Verkkopaneeli

Wadasheekaysi xagga internetka ah

Kaalay oo wax ka dhis Infopankiga mustaqbalka!

online panel + logoHaddii aad xubin ka noqotid wadasheekaysiga xaggga internetka ah ee Infopankiga waxaad saameyn ku yeelan kartaa, sidii loo hormarin lahaa adeegga shabakada Infopankiga ee luuqadaha badan lagu turjumay.

Wadasheekaysiga xaggga internetka ah (Verkkopaneeli) wuxuu u furan yahay dhammaan kuwa xiiseynaya Infopankiga arimaha la xiriira. Waxaan rajeyneynaa inay ka soo qayb galaan xubno leh luuqado iyo da'a kala duwan oo ka socda Finland iyo wadamo kale intaba.

Uga biir halkaan wadasheekaysiga xagga internetka ah.

https://uutiskirjeet.hel.fi/infofinland-online-user-panel

Sideebuu wadasheekaysiga internetku u shaqaynayaa?

  • Wadasheekaysiga xagga internetka ah awgiis waxaan u baahannahay cinwaanka e-mailkaaga.
  • Ugu badnaan bil dhaaf ayaan internetka kuugu soo diraynaa su’aalo gaa gaaban, kuwaas oo la xiriira waxyaabaha ku qoran Infopankiga, qaab dhismeedka bogga internetka ama macluumaad gudbinta.
  • E-mailkaaga looma adeegsanayo ujeedooyin kale.

Su'aaluhu inta badan waxay ku qoran yihiin luuqadda ingiriiska, sidoo kale mar marka qaarkood luuqadoo kale.

Sannadkiiba dhawr mar ayaan abaalmarin bakhtiyo nasiib ah u qabanaynaa dadka su'aalaha ka soo jawaabay dhexdooda.

Ku biiridda wadasheekaysigu waxba kugu waajibinmeyso. Sidoo kale wadasheekaysiga xagga internetka ah waxaad ka bixi kartaa mar walba oo aad dooneyso.

Tilmaamaha diiwaanka

Tilmaamaha diiwaanka Infopankki waxaa laga helaa bogagga magaalada Helsinki.

linkkiHelsingin kaupunki:
Tilmaamaha diiwaanka: Kaupunginkanslian asiakasviestinnän, markkinoinnin ja tilaisuuksienhallinnan rekisteriFinnish | Iswidish | Ingiriis