladaha ciidda ee Finnishka