U gudub macluumaadka ku jira
Työ ja yrittäjyys Vantaalla

Shaqada iyo ganacsiga Vantaa

Waa la daabacay07.06.2022
Vantaa waxay leedahay fursado shaqaaloobis oo noocyo badan. Boosaska shaqooyinka ee bannaan waxaad ka heleysaa bogagga boosaska shaqada. Vantaa waxaad ka heli kartaa caawimaadda codsiga shaqada, raadinta waxbarashada ama hagitaanka aasaasidda shirkad. Boggan waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan adeegyada la xiriira nolosha shaqada ee Vantaa.

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Shaqooyinka Vantaa laga helo

Bogga Business Finland waxaad ka heleysaa ogeysiisyada boosaska shaqooyinka bannaanka ee Finland oo xirfaddaada ama laantaada aqooneed waafaqsan. Waxaa kale oo aad shaqo ka raadsan kartaa Vantaa.

Adeegyada shaqaaloobidda ee Vantaa iyo Kerava waxay taageeraan shaqo-raadinta

Adeegyada shaqaaloobidda Vantaa iyo Kerava waxaad ka heleysaa hagitaanka shaqo-raadinta iyo macluumaad ku saabsan goobaha shaqada iyo waxbarashada ee furan. Haddii aad u baahan tahay talo iyo tusaale ku aaddan shaqaaloobiddaada ama waxbarashada, la xiriir adeegyada shaqaaloobidda ee magaalada Vantaa. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada magaalada waxaad ka heleysaa bogagga magaalada Vantaa.

Goobta dan qasashada ee adeegyada shaqaaloobidda Vantaa

Vernissakatu 1, dabaqa 1aad
Wuxuu shaqaynayaa Isniin-Jimco 9-16 saac
Telefoon 09 8395 0140

Haddii aad shaqo la’aan tahay, shaqo raadiye ahaan isaga diiwnaageli Xafiiska shaqada iyo meheradaha

Haddii aad shaqo la’aan tahay oo aad shaqo raadinayso, shaqo raadiye ahaan isaga diiwaangeli Xafiiska shaqada iyo meheradaha, yacni Xafiiska shaqada. Iska diiwaangeli xittaa haddii shaqada wakhti cayiman lagaa fariisiyay, waxbarashadaadu ay dhammaatay ama ay dhammaatay shaqadi mushaarkeeda lagaa taageerayay. Shaqo raadiye ahaan waxaad isu diiwaangelin kartaa adigoo isticmaalaya adeegyada shabakadda Xafiiska shaqada iyo meheradaha, adigoo tegaya Xafiiska shaqada ee kuugu dhow ama adigoo telefoon kula xiriiraya.

Xafiishka Shaqada iyo meheradaha ee Uusimaa, Vantaa
Vernissakatu 1, dabaqa 5aad
Isniin-Jimco saacadda u dhexeysa 9–16
Tel. 0295 025 500

Muwaadiniinta wadamada Midowga Yurub, Norway, Iceland, Liechtenstein iyo Switzerland waxay shaqo-raadiye ahaan isaga diiwaangelin karaan adeegyada shabakadda internetka ee Xafiiska shaqada iyo meheradaha. Muwaadiniinta wadamada kale waa in ay si shakhsi ah oo toos ah u tagaan isagana diiwaangeliyaan Xafiiska shaqada iyo meheradaha. Horay u sii qaado aqoonsi iyo sharciga deganaanshaha dalka.

Macluumaadka adeegyada Xafiiska shaqada iyo meheradaha waxaad ka heleysaa bogga InfoFinland Haddii aad shaqo la'aan noqotid . Macluumaad ku saabsan shaqo ka codsashada Finland waxaad ka heleysaa bogga InfoFinland Shaqo iyo ganacsi .

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVantaan työ- ja elinkeinotoimisto

Adeegyada iyo macluumaadyada xiriirka

Cawinaad codsiga shaqada

Xarunta xeel-dheerayaasha Vantaa (Vantaan osaamiskeskus)

Haddii aad Vantaa deggan tahay, xaq aad u leedahay in aad Finland ka shaqeyso islamarkaasna aad tahay qof qaangaar ah oo Xafiiska shaqada iyo meheradaha macaamil ka ah, waxaad codsan kartaa adeegyada xarunta xeel-dheerayaasha Vantaa. Halkaas waxaad ku ogaan kartaa aqoontaada waxaadna hagitaan uga heli kartaa waxbarashooyinka iyo nolosha shaqada. Aqoontaada luqada Finnishkana waad ku horumarin kartaa. La xiriir khabiirkaada Xafiiska shaqada iyo meherada. Xarunta xeel-dheerayaasha Vantaa waxaa sidoo kale laga helaa koorasyo, waxbarasho iyo dhacdooyin u furan dadka kale ee dalka u soo guuray.

Mashruuc Tsempataan töihin

Waxyaabaha lagu taageero shaqaaloobidda dadka dalka u soo guuray ee Vantaa jooga waxaa ka mid ah mashruuca Tsempataan töihin. Mashruucu waa mid ay hirgelinayaan magaalada Vantaa, Xafiiska shaqada iyo meheradaha, shirkadda Sodexo Oy iyo ururada dadka dalka u soo guuray ee reer Vantaa. Shaqaalaha mashruuca waxaad caawimaad uga heleysaa codsashada shaqada, qoritaanka CV’ga iyo codisga shaqada, raadinta waxbarashada iyo su’aalaha la xiriira nolosha shaqada ee kale.

Adeegga macaamiishu wuxuu ku shaqeeya af Finnish, Ingiriis, Ruush, Carabi iyo Soomaali.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVantaan Venäläinen Klubi

Mashruuca Tsempataan!

Xarunta laqabsashada Monika

Xarunta laqabsashada Monika waxey dumarka dalka u soo guuray ee shaqo la’aanta ah ka caawisaa sidii ay ku heli lahaayeen boos shaqo. Waxaad caawimaad u heli kartaa sameynta qoraalka qof ka waranka ama CV iyo codsiga shaqada, waxaad baran kartaa finnishka nololmaalmeedka loo isticmaalo iyo xirfadaha dhijitaalka.

Luckan integration

Luckan Integration waa adeeg la talin ah, kaas oo la talin shakhsiyadeed siiya dadka waddanka u soo guurey, wuxuuna qabtaa munaasabado la xiriida shaqo codsiga iyo guruubo shaqo codsi ah.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaLuckan integration

Talo bixin la xiriirta shaqo dalbashada

Väestöliitto

Shaqo ku hagida uu bixiyo ururka isbahaysiga dadku, waxaa loogu talogalay dadka waddanka u soo guuray oo horay waxbarashada u lahaa. Dariiqadan awgeed waxaad heli kartaa qof ku haga, kaas oo kaa caawinaya codsiga shaqada iyo kan waxbarashada ama sameynta shirkad ganacsi. Hawshan waxaa lagu qabanayaa luuqada Finnishka.

Ohjaamo

Haddii aad 30-sano ka yar tahay, waxaad la talin iyo hagitaan ka heli kartaa adeegga Ohjaamo. Shaqaalaha Ohjaamo ayaa ku caawinaya, haddii aad shaqo la'aan tahay ama aadan haysan goob waxbarasho.

R3 Maahanmuuttajanuorten tuki ry

R3 Urur dhalinyarada dadka waddanka u soo guurey waa urur, arimaha dhalinyarada wax ka caawiya, cawinaadaas oo la xiriirta xagga waxbarashada iyo shaqada. Wixii macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga internetka ururka.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaR3 maahanmuuttajanuorten tuki ry

Kaalmada da'yarka dalka u soo guuray

Aasaasidda shirkad

Adeegyada talabixinta ee ganacsiga la xiriira waxaa Vantaa la isugu keenay hal saqaf hoostiis oo ah Xarunta adeegga shirkadaha LeiJa. Daarta LeiJa waxaa ku shaqeeya adeegyada quu soo saarashada, YritysVantaa, Rugta ganacsiga, Yritysohjaamo, Shirkadaha vantaa iyo adeegyada shirkadaha ee Xafiiska shaqada iyo meherada. Qaabilaadaha Business Finland waxay ku shaqeeyaa Leija iyadoo ballan laga qabsanayo.

Haddii aad doonayso in aad shirkad samaysato, waxaad caawimaad ka heli kartaa xarunta adeegga shirkadaha ee Leija. Waxay kaa caawinayaa horumarinta firkadda ganacsiga ama qorshaha waxqabadka ganacsiga. Adeegyadu waa lacag la’aan.

Xarunta adeegga shirkadaha ee Leija
Elannontie 3
01510 Vantaa

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVantaan Uusyrityskeskus ry

la-talinta shirkadda

Shabakadda Business Vantaa waxay ku caawinaysaa, marka aad dooanyso in aad shirkad ka aasaasto Vantaa, waxbarasho ka heshid, shaqaale ka qoroto, caalami noqoto ama aad xiriiro cusub hesho. Adeegyadu waa lacag la’aan.

Waxaad la xiriiri kartaa Business Vantaa adigoo wacaya lambarka talabixinta ee Infada oo ah 09839 20000, Isniin-Jimco 8–15.30.

NewCo Helsinki wuxuu bixiyaa talabixin shakhsi ah oo ku saabsan aasaasidda shirkadda, wuxuu Helsinki ku qabanqaabiyaa munaasabadu warbixineed iyo tababarada ganacsatada oo ku baxaya luqado kala duwan.

Haddii aad shirkad ku leedahay Vantaa, waxaad ku biiri kartaa oo aad xubin ka noqon kartaa Ganacsatada Vantaa. Ururka Ganacsatada Vantaa waa urur ilaaliya danaha ganacsatada, kaas oo xubnihiisa siiya tusaale ahaan tababarro iyo talabixin. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga shabakadda ururka.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVantaan Yrittäjät ry

Ururka ilaalinta danaha shirkadleyda

Xafiiska shaqada iyo meheradaha ee Uusimaa wuxuu adeegyo noocyo badan siiyaa qofka ka fekeraya in uu ganacsi samaysto ama ganacsadaha cusub. Xafiiska shaqada iyo meheradaha ee Uusimaa waxaad uga qaybqaadan kartaa tusaale ahaan tababarada ganacsatada waxaad ka codsan kartaa lacagta billowga ganacsiga ee loogu talagalay shirkad aasaasidda.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Shirkad ganacsi ku samaynta Finland .

Canshuurid

Xafiiska canshuurta ee soonaha Caasimaddu wuxuu ku yaalaa bartamaha Helsinki.

Macluumaadyada xiriirka:
Hämeentie 15
00500 Helsinki
Puh: 029 512 000

Dadka muhaajiriinta ah waxey sidoo kale ka daneysan karaan goobta adeegga ee International House Helsinki. Khuburada Kelada iyo Maamulka canshuuruhu waxey talo ka siiyaan muhaajiriinta Finland shaqo u imaanaya arrimaha la xiriira canshuuraha iyo ammaanka bulshada.

Macluumaadka xiriirka ee goobta adeegga ee International House Helsinki:

International House Helsinki
Lintulahdenkuja 2
00530 Helsinki

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Canshuurid

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaInternational House Helsinki

Goobta adeegga IHH ee dadka u soo guuraya Finland