Nolosha Finland

Suomen hallinto

Dowladda Finland

Maamulka dowladda

Finland waa jamhuuriyad. Hay’adaha ugu sareeyaa waa baarlamaanka, madaxweynaha iyo golaha dowladda ama xukuumadda.

Baarlamaanka

Baarlaamka (Eduskunta) ayaa dejiya sharciyadda Finland islamarkaasna go’aamiya qiimeynta dhaqaalaha, miisaaniyadda. Baarlamaanku wuxuu sidoo kale ilaaliyaa shaqada xukuumadda. Baarlamaanka waxaa ku jira 200 oo xildhibaan. Xildhibaanada waxaa lagu soo doortaa doorasho xor ah afartii sanaba mar.

Bogga InfoFinlandi Doorashooyinka iyo codeynta Finland waxaa ku jira macluumaad ku saabsan qofka doorashooyinka baarlamaanka ka codeyn kara.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Madaxa dowladda Finland waa madaxweynaha jamhuuriyadda (tasavallan presidentti). Madaxweynaha waxaa lagu doortaa doorasho. Xilliga uu xilka hayo madaxweynuhu waa lix sano. Hal qof wuxuu madaxweyne noqon karaa ugu badnaan laba xilli madaxweyne oo isku xigta, waxaa loola jeedaa 12 sano.

Madaxweynaha jamhuuriyaddu

  • wuxuu ansixiyaa sharciyada,
  • wuxuu magacaabaa saraakiisha sarsare,
  • wuxuu hogaamiyaa siyaasadda dibadda isagoo la shaqeynaya xukuumada
  • waa madaxa ciidamada Finland

Bogga InfoFinlandi Doorashooyinka iyo codeynta Finland waxaa ku jira macluumaad ku saabsan qofka doorashooyinka madaxweynaha ka codeyn kara.

Xukuumadda

Xukuumadda (Hallitus) waxaa kamid ah ra’iisal wasaaraha iyo wasiirada kale. Baarlamaanka ayaa dooranaya ra’iisal wasaare waxaana shaqada u magacaabaya madaxweynaha jamhuuriyadda. Wasiirada kale waxaa magacaabaya madaxweynaha ra’isal wasaaruhuna wuu soo jeedinayaa.

Xukuumaddu waxay diyaarisaa islamarkaasna dhaqan-gelisaa go’aanada uu baarlamaanku sameeyay. Xukuumaddu shaqo ahaan waxay wakiilka u tahay baarlamaanka, waxaa loola jeedaa wasiiradu waa inay heystaan kalsoonida baarlamaanka. Wasiiradu waxay diyaariyaan arrimaha ay xukuumaddu go’aamiso. Wasiiradu waxay hogaamiyaan shaqada dowliga ah ee wasaaradaha. Wasaaradaha waxaa ka hoos shaqeeya hay’ado iyo qeybo kale. Tusaale ahaan Xafiiska dal u soo guuristu wuxuu hoostagaa wasaaradda arrimaha gudaha.

linkkiSuomi.fi:
Macluumaad ku saabsan maamulka FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEduskunta:
Macluumaad ku saabsan BaarlamaankaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiValtioneuvoston kanslia:
Shaqada xukuumaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiValtioneuvoston kanslia:
Xukuumadda hadda jirtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiTasavallan presidentin kanslia:
Macluumaad ku saabsan shaqooyinka madaxweynahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Maamul deegaameedka dowliga ah

Maamul deegaameedka dowliga ah waxaa loola jeedaa hay’adaha ama saraakiisha qabta shaqooyinka dowladda. Hay’adaha soo socda ayaa kamid ah maamul deegaanka dowliga ah:

  • Booliska,
  • Dacwad-oogaha,
  • Hay’adaha la wareegista hantada,
  • Rajistareeshinada,
  • Xafiisyada shaqada iyo ganacsiga,
  • Xafiisyada canshuuraha,
  • Kastmaka,
  • Xafiisyada kaalmada sharciyadeed.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan saraakiisha iyo shaqooyinka waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Saraakiisha muhiimka ah.

Maamulka soonaha

Maamulka soonaha waxaa u xilsaaran Hay’adda maamulka soonaha (aluehallintovirasto) iyo xarumaha ELY, waa, xarumaha ganacsiga, gaadiidka iyo deegaanka (elinkeino-, liikenne- ja ympäristökeskus).

Finland waxaa ku yaal lix hay’adood oo maamulka soonaha ah. Hay’adaha maamulka soonuhu waxay qaabilsan yihiin dhaqangelinta sharciga Finland iyo ilaalinta soonahooda. Hay’aduhu waxay qaabilsan yihiin arrimaha soo socda

  • Adeegyada aasaasiga ah, ammaanka xaqeed iyo ruqsadaha
  • Waxqabadka badbaadinta iyo diyaargaroobista
  • Booliska
  • Badbaadada shaqada
  • Ruqsadaha deegaanka

Finland waxaa ku yaal 15 xarumood oo ELY. Shaqooyinkooda waxaa ka mid ah tusaale ahaan

  • Talo-siinta shirkadaha
  • Badbaada deegaanka
  • Horumarinta nabadgelyada wadooyinka
  • Horumarinta la-qabsashada dadka dalka u soo guuray

linkkiValtiovarainministeriö:
Maamulka deegaanka ee dowladdaFinnish | Iswidish

linkkiValtiovarainministeriö:
Maamulka gobolkaFinnish | Iswidish

linkkiAluehallintovirasto:
Xafiisyada maamulka gobolkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiELY-keskus:
Xarumaha ELYFinnish | Iswidish | Ingiriis

Degmooyinka

Finland waxay u qeybsan tahay degmooyin. Degmooyinku waxay leeyihiin is-maamul, waxaa loola jeedaa waxay go’aan ka gaari karaan arrrimahooda. Degmooyinku waxay leeyihiin xuquuq canshuureed, waa xaqa canshuur ka ururinta dadkeeda canshuurta degmada. Degmooyinka waxaa waajib ka saaran yahay inay dadkooda u qabanqaabiyaan adeegyo badan. Kuwaan waxaa kamid ah tusaale ahaan daryeelka caafimaadka, xannaano-maalmeedka carruurta iyo waxbarashada. Intaas waxaa dheer oo sidoo kale ay bixin karaan adeegyo kale oo dheeraad ah. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Guri-degmo ee Finland.

Arrimaha degmada waxaa go’aan ka gaara golaha degmada. Xubnaha golaha degmada waxaa lagu doortaa dooorashooyinka degmooyinka ee la qabanqaabiyo afartii sanadba mar. Golaha degmada ayaa waxay doortaan xubnaha maamulka golaha degmada, kuwaas oo ay shaqadoodu tahay diyaarinta go’aanada golaha degmada iyo dhaqangelintooda.

Bogga InfoFinlandi Doorashooyinka iyo codeynta Finland waxaa ku jira macluumaadka cidda ka codeyn karta doorashooyinka degmada.

linkkiSuomi.fi:
Maamulka degmoFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiKuntaliitto:
Shaqada degmooyinkaFinnish | Iswidish