Tietosuoja

Ilaalinta xogta

Adeegga InfoFinland.fi waxaa maamula magaalada Helsinki. Magaaladu waxey qawlqaaday ilaalinta arrimaha gaarka u ah dadka isticmaala adeegyada shabakadaheeda.

Si otomaatig ah ayaan ula soconaa booqdayaasha macluumaadkana waxaan u isticmaalnaa horumarinta bogga. La-socoshada waxaan ku ogaanaa tusaale ahaan:

  • tirada dadka booqda bogga
  • inta ay dhantahay sida loo isticmaalo bogagga kala duwan
  • luqadda bogga lagu isticmaalo
  • inta ay dhantahay mudada la isticmaalayay bogga
  • sida bogga loogu dhaqdhaqaaqo
  • wadanka ay isticaamalayaashu joogaan
  • qalabka iyo bog-furayaasha la isticmaalayo

Kookiyiin ayaan isticmaalnaa

Bogagga waxaa loo isticmaalaa kookiyiin (cookies). Bog-furis ayaan kula soconaa bogagga, laakiin ma uruurino macluumaadyo qofka ku xiriirsami kara.

Isticmaaluhu wuxuu isticmaalka kookiyooyinka uga hortagi karaa beddelista habka bog-furihiisa. Isbeddelku wuxuu saameyn karaa shaqada bogga.

Bogagga waxaa ku jira waxyaabo hoos la geliyay oo ay dadka soo saareen. Tusaale ahaan amaanka gaarka ah ee warbaahinta bulshada iyo kanaalada fiidiyowyada waxaa ka mas’uul ah maamullada soo saarayaasha.