Nolosha Finland

Tietoa Vantaasta

Warar ku saabsan Vantaa

Gaadiidka

Gaadiidka dadweynaha

Vantaa iyo dhammaan agagaarka caasimadda waxaa ka jira iskuxir gaadiid wannaagsan. dhinaca wadada weyn iyo tan Martinlaakso waxaa ku yaal maxado tareen oo dhawr ah. Magaalada waxaa dhex mara wadooyin badan oo ay basasku maraan.

Vantaa waxay ka mid tahay isku-xirka gaadiidka degmooyinka ee agagaarka Helsinki (Helsingin seudun liikenne -kuntayhtymä HSL), taas oo gaadiidka dadweynaha ka qabanqaabisa agagaarka caasimadda. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga HSL.

Adeegga hagaha wadooyinka (Reittiopas) waxaad ka raadsan kartaa wadooyinka mara agagaarka caasimadda. Adeeggu wuxuu kaala talinayaa sida aad u raaceyso gaadiidka dadweynaha.

Gaadiidka dadweynaha waxaa tikidkiisa ku bixin kartaa kaash ama kaarka safarka. Tareenada masaafooyinka dhow marka aad raaceyso waa in aad tikidka horumaris ahaan u soo gadataa. Waxaad sidoo kale telefoonka ku iibsan kartaa tigidka moobaylka ama tigid hal mar ah ayaad ka iibsan kartaa mashiinka tigidhada.

linkkiHelsingin seudun liikenne HSL:
Hagaha wadooyinkaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush

Kaarka safarka

Kaarka safarka (matkakortti) in lagu safraa waxay ka jaban tahay kaashka. Kaarka safarku wuxuu ku shaqeeyaa ama lagula safri karaa basaska magaalada, tareenada xaafadaha, basaska, merooga, taraamka iyo doonta Suomenlinna.

Kaararka safarku waa laba nooc. Kaar shaqsi (henkilökohtainen kortti) waxaa loola jeedaa kaarka uu qofka milkida u leh oo kaliya uu ku safri karo. Waa habka ugu fiican ee lagu safro. Kaarka qofka heysta (haltijakohtainen kortti) waxaa loola jeedaa kaarka ay dad badan isticmaali karaan.

Kahor inta aadan qaadan kaarka shaqsiga, waxaa qasab kugu ah inaad magaalo uun hoostimaada soonaha deegaanka tikidka ee HSL aad isaga diiwaangeliso sidii degane rasmi ah. Magaalooyinku waa Helsinki, Espoo, Vantaa, Kauniainen, Kirkkonummi, Kerava iyo Sipoo.

Kaarka safarka waxaad ka iibsan kartaa gaabta iibka (myyntipiste) ama goobta adeegga (palvelupiste) ee HSL:ka. Goobuhu waxay ku yaallaan dacallada kala gedisan ee caasimadda iyo agagaarkeeda. Kaarka safarka ee shakhsiyanka ah waxaa laga iibsan karaa goobta adeegga. Haddii aad iibsaneysid kaarka safarka ee shakhsiyanka ah, horay u sii qaado waraaqahaaga aqoonsiga. Sidoo kale kaarka safarka ee shakhsiyanka ah waxaad ka iibsan kartaa bogga internetka ee HSL:ka, haddii aad leedahay aqoonsiga finniska ee xagga internetka looga galo xisaabta bankiga.

Waad ku safri kartaa kaarka safarka marka aad ku shubato waqti (kausi) ama qiimo (arvo). Waqti waxaa loola jeedaa: tusaale ahaan hal bil. Qiimo waxaa loola jeedaa lacag. Haddii aad inta badan ku safarto gaadiidka dadweynaha waxaa kuu wannaagsan inaad kaarka ku cabeysato waqti.

Kaarka safarka waxaad ka cabeysan kartaa meel kasta oo ah oo goobta cabeynta kaarka safarka (matkakortin latauspiste). Faahfaahin dheeri waxaad ka heleysaa bogga shabakada HSL.

linkkiHelsingin seudun liikenne:
Raadinta goobta iibkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin seudun liikenne HSL:
Macluumaad iyo talooyin loogu talagalay dadka safarka ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin seudun liikenne:
Tikidhada iyo qiimahoodaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Socodka iyo baaskiil wadashada

Marinka ugu haboon baaskiil wadashada iyo socodka waxaad ka heleysaa adeegga hagaha wadooyinka (reittiopas), haddii aad dooneysid inaad Vantaa socod ama baaskiil ku martid.

Kaartada waraaqda ah ee wadiiqooyinka baaskiilada waxaa ka soo doonan dkartaa barta macuulaadka ee Vantaa (Vantaa-info). Kaartada baaskiiladu waa bilaash.

linkkiVantaan kaupunki:
Vantaa-infoFinnish | Iswidish | Ingiriis

Gawaarida iyo diyaaradaha

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Helsinki-Vantaa wuxuu ku yaalaa Vantaa. Garoonka diyaaraduhu wuxuu leeyahay isku xir gaadiid oo wanaagsan, waxaana lagu tegi karaa gaari, bas iyo tareen.

Saldhigyada tareemada intooda badan waxaa suurto gal ah in baarkinadooda gaariga la dhigto dabadeedna safarka lagu sii wato gaadiidka dadweynaha. Jadwalka basaska iyo tareemada waxaad si sahlan uga heleysaa adeegga hagaha wadooyinka.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Gaadiidka

linkkiHelsinki-Vantaa:
Garoonka diyaaraddaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Shiino

Go’aan sameynta iyo saameyn ku yeelashada

Arrimaha Vantaa waxaa go’aan ka gaara golaha magaalada (kaupunginvaltuusto). Waxay ka kooban yihiin 67 xubnood, kuwaas oo kala metela kooxo-siyaasadeedyo kala duduwan. Golaha waxaa lagu soo doortaa afartii sanaba mar doorashooyinka degmada (kunnallisvaalit).

Dadka deggan Vantaa waxay habab badan saameyn ugu yeelaan go’aan sameynta iyo diyaarinta arrimaha. Kanaalka Vantaa waxaad kala socon kartaa shirarka golaha deegaanka islamarkaasna ka heli kartaa macluumaad ku saabsan go’aan sameynta.

Vantaa waxaa ka jira gudiga wada-xaajoodka arrimaha dhaqamada kala duduwan (monikulttuurisuusasiain neuvottelukunta), kuwaas oo bandhigyo ka soo sameeya arrimaha taabanaya dadka dalka u soo guuray. Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri bogagga shabakadda magaalada Vantaa.

Vantaa waxaa ka jiri ururo siyaasadeedyo badan, ururo ay leeyihiin dadka dalka u soo guuray iyo ururo kale oo aad u soo mari karto saameyn ku yeelashada go’aan sameynta. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ururada waxaad ka heleysaa boggaga vantaalla.info.

linkkiVantaan kaupunki:
Go'aan sameyntaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiVantaan kaupunki:
Ka qeybqaado oo saameyn ku yeeloFinnish

linkkiVantaa-kanava:
Shirarka shabakadda ee golaha deegaankaFinnish

linkkiVantaan kaupunki:
Gudiga wada-xaajoodka arrimaha dhaqamada kala duduwanFinnish

Diinta

Vantaa iyo Helsinki waxaa ka hawlgala bulsho diimeedyo badan. Adeegga Uskonnot Suomessa waxaad ka raadsan kartaa macluumaad ku saabsan bulsho-diimeedyada iyo degmooyinka ay ka jiraan.

Kaniisadda efangeli-luteerigu waxay Vantaa ku leedahay lix waax kaniisadeed oo ku hadasha luqada Finnishka iyo hal mid oo ku hadasha luqada Isiwidishka. Faahfaahin dheeraad ka sii aqri bogagga shabakadda ee isutaga kaniisadda ee Vantaa.

Tikkurila waxaa ku yaal kaniisadda ortodoksiga. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxqabadyada kaniisadda ortodoksiga ee Vantaa waxaad ka heleysaa bogagga kaniisadda Ortodoksiga ee Helsinki.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Dhaqamada iyo diimaha Finland

linkkiVantaan seurakuntayhtymä:
Kaniisadaha efankeli-luteerigaFinnish

linkkiHelsingin ortodoksinen seurakunta:
Kaniisada OrtodoksigaFinnish | Ruush

linkkiUskonnot.fi:
Jimciyado diimeedyadaFinnish | Ingiriis

Warar aasaasi ah

Vantaa waa mid kamid ah afarta degmo ee agagaarka caasimadda. Waxay ku taalaa dhinacyada Espoo iyo Helsinki. Xarunta Vantaa waa Tikkurila. Intaas waxaa dheer oo Vantaa ku yaal deegaano kale oo la deggan yahay sida Korso, Koivukylä-Havukoski, Myyrmäki, Martinlaakso, Hakunila, Länsimäki iyo Pakkala.

Vantaa waxaa deggan wax ka badan 205,000 oo qofood. 2,8 % oo ka mid ah dadkaas waxay ku hadlaan luqada Isiwidishka, 11 % waxay sidii af-hooyo ugu hadlaan luqado oo kale oo aan aheyn Finnish iyo Isiwidish. Ballaca dhulka waa qiyaastii 240 km2, kaas oo 2 km2 ay biyo yihiin.

linkkiVantaan kaupunki:
Wara aasaasi ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

Taariikhda

Deegaanka Vantaa waxaa la deganaa waqti dheer. Deganaanshaha waxaa laga helay waxyaabo haraa ah oo 7000 sano jira. Vantaa hadda jirta waxay ka dhalatay deegaankii Helsinki. Taariikhda maamulka Helsinki waxay gaareysa qarnigii 13 aad. Maamulkii Helsinki waxaa markii hore ka yimid maamul miyi kadibna sanadkii 1972diina waxay noqotay maamul madax banaan, ugu dambeyntiina waxay noqotay magaalada Vantaa. Horumarka Vantaa waxaa muhiim u ahaa derisnimada caasimadda. Wadooyinka muhiimka ah, sida Wadada Turku ka timaada ee Helsinki sii marta kadibna Viipuri u sii gudubta iyo wadada tareenka ee Helsinki ka soo baxda waqooyigana aada waxay dhexmaraan Vantaa. Wadooyinka iyo jidka tareenka dhinacyadooda waxaa ka abuurmay warshado iyo deegaano la dego. Vantaa waa mid weli muhiim u ah gaadiidka. Tusaale ahaan garoonka diyaaradaha ah ee Helsinki-Vantaa wuxuu ku yaalaa Vantaa.

linkkiVantaan kaupunki:
Warbixin VantaaFinnish

linkkiVantaan kaupunki:
Madxafka magaaladaFinnish | Iswidish | Ingiriis