Nolosha Finland

Vaalit ja äänestäminen Suomessa

Doorashooyinka iyo codeynta Finland

Codeynta

Codeynta caadiga ah waxaa ruux walboo finnish ah, kaasoo buuxiyey da'da 18 jirka xaq u leeyahay inuu codeeyo.

Doorashada golaha deeggaanka iyo -baarlamaanka yurub waxaa codeyntooda iyaguna xaq u leh iney codeeyaan jinsiyadaha kala duwan, kuwaasoo ku nool Finland. Codeynta golaha baarlamaanka yurub waxaa sidoo kale iyaguna codeyn kara muwaadiniinta midowga yurub, kuwa isaka diiwaangeliyey diiwaangelinta inta xaqa u leh iney ka codeeyaan Finland. Codeynta doorashada golaha deeggaanka waxaa codeyn kara dhammaan bulshada jinsiyadaha kale haysta, kuwaasoo deeggaan ku ahaa degmooyinka ugu yaraan labo sanno degmadaas.

Wargelinta codeynta doorashada waxaa laguugu soo dirayaa boostada gurigaaga qiyaastii bil kahor maalinta codeynta. Wargelinta waxaa ku qoran halka aad ka codeyneyso. Haddaad codeyneyso maalinta codeyska, waxaad ka codeyn kartaa oo keliya, goobta codeynta ee ku qoran kaarka.

Codeynta doorashooyinkoo dhan waad codeyn kartaa inta ka horeysa maalinta codeynta, xiliga sii codeynta. Haddaad sii codeyneyso, waxaad ka codeyn kartaa guud ahaan goobaha loogu talogaley sii codeynta meel walbooy tahay Finland ama wadanka dibadiisaba.

Haddii aadan helin wargelinta codenta waxaad la xiriirtaa degmada aad degan tahay waaxdiisa diiwaangelinta.

Markaad soo codeyneyso, waa inaad horey usii qaadataa aqoonsi, wargelinta codeyntana wey wanaagsan tahay inaad horey u sii qaadato.

Doorashooyinka degmada

Arrimaha muhiimka ah ee degmada waxaa go’aan ka gaara golaha degmada (kunnanvaltuusto). Xubnaha golaha degmada waxaa lagu soo doortaa doorashooyinka degmada. Doorashooyinka degmada waxaa la qabanqaabiyaa afartii sanaba mar. Tirada wakiilada degmadu waxay ku xiran yihiin inta ay dhan yihiin dadka degmada deggan.

Yaa codeyn kara?

Doorashooyinka degmooyinka waad ka codeyn kartaa haddii:

  • aad tahay muwaadin Finland, dowlad kale oo Midowg Yurub ah, Norway ama Iceland u dhashay islamarkaasna aad tahay 18 sano jir ugu dambeyn maalinta doorashada. Intaas waxaa dheer, waxaa loo baahan yahay in degmada laga hadlayo lagu lahaado guri-degmo ugu dambeyntii maalinta 51aad kahor maalinta doorashada,
  • aad tahay 18 sano jir ugu dambeyntii maalinta doorashada wadan kasta ha ahaadoo muwaadinkaaaga. Intaas waxaa dheer, waxaa loo baahan yahay in degmada laga hadlayo lagu lahaado guri-degmo ugu dambeyntii maalinta 51aad kahor maalinta doorashada. Waxaa kale oo lagaa doonayaa in aad guri-degmo ku laheyd Finland ugu yaraan labo sano oo xiriir ah.

Yaa musharax ahaan kara?

Waxaa musharixiinta soo magacaabi kara

  • xisbiyada rajistareeshinka xisbiyada ku jira, iyo
  • dad codbixin xaq u leh oo qof soo magacowday. Codbixiyayaashu waa inay ahaadaan ugu yaraan 10 xubnood.

Musharuxu waa in uu ahaadaa qof,

  • cod bixinta doorashooyinka degmada xaq u leh,
  • ku leh guri-degmo degmada laga hadlayo,
  • aan laga aheyn mas’uul

linkkiVaalit.fi:
Macluumaad ku saabsan doorashooyinka degmadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Doorashooyinka Baarlamaanka

Baarlamaanku (Eduskunta) waa unugga go’aan sameynta ee ugu muhiimsan dowladda Finland. Xubnaha baarlamaanka, xildhibaanada waxaa lagu soo doortaa doorashooyinka baarlamaanka. Doorashooyinka baarlamaanka waxaa la qabanqaabiyaa afartii sanaba mar. Doorashooyinka baarlamaanka marka lagu jiro dalka waxaa loo qeybiyay qeybo doorasho. Qeyb doorasheed kasta waxaa laga soo doortaa tiro cayiman oo xildhibaano ah. Tirada xildhibaanadu waxay ku xiran tahay tirada dadka ee deggan qeybta doorashada. Xildhibaanada la doortaa waa 200 wadajirkoodu.

Yaa codeyn kara?

Waad ka codeyn kartaa doorashooyinka baarlamaanka haddii aad tahay muwaadin Finnish ah islamarkaasna aad buuxisay 18 sano ugu dambeyntii maalinta doorashada. Xaqa codbixinta waxaa sidoo kale leh muwaadiniinta Finnishka ah ee deggan dibadda.

Yaa musharax ahaan kara?

Waxaa musharixiinta soo magacaabi kara

  • xisbiyada rajistareeshinka xisbiyada ku jira,
  • dad codbixin xaq u leh oo sameystay codbixiyayaal. Codbixiyayaashu waa inay ahaadaan ugu yaraan 100 xubnood.

Musharuxu waa in uu ahaadaa qof

  • cod bixinta doorashooyinka baarlamaanka xaq u leh,
  • aan laga aheyn mas’uul.

linkkiVaalit.fi:
Macluumaad ku saabsan doorashooyinka baarlamaankaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEduskunta:
Macluumaad ku saabsan doorashooyinka baarlamaankaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Doorashooyinka madaxweynaha

Madaxweynuhu waa madaxa dowladda Finland. Madaxweynaha waxaa lagu soo doortaa doorashooyinka madaxweynaha. Doorashooyinka madaxweynaha waxaa la qabanqaabiyaa lixdii sano mar. Isla hal qof waxaa la dooran karaa ugu badnaan labo jeer.

Doorashooyinka madaxweynaha sida caadiga waa laba qeybood. Haddii musharixiinta midkood uusan helin wareegga hore in ka badan kalabar codadka, waxaa la qabanqaabinayaa wareeg labaad. Wareegaas labaad waxaa musharixiin ka ah labada musharax ee codadka ugu badan ka helay wareegii koowaad. Qofka hela wareegga labaad codadka ugu badan ayaa loo doortaa madaxweyne.

Yaa codeyn kara?

Waad ka codeyn kartaa doorashooyinka madaxweynaha haddii aad tahay muwaadin Finnish ah islamarkaasna aad buuxisay 18 sano ugu dambeyn maalinta doorashada. Xaqa codbixinta waxaa sidoo kale leh muwaadiniinta Finnishka ah ee deggan dibadda.

Yaa musharaxa ahaan kara?

Waxaa musharixiinta madaxweynaha soo magacaabi kara

  • xisbiyada baarlamaanka ku leh ugu yaraan hal xildhibaan,
  • dad codbixin xaq u leh oo sameystay codbixiyayaal. Codbixiyayaashu waa inay ahaadaan ugu yaraan 20 000 xubnood.

Musharuxu waa in uu ahaadaa qof

  • muwaadin ah islamarkaasna asal ahaan u dhashay Finland,
  • xaq u leh codbixinta doorashooyinka madaxweynaha,
  • aan mas’uul laga aheyn.

linkkiVaalit.fi:
Macluumaad ku saabsan doorashooyinka madaxweynahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Doorashooyinka baarlamaanka Yurub

Baarlamaanka Yurub iyo Golaha Midowga Yurub oo wadajira waxay yihiin unugga sharci-dejinta Midowga Yurub ee ugu muhiimsan. Golaha Midowga Yurub waxaa ku jira wakiilada xukuumada wadamada xubnaha ka ah. Baarlamaanka waxaa ku jira 754 xubnood, 13 kamid ahna waxaa laga soo doortaa Finland. Xubnaha baarlamaanka waxaa lagu doortaa doorshooyin. Doorashooyinka waxaa la qabanqaabiyaa shantii sano mar.

Yaa codeyn kara?

Waad ka codeyn kartaa doorashooyinka baarlamaanka Yurub, haddii

  • aad tahay muwaadin Finnish ah islamarkaasna aad buuxisay 18 sano ugu dambeyntii maalinta doorashada,
  • aad tahay muwaadin wadan kale oo Midowga Yurub ah islamarkaasna aad buuxisay 18 sano ugu dambeyntii maalinta doorashada. Waa inaad sidoo kale guri-degmo ku lahaataa Finland maalinta 51aad maalinta doorashada kahor. Waxaa intaas dheer inaad iska diiwaangelisaa rajistareeshinka codbixinta Finland. Is-diiwaangelinta waa in rajistareeshinka laga sameeyaa ugu dambeyn maalinta 80aad maalinta doorashada kahor.

Hal dal oo kali ah ayaad kaga codeyn kartaa doorashooyinka isku midka ah.

Yaa musharax ahaan kara?

Waxaa musharixiinta soo magacaabi kara

  • xisbiyada rajistareeshinka xisbiyada ku jira iyo
  • dad codbixin xaq u leh oo sameystay codbixiyayaal. Codbixiyayaashu waa inay ahaadaan ugu yaraan 2000 xubnood.

Musharuxu waa in uu ahaadaa qof

  • heysta xaqa codbixinta doorashooyinka baarlamaanka Yurub,
  • aan mas’uul laga aheyn.

linkkiVaalit.fi:
Macluumaad ku saabsan doorashooyinka baarlamaanka YurubFinnish | Iswidish | Ingiriis