Booliska
Shaqada booliska ee Finland
Shaqooyinka booliska waxaa kamid ah damaanad qaadka nidaamka iyo ammaanka bulshada iyo ka hortaga dembiyada iyo baaritaankooda.
linkkiPoliisi:
Macluumaad ku saabsan booliska Finland-bandhigFinnish | Iswidish | Ingiriis
Baarista dembiyada
Gudaha Finland boolisku wuxuu qaabilsan yahay baaritaanka dembiyada iyo gudbinta ka baaraandegista dacwad-oogista. Ogeysiiksa dembiga waxaad ku sameyn kartaa telefoon, fakis, bogagga shabakadda booliska ama saldhigga booliska oo aad tagto. Boolisku wuxuu bilaabayaa baaritaan haddii ay jirto sabab looga shakiyo in arrintu ay dembi tahay. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ogeysiinta dembiga waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Dembiyada.
linkkiPoliisi:
Macluumaad ku dembiyadaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Baasaboorada
Boolisku wuxuu baasaboorada siiyaa muwaadiniinta Finnishka. Baasaboorka waxaa laga codsadaa qeybta booliska. Codsiga baasaboorka waxaa la dhigi karaa goobaha adeegga ruqsadaha oo dhan.
linkkiPoliisi:
Codsashada baasaboorkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Kaararka aqoonsiga
Boolisku wuxuu bixiyaa kaararka aqoonsiga. Kaararka aqoonsiga waxaa laga codsadaa qeybta booliska. Codsiga kaararka aqoonsiga waxaa la dhigi karaa goobaha adeegga ruqsadaha oo dhan.
Kaarka aqoonsiga ajnabiga
Boolisku wuxuu kaarka aqoonsiga siin karaa qofka ajnabiga ah ee
-
Finland si rasmi ah u deggan
-
ku qoran nidaamka macluumaad dadka
-
si lagu kalsoonaan karo u cadeyn kara naftiisa
Kaarka aqoonsiga ajnabigu wuxuu Finland uga shaqeyn karaa sidii aqoonsi oo kale laakiin looma isticmaali karo sidi dukumeti safar marka dibadda loo safrayo.
linkkiPoliisi:
Kaarka aqoonsigaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Ballanta waqtiga
Marka aad arrimo ka dhameysaneyso adeegyada ruqsadaha ee booliska, waxaad horay uga sii qabsan kartaa ballan adigoo isticmaalaya bogagga shabakadda booliska. Sidan haddii aad sameyso uma baahnid inaad fayl gasho. Ogoow, in qeybaha booliska qaarkood qabashada ballantu ay tahay qasab.
linkkiPoliisi:
Ballan qabsashada adeegga ogolaanshiyahaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Sami
Kela
Hay’adda caymiska qaranka, Kela ayaa waxay bixisaa taageero lacageed marka lagu jiro xaalado nololeed oo kala duduwan. Sida caadiga ah waxaa kaalmooyinka Kelada la heli karaa marka dakhliyada kale ay yaraadaan.
Kaalmooyinka Keladu waa tusaale ahaan
-
lacagta kaalmada nolosha
-
hawlgabka dadka, damaanad qaadka hawlgabka iyo kaalmooyinka kale ee la xiriira hawlgabka
-
kaalmada deegaanka
-
kaalmooyinka la xiriira bukashada
-
ammaanka aasaasiga ah ee qofka aan shaqada heysan
-
kaalmooyinka ardayga
-
kaalmooyinka loogu talagalay qoysaska carruurta leh.
Bogga InfoFinlandi Ammaanka bulshada Finniska waxaad ka heleysaa macluumaadka qofka heli kara kaalmooyinka Kelada.
linkkiKela:
Macluumaadka KeladaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Xafiiska shaqada
Adeegyada Xafiiska shaqada waa tusaale ahaan
-
shaqo gudbin
-
tababarada xoogga shaqada
-
adeegyo ganacsadaha loogu talagalay
-
hagista doorashada xirfadda
Xafiisyada shaqadu waxaa kale oo ay dadka dalka u soo guuray ee macaamiisha xafiiska shaqada kamidka ah u sameeyaan qorshaha la-qabsashada dalka. Iyadoo la soo marayo Xafiiska shaqada waxaa suurtagal ah in la codsado koorasyada luqada Finnishka. Xafiiska shaqada waxaad ka heleysaa macluumaadka ku saabsan boosaska shaqooyinka bannaan. Macaamiisha xafiiska waxaa suurtagal u ah inay Kelada ka codsadaan ammaanka shaqo la’aan.
linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Xafiisyada shaqadaFinnish | Iswidish
Xafiiska sooshaalka
Degmo kasta waxaa ku yaal xafiiska adeegga sooshaalka (sosiaalipalvelutoimisto). Xafiisyada adeeggga sooshaalku waxay u qabtaan dadka deggan degmada tusaale ahaan arrimahan soo socda:
-
adeegyada waayeelka
-
adeegyada naafadda
-
badbaadada carruurta
-
kaalmada daryeelka ehelka
-
daryeelka maan-dooriyaha
-
talo-bixinta deynta ama qaanta
Macluumaadka xiriirka xafiiska adeegga sooshaalka ee kuugu dhow waxaad ka heleysaa bogagga shabakadda degmadaada.
Magaca xafiiska adeegga sooshaalku waa ku kala duduwan degmooyinka kala gedisan. Luqada Finnishka wuxuu noqon karaa sosiaalipalvelutoimisto, sosiaalitoimisto ama sosiaaliasema.
linkkiSosiaali- ja terveysministeriö:
Macluumaadka adeegyada sooshaalkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Xafiiska canshuurta
Xafiiska canshuurta (verotoimisto) waxaad ka dhameysan kartaa arriimaha canshuuraha. Xafiiska canshuurta waxaad ka heleysaa tusaale ahaan kaarka canshuurta, waxaad ka bedelan kartaa boqolkiiba canshuurta tirada lagaa jarayo ama waxaad weydiin kartaa arrimaha la xiriira canshuurista.
Adeegga shabakadda OmaVero waxaad qaab elekterikaal ah uga dhameysan kartaa arrimahaada. Tusaale ahaan waxaad ka dalban kaarka canshuurta oo cusub, haddii aad leedahay aqoonsiga bangiga shabakadda ama xaqjiinta moobaylka. Bogagga shabakadda maamulka canshuuraha waxaa ku jira macluumaad badan oo ku saabsan canshuurista Finland.
linkkiVerohallinto:
Macluumaadka maamulka canshuurahaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Xafiiska dal u soo guurista
Marka aad u soo guurto Finland, waa in aad Hoggaanka socdaalka ka codsataa ogolaanshaha joogitaanka ama waa in aad diiwaangelisaa xuquuqdaada joogitaanka. Baahida ogolaanshaha joogitaanku waxey ku xiran tahay wadanka aad jinsiyaddiisa wadato iyo sababta iyo mudada aad joogeyso Finland inta ay dhan tahay. Hoggaanka socdaalku (Maahanmuuttovirasto) wuxuu sidoo kale ka baaraandegaa codsiyada megan-gelyada iyo codsiyada dhalashada.
linkkiMaahanmuuttovirasto:
Macluumaadka Xafiiska dal u soo guuristaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Rajistareeshinka
Rajistareeshinadu (Maistraatti) waa hay’ado maamuleed dowli ah oo deegaanka ka shaqeeya. Rajistareeshinadu waxay diiwaanka dadka ku keydiiyaan macluumaadka dadka deggan deegaankooda. Diiwaanka dadka waxaa lagu qoraa macluumaadka dadka deggan Finland. Marka Finland loo soo guuro waa in rajistareeshinka la geeyaa ogeysiis. Ogeysiinta waa in sidoo kale la sameeyaa marka Finland gudahadeeda meel laga guurayo oo meel kale loo guurayo iyo weliba marka Finland dibadda looga guurayo.
Rajistareeshinadu waxay qabtaan sidoo kale shaqooyin kale oo badan. Rajistareeshinadu
-
waxay sameeyaan nikaaxa shibilka ama shacabka iyo diiwaangelinta xiriirka lamaanaha,
-
waxay nambarada aqoonsiyada shaqsiga ah siiyaan dadka deggan Finland,
-
waxay siiyaan cadeynta booska guriga, dadka heysta cadeynta meesha ay degan yihiin.
linkkiDigi- ja väestötietovirasto:
Macluumaadka xiriirka ee Hay'dda dijitaalka iyo macluumaadka dadkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Safaaradaha iyo qunsuliyadaha
Safaaradaha iyo qunsuliyaduhu waa wakiilada dowladda ee dowlado kale jooga.
Wakiiladda Finland ee dibadda
Wakiilada Finland ee dibaddu
-
waxay qabtaan codsiyada ogolaanshiyaha joogitaanka Finland
-
waxay bixiyaan dal-kugalyada Finland
-
waxay u adeegaan Finnishka dibadda deggan, marka ay qasab ku tahay inay arrimo ka sameystaan saraakiisha Finnishka ah, tusaale ahaan marka ay codsanayaan baasaboor cusub
-
waxay caawiyaan muwaadiniinta Finnishka ah ee xaalad halis ah ku gala dibadda
Bogagga wasaaradda arrimaha dibadda waxaa ku jira liiska wakiilada Finland ee dibadda.
Wakiilada ajnabiga ee Finland jooga
Macluumaadka iyo adeegyada wakiilada ajnabiga ee Finland jooga waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Safaaradaha Finland jooga.
linkkiUlkoasiainministeriö:
Wakiillada Finland ee dibaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiUlkoasiainministeriö:
Ruqsadaha dal ku galka ee ajnabigaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiUlkoministeriö:
Wakiilada wadamada kale ee FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiUlkoasiainministeriö:
Macluumaadka adeegyada qunsuliyaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Wakiiladda sinaanta u dooda
Wakiiladda sinnaanta u dooda waa masuul dowladeed howshiisuna tahay horumarinta sinnaanta cadaalad kana hortagaan takoorka.
Wakiiladda u dooda sinnaanta waad la xiriiri kartaa tusaale ahaan haddii aad la kulantay adigu takoorid asalkaada la xiriirta ama aad ogaato in qof kale la takooray. Wakiiladda u dooda sinnaanta wuxuu bixin karaa talooyin, hagis iyo soo jeedin, waxaa kale oo uu gacan ka geysan karaa heshiis ka gaarista dhacdooyinka takoorka la xiriira.
Waxaad xafiiska wakiiladda u dooda sinnaanta kala xiriiri kartaa:
-
telefoon: 0295 666 817Isniin-Jimco 10–12. Telefoonka waxaa laguugu adeegi karaa finnish, iswidish ama ingiriis.
-
iimeylka yvv(at)oikeus.fi
-
boostada xafiiska Wakiiladda u dooda sinnaanta, PL 24, 00023 Valtioneuvosto
Ballanta waa inaad sii qabsataa wakhti munaasib ah. Adeega xafiisku waa lacag la’aan. Haddii aadan aqoon afka finnishka, iswiidhishka ama ingiriiska, waad ku soo diri kartaa iimeylka ama dhambaalka luuqad kale.
linkkiWakiiladda sinaanta u dooda:
Caawimaadda loogu talagalay dhibanaha faquuqaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Soomaali | Isbanish | Turki | Shiino | Bershan | Carabi | Kurdish | Albaniyan | Jarmal | Tayland | Fietnaam | Burtuqiis | Tagalog | Boolish | Bosniyan | Kroashan | Romaniyan | Sami | Serbiyan | nepal