Nolosha Finland

Muutto Vantaalle

Usoo guurista Vantaa

Arimaha ogolaanshaha

Barta adeegga ee Xaafiiska dal u soo guuridda ee Helsinki ayaad ka samayn kartaa codsiga joogitaanka dalka, waxaad kaloo ka samayn kartaa is diiwaangelinta xuquuda joogitaan muwaadinka midowga yurub.

Barta adeegga ee xafiiska dal u soo guuridda Helsinki:

Käenkuja 3A
00500 Helsinki

Sidoo kale waxaad adeegga internetka ee Enter Finland ka samayn kartaa codsiyada ruqsooyinka joogitaanka oo badan iyo sidoo kale isdiiwaangelinta muwaadinka midowga yurub. Haddii aadan aqoonin isticmaalka kombuyuterka, markaas codsiga waraaq ahaan u samee una gee barta adeegga ee Xaafiiska dal u soo guuridda.

Waxaa habboon inaad mar walba waqti horay uga sii qabsatid barta adeegga. Waxaad waqtiga ka qabsan kartaa adeegga waqti qabsashada ee Xaafiiska dal u soo guuridda. La soco, in barta adeegga aan laga bixin karin wax la talin ah oo la xiiriira arimaha ruqsooyinka.

Warar kale ka sii aqri: U soo guurista Finland.

linkkiEnterfinland.fi:
Dalabka internetkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Waqti qabsashada xagga internetka ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiHelsingin kaupunki:
Welcome GuideIngiriis

Isku-diiwaangelinta sidii qof deganne ah

Haddii aad si joogto ah ugu soo guurto si aad u deganaato waa inaad degmada isaga diwaangelisaa sidii qof degane ah. Waxaad iska diiwaangelisaa xafiiska diiwaangelinta:

Uudenmaan maistraatti
Waaxda Helsinki
Albertinkatu 25
00180 Helsinki
Iimeylka: info.uusimaa(at)maistraatti.fi
Tel. xarunta 029 55 39391
Tel. diiwaangelinta dadka ajaanibta ah 029 55 36 300

Marka aad aadeyso rejistareeshinka, horay usii qaado:

  • aqoonsi qofeed (tusaale ahaan baasaboor)
  • ogolaanshaha joogista iyo kaarka joogitaanka (haddii aad u baahan tahay ogolaanshaha joogitaanka Finland)
  • shahaadada diiwaangelinta ee xaq u lahaanshaha joogitaanka (oleskeluoikeuden rekisteröintitodistus) (haddii aad tahay muwaadin u dhashay Midowga Yurub)
  • shahaadada guurka
  • shahaadada dhalashada cunugaada

Ogsoonoow, in warqadaha dibadda laga keenay ay ahaadaan kuwa la sharciyeeyay. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sharciyeynta dukumentiyada waxaad ka heleysaa rejistareeshinka ama wakiilka dalkaada ee Finland jooga.

Warar kale ka sii aqri: Isu-diiwaangelinta sidii qof degane ah

linkkiMaistraatti:
Diiwaangelinta ajaanibtaFinnish | Iswidish | Ingiriis

International House Helsinki

Haddii aad dhowaan u soo guurtay soonaha caasimadda, waxaad International House Helsinki hal booqasho uga heli kartaa talo-bixin iyo adeegyada dowladeed. Waxaad ka cadsan kartaa:

  • talo-bixin lacag la’aan ah iyo arrimo la xiriira soo guurista oo ku qoran luqado kala duduwan
  • lambarka aqoonsiga Finnishka, isu-diiwaangelinta sidii degane iyo ogeysiiska macluumaadka cinwaanka
  • kaarka canshuurta iyo lambarka canshuurta, talo-bixin ku saabsan canshuurista
  • macluumaadka macnfacyada ammaanka bulshada
  • talo-bixinta adeegyada Xafiiska Shaqada iyo billaabista shaqo-raadinta
  • talo-bixinta hawlgabka shaqada iyo macluumaadka shahaada A1
  • a talo-bixinta xiriirka shaqada
  • talo-bixin loogu talagalay ganacsatada iyo shaqaalaha

IHH Service Advisor App ee shabakadda ku habboon wuxuu kaa caawinayaa helitaanka hay’adaha dowladda ee saxda ah wuxuuna sidoo kale kaala talinayaa dokumentiyada aad u baahan tahay in aad u soo qaadato booqashada.

Cinwaanka

International House Helsinki
Albertinkatu 25
00180 Helsinki

linkkiInternational House Helsinki:
Goobta adeegga IHH ee dadka u soo guuraya Finland Ingiriis

linkkiInternational House Helsinki:
IHH Service Advisor App ee shabakadda ku habboonIngiriis