Saavutettavuus

Helitaanka

Soo dhowow, tani waa warbixinta helitaanka adeegga InfoFinland ee magaalada Helsinki

Warbixintan waxay quseysaa adeegga www.infofinland.fi waxaana la dejiyay / la cusboonaysiiyay 6.10.2020.

Helitaanka adeegga waxaa qiimeeyay urur khabiir ah oo adeegga ka baxsan.

Hiigsiga magaalada

Hiigsiga helitaanka adeegyada dijitaalka ee Helsinki waa in lagu dadaalo in uu noqdo ugu yaraan mid waafaqsan tilmaan-bixinnada WCAG ee AA- ama heer kaas ka sii fiican, haddii ay taasi u suurrageli karo si aan adkayn.

Xaaladda helitaanka adeegga dijitaalka ah

Wuxuu qayb ahaan buuxinayaa shuruudda helitaanka

Waxybaaha ku jira aan la gaarin

Bogga shabakaddu ma ahan weli mid qaybaha oo dhan ka waafaqsan shuruudaha.

La fahmi karo: Haba ay u shaqeeyaan linkiyada bogga ka baxa.

Waxyaabaha aan la heli karin iyo waxyaabaha ka dhiman

Waxaa bogga ku jira linkiyo luqado kala duduwan ah, kuwaas oo isticmaalaha bogga ka saaraya. Linkiyadu waxay ku furmayaan bog kale oo cusub, qofka isticmaalayana qoraalka linkiga looguma sheegin in uu bogga ka baxayo.

Shuruudaha helitaanka ee aan buuxsamin

Gelidda 3.2.2

Warsidaha InfoFinland

Adeegga warsidaha InfoFinland ma ahan mid qaybihiisa oo dhan la heli karo. Waxaa la billaabay hanashada nidaamka cusub, hiigsiguna waa in isticmaalkiisa la billaabo inta lagu jiro sannadka 2021.

Miyaad adeeggeenna dijitaalka ah ku aragtay wax la heli karin? Noo sheeg waxaana ku dadaalaynaa in aan saxno waxa dhiman

Foomka shabakadda

www.infofinland.fi/palaute

Iimaylka

infofinland(at)hel.fi

Saraakiisha ilaalinta

Haddii bogga ku aragto dhibaato la xiriirta helitaanka macluumaad, annaga yacni dadka bogga maamula sii marka hore aragti-celin. Jawaabtu waxay qaadan kartaa 14 maalmood. Haddii aadan ku qanacsanayn jawaabta aad heshay ama aadan gebi ahaanba helin jawaab muddo labo todobaad ah, waxaad ogeysiin u diri kartaa Waaxda maamulka gobolka Koonfurta Finland. Bogga Waaxda maamulka gobolka Koonfurta Finland ayaa waxaa si rasmi ah loogu sheegayaa sida ogeysiinta loo sameyn karo iyo sida arrinta looga baaraandego.

Macluumaadka xiriirka saraakiisha ilaalinta

Waaxda maamulka gobolka Galbeedka Finland (Etelä-Suomen aluehallintovirasto)
Qaybta ilaalinta helitaanka (Saavutettavuuden valvonnan yksikkö)
www.saavutettavuusvaatimukset.fi
saavutettavuus(at)avi.fi
Lambarka telefoonka ee gudbinta 0295 016 000

Waxaan si joogto ah u sameynayaa halo aan ku hagaajinayno helitaanka

Waxaan ka go’annahay hagaajinta helitaanka adeegyada dijitaalka ah

Helitaanka bogga waxaa la hagaajiyay sannadihii la soo dhaafay. Marka lagu jiro cusboonaysiinta bogga shabakadda ayaa waxaa sannadka 2021-2022 adeeggeen shabakadda ee cusub laga dhigayaa mid sidii hore uga fiican helitaanka macluumaadka.

Boggan shabakadda/dalbashada waxaa la daabacay

18.09.2013