Korona fayraska COVID-19
Isticmaal af-shareerka
Isticmaal af-shareerka, haddii aadan dadka u jirsan kain masaafada ammaanka. Soojeedintu waa, in aad af-shareerka isticmaasho haddii aad:
-
ku safrayso baska, tareenka, metrooga ama taraamka;
-
tegayso baaritaanka fayruska Korona;
-
wax ku baranayso dugsiga dhexe, dugsiga sare ama dugsiga xirfadda;
-
cunuggaada gaynayso xannaano-maalmeedka ama aad ka soo kaxaynayso;
-
goobta shaqada joogto, haddii aadan qaban karin shaqo bannaanka ah;
-
tegayso dukaanka ama bangiga;
-
tegayso maktabadda, rugta caafimaadka ama adeegyada kale ee magaalada;
-
mardhow timid Finland oo aad karaantiil u sii socota;
-
ku jirto xaalado kale oo aanay suurragal ahayn in xiriirka dhow ee dadka aad iska dhowro.
Arrinta ugu muhiimsan waa in dadka kale loo jirsado masaafada ammaanka oo 2 mitir ah marar badanna gacmaha la dhaqdo. Haddii aad leedahay calaamadaha cudurka, joog guriga.
linkkiHelsingin kaupunki:
Si wadajir ah an Korona-da ula dagaalanno Finnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Soomaali | Bershan | Carabi
Xadaymaha iyo soojeedinnada Uusimaa
-
Samee shaqada bannaanka lagu qabto, haddii ay suurragaltahay.
-
Ha qabanqaabin xaflado ama munaabsado kale.
-
Iska ilaali safridda aan muhiimka ahayn.
-
Munaasabadaha dadweynaha lama qabanqaabinayo.
-
Hoolalka dabaasha, guryaha dhallinyarada iyo goobaha ee dadweynuhu waa xiran yihiin.
-
Adeegyada maktabadaha waa la xaddidayaa.
-
Hiwaayadaha kooxaha ee dadka waaweyn waa la hakinayaa.
-
Hiwaayado carruureed badan xittaa waa la hakinayaa.Faahfaahin dheeraad ah weydii qabanqaabiyaha hiwaayadda.
-
Dugsiyada sare, machadyada xirfadda, dugsiga tacliinta sare ee xirfadaha iyo jaamacaduhu waxay u wareegayaan waxbarashada khadka internetka. Weydii warar dheer goobtaada waxbarashada.
linkkiHelsingin kaupunki:
Xadaymaha iyo soojeedinnada Aagga caasimaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Soomaali | Carabi
linkkiVantaan kaupunki:
Maxaad sameynaysaa haddii aad jirrayoFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Soomaali | Bershan | Carabi | Albaniyan
linkkiVantaan kaupunki:
Tilmaanbixinnada loogu talaggalay karaantiilka gurigaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Soomaali | Bershan | Albaniyan
linkkiVantaan kaupunki:
Taageerada iyo talabixinta loogu talagalay Reer Vantaa marka lagu jiro xaaladda KoronaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Soomaali | Bershan | Carabi | Albaniyan
Xaaladaha deg degta ah
Haddii aad u baahantahay boolis, ciidanka dabdamiska ama ambalaas deg deg ah, wac lambarka xaaladaha deg degta ah 112. Lambarka xaalahada deg degta ah waxaa la wici karaa oo kaliya markii ay jirto xaalad deg deg ah, markii ay khtatar ku jiraan nafta, caafimaadka, hantida ama bay'addu.
Waxaad wici kartaa heeganka sooshalka- iyo xasaradaha (Sosiaali- ja kriisipäivystys) ee Vantaa, haddii ay ku soo foodsaarto xaalad xasaradeed oo deg deg ah, tusaale ahaan geerida ehelka ama jirdil. Sidoo kale cawinaad waad u raadin kartaa qof qoyskaaga ka mid ah ama saaxiibkaa. Heeganka sooshalka- iyo xasaradahu wuxuu furan yahay afar iyo labaatanka saac.
Heeganka sooshalka- iyo xasaradaha
Tel. (09) 8392 4005
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Xaaladaha dhibka
linkkiHätäkeskuslaitos:
Sideed u wacaysaa lambarka xaalada deg degta ahFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Soomaali | Carabi | Kurdish | Albaniyan | Jarmal
linkkiVantaan kaupunki:
Talooyin iyo caawimaadyada naagaha dalka u soo guurayFinnish | Iswidish | Ingiriis
Dhibaatooyinka ogolaanshaha joogitaanka
Haddii dhib kaa heysto ama mugdi kaaga jiro ogolaanshaha joogitaanka ama sharciga, la xiriir Xafiiska dal u soo guurista (Maahanmuuttovirasto). Waxaad sidoo kale talooyin weydiin kartaa adeegyada la-talinta ee loogu talagalay dadka dalka u soo guuray. Macluumaadka adeegyada la-talinta waxay ku jiraan bogga Degidda Vantaa.
Xafiiska dal u soo guurista goobtiisa adeegga ee ugu dhaw waxay ku taalaa Helsinki:
Käenkuja 3A
00500 Helsinki
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Dhibaatooyinka ogolaanshaha joogista.
linkkiMaahanmuuttovirasto:
Noocyada ogolaanshiyahaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Daryeelka caafimaadka dadka aan dukumentigada laheyn
Helsinki waxaa ku shaqeeya Global Clinic oo dadka Finland sharci la’aanta ku joogaa ka heli karaan caawimaad iyo talo siinta dhaqtarka ama kalkaalisada caafimaadka. Macaamilka waa u lacag la’aan adeegyada Global Clinic. Global Clinic macaamiishooda ma ogeysiiso booliska ama saraakiisha kale. Si loo badbaadiyo macaamiisha meesha ay ku taal kilinikada iyo waqtiyada ay furan tahay lama shaaciyo.
Nambarka telefoonka ee Global Clinic Helsinki waa 044 977 4547. Telefoonka waxaa ka jawaabaya kalkaaliso caafimaad ama dhakhtar. Emaylku waa globalclinic.finland(at)gmail.com
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Dhibaatooyinka ogolaanshaha joogitaanka
linkkiGlobal Clinic:
Adeega caafimaadka sharci laawayaashaFinnish | Ingiriis | Ruush | Faraansiis | Carabi | Romaniyan | Bulgaariyan
Dembiyada
Ogeysiiska dembiga (rikosilmoitus) waxaad ku sameyn kartaa telefoonka ama adigoo shakhsi ahaan tagaya saldhiga booliska. Ogeysiiska dembiga waxaad kaloo ka sameyn kartaa internetka, haddii dembigu yahay mid fudud oo aadan si deg deg ah ugu baahnayn cawinaadka booliska.
Itä-Uudenmaan poliisilaitos
Kielotie 21
01301 Vantaa
Tel. 0295 430291
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Dembiyada
linkkiItä-Uudenmaan polisiilaitos:
Macluumaadka xiriirkaFinnish | Iswidish
linkkiPoliisi:
Ogeysiiska dembiga ee internetkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Sharciyaqaan ma u baahan tahay?
Deganayaasha Vantaa waxaa u adeegga Xafiiska kaalmada sharciga ee Bariga Uusimaa (Itä-Uudenmaan oikeusaputoimisto).
Itä-Uudenmaan oikeusaputoimisto
Talvikkitie 37
01300 Vantaa
Tel. 029 5660 160
Waxaad sidoo kale sharciyaqaano gaar ah ka raadsan kartaa tusaale ahaan, bogagga Ururka Garyaqaanada Finland (Suomen Asianajajaliitto).
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Sharciyaqaan ma u baahan tahay?
linkkiItä-Uudenmaan oikeusaputoimisto:
Macluumaad ku saabsan kaalmada sharcigaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiSuomen Asianajajaliitto:
QareenadaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Qalalaase
Xaaladaha deg degta ah wac lambarka ah 112.
Xaaladaha qalalaasuhu waxaa ku caawinaya heeganka sooshalka- iyo xasaradaha (sosiaali- ja kriisipäivystys) ee magaalada Vantaa, waxay furanyihiin waqti kasta.
Heeganka sooshalka- iyo xasaradaha
Tel. (09) 8392 4005
linkkiHätäkeskuslaitos:
Sideed u wacaysaa lambarka xaalada deg degta ahFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Soomaali | Carabi | Kurdish | Albaniyan | Jarmal
Aqalada badbaadada
Haddii ruux kamid ah qoyskaagu adiga kuu geysto jirdil ama uu kuugu hanjabo jirdil, waxaad wici kartaa aqalka badbaadada (turvakoti). Aqalada badbaada waxaa mar walba jooga heegan.
Aqalka badbaadada ee Mona (Turvakoti Mona) waa aqal badbaado oo loogu talogalay dumarka dadka dalka u soo guurey iyo carruurtooda.
Turvakoti Mona
Tel. 045 639 6274
linkkiTurvakoti Mona:
Guryaha ammaankaFinnish
Waxaad sidoo kale aadi kartaa aqalada badbaada ee Vantaa (Vantaan turvakoti) ama aqalada badbaadada ee caasimada iyo agagaarkeed (pääkaupunkiseudun turvakoti).
Vantaan Turvakoti
Koivukylän puistotie 27
01360 Vantaa
Tel. 040 4555 543
linkkiVantaan Turvakoti ry:
Guryaha ammaankaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Pääkaupungin turvakoti
Steniuksentie 20
00320 Helsinki
Tel. (09) 4777 180
linkkiPääkaupungin Turvakoti ry:
Caawimaad loogu talagalay dhibanayaasha qoyska rabshaddaFinnish
Caawinaada dumarka dadka dalka u soo guurey
Ururka isbahaysiga Monika-Naiset (Monika-Naiset Liitto) wuxuu dumarka dadka dalka u soo guurey siiyaa la talin iyo caawinaad. Isbahaysigu wuxuu Vaanta ku leeyahay xarun quwadeyn, taas oo laga helo caawinaad iyo talooyin.
Vantaan Voimavarakeskus Monika
Tel. (09) 839 35013
E-mail: vantaa(at)monikanaiset.fi
linkkiMonika-Naiset liitto ry:
Gargaar iyo taageerid la siiyo haweenada soo haajireyFinnish | Ingiriis | Ruush | Faraansiis | Soomaali | Carabi | Kurdish | Tayland
Caawinaada ragga
Ragga jirdilka kula kacay qoyskooda xubno ka tirsan ama aygu ah dhibanayaal qoyska xubno ka mid ahi ay wax yeeleeyeen, waxay caawinaad ka heli karaan hawsha-Jussi ee Vantaa (Vantaan Jussi-työ).
Jussi-työ
Tel. 0400 885 510, 040 833 2627
Tel: jussi(at)vantaanturvakoti.fi
linkkiJussi-työ:
Kaalmooyinka joojinta rabshadda ee loogu talagalay ragaFinnish
Khadka ninka (Miehen Linja) wuxuu caawiyaa ragga dadka dalka u soo guurey, kuwaas oo dhibaato jirdil qaba.
Miehen linja
Tel. (09) 276 62899
linkkiLyömätön Linja:
Kaalmooyinka joojinta rabshadda ee loogu talagalay raggaFinnish | Ingiriis
Caawinaada dhalinyarada
Aqalka badbaadada dhalinyarda ee laanqayrta cas ee Finland (Suomen Punaisen Ristin Nuorten turvatalo) wuxuu caawinaaad iyo karab istaag siiyaa dhalinyarada da'doodu u dhaxayso 12-19 sano oo xasaraduhu qabsadaan. Guriga badbaadadu wuxuu furan yahay sacadaha u dhexeeya 17-10, heeganka telefoonku wuxuu shaqeeyaa waqti walba.
Nuorten turvatalo
Sairaalakatu 3 (Rekolan kartano)
Tel. (09) 871 4043
linkkiSuomen Punaisen Risti:
Guriga ammaanka ee dhalinyaradaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Dagaalka
Dhibaatooyinka isqabida iyo xiriirka lamaanaha
Lammanaha leh ilmo da'doodu ay ka yar yahay 13 sano, waxay dhibaatada ka soo foodsaarta guurka iyo wada noolaanshada cawinaad uga helayaan xafiiska la talinta qoyska (perheneuvola). Macluumaadka waxaa laga helayaa bogga internetka ee Vantaa. Adeegyada xafiiska la talinta qoysku waa sir, waana bilaash.
Xaaladaha xasaradaha deg degta ah ee qoyska, waxaad la xiriiri kartaa heeganka sooshalka -iyo xasaradaha (sosiaali- ja kriisipäivystys), kaas oo maalin kasta furan.
Heeganka sooshalka -iyo qalalaasaha
Tel. (09) 8392 4005
Dhibaatooyinka lammaanaha iyo qoyska soo food saara waxaa sidoo kale kaa cawinaya la talinta qoyska ee kaniisada Vantaa.
War dheeraad ah ka sii aqri: Dhibaatooyinka isqabida iyo xiriirka lammaanaha
linkkiVantaan kaupunki:
Rugaha la-talinta qoyskaFinnish | Iswidish
linkkiVantaan seurakuntayhtymä:
Rugaha la-talinta qoyskaFinnish | Ingiriis
Dhibaatooyinka carruurta
Rugaha la-talinta carruurta (lastenneuvola) iyo la-talinta qoyska (perheneuvola) waxay talo ka bixiyaan su’aalaha la xiriira caafimaadka cunugga koriinshaha iyo horumarkiisa.
Dhibaatooyinka carruurta da’da iskuulka waxaa gacan ka geysta kalkaaliyaasha caafimaadka iskuulka (kouluterveydenhoitaja), kuraatoriyada iskuulka (koulukuraattori) iyo hagayaasha sooshaalka (sosiaaliohjaaja).
Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga magaalada Vantaa..
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Dhibaatooyinka carruurta iyo dhallinyarada
linkkiVantaan kaupunki:
Rugaha la-talintaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiVantaan kaupunki:
Rugaha la-talinta qoyskaFinnish | Iswidish
linkkiVantaan kaupunki:
Macluumaad ku saabsan carruurta, dhalinyarada iyo qoyskaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Dhibaatooyinka dhalinyarada
Iskuulda dhalinyarada waxaa ku caawiya iskuulada- iyo kalkaaliyaasha caafimaadka waxbarasha wax caawiya (auttava koulu- ja opiskeluterveydenhoitaja), kuraatoriyada iskuulda (koulukuraattori) iyo psykolojiyiinta iskuulka (koulupsykologi).
linkkiVantaan kaupunki:
Macluumaad ku saabsan daryeelka caafimaadka ee iskuulkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiVantaan kaupunki:
Psykologiyiinta iskuulkaFinnish | Iswidish
linkkiVantaan kaupunki:
Macallimiinta xallisa dhibaatooyinka iskuulkaFinnish | Iswidish
Nuppi
Xarunta dhalinyarada ee Nuppi (nuortenkeskus Nuppi) waxay caawiyaa carruurta iyo dhalinyarada da'doodu u dhaxayso 13–21-sano iyo qoyskooda. Haddii aad ka weyn tahay 21 sano, waxaad Nuppi ka heleysaa la talin waqti gaaban ah. Nuppi waxaad caawinaad uga heli kareysaa cawinaad tusaale ahaan dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka iyo mukhaadaraadka.
linkkiVantaan nuorisoasema:
Cawimaad loogu talagalay dhalinyaradaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Ohjaamo
Haddii da'daadu ay 30-sano ka hooseyso, waxaad adeega Ohjaamada ka heli kartaa la talin iyo hagid. Shaqaalaha Ohjaamo ayaa ku caawinaya, haddii aadan haysan shaqo ama goob waxbarasho. Waxaad sidoo kale wax ka weydiin kartaa arimaha kale tusaale ahaan degaanka iyo isticmaalka lacagta.
linkkiOhjaamo Vantaa:
Ohjaamo (xafiiska hagista dhalinyarada)Finnish
Aqalka badbaadada dhalinyarada
Aqalka dhalinyarada hay'adda laanqayrta cas ee Finland (Suomen Punaisen Ristin Nuorten turvatalo) waxay kaalmo iyo garab istaag siisaa dhalinyada da'doodu tahay 12–19 sano markii ay jiraan xaalado qalafsan. Aqalka badbaadadu wuxuu furan yahay saacadaha u dhexeeya 17–10, heeganka telefoonkuna wuxuu shaqeeyaa waqti walba.
Nuorten turvatalo
Sairaalakatu 3
01400 Vantaa
Tel. (09) 871 4043
E-mail: turvatalo.vantaa(at)redcross.fi
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Dhibaatooyinka carruurta iyo dhallinyarada
linkkiSuomen Punaisen Risti:
Guriga ammaanka ee dhalinyaradaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiKipinä:
Kaalmooyin iyo hagis loogu talagalay dhalinyaradaFinnish | Iswidish
Dhibaatooyinka xagga dhaqaalaha
La talinta sooshalka
La talinta sooshalka (sosiaalineuvonta) waxaad ka heleysaa macluumaad la xiriira kaalmada lacagta noloshaiyo kaalmooyinka kale, haddii ay ku haystaan dhibaatooyin dhaqaale.
La talinta sooshalka
Tel. (09) 83 911.
linkkiVantaan kaupunki:
La-talinta sooshaalkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Lacagta nolosha
Lacagta nolosha (toimeentulotuki) waxaa loogu talo galay inay noqoto badbaadada ugu dambeysa, markii aaney jirin dakhliyo ama hanti kale, ama ay aad u yar yihiin. Waxaad lacagta nolosha heli kartaa, haddii aadan shaqadada ka heleyn dakhli kugu filan oo aad ku noolaato ama aadan meel kale masruuf ka helin ama si kale aan dakhli kuu soo gelin.
Waxaad talooyinka la xiriira codsashada lacagta nolosha weydiin kartaa adeegga telefoonka oo loo cayimay
tel. (09) 8392 1119.
linkkiVantaan kaupunki:
Macluumaad ku saabsan kaalmada noloshaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Dhaqaale- iyo la talinta deymaha
Haddii aadan awoodin inaad bixiso biilashaada ama deymahaaga markii la gaaaro waqtii la bixin lahaa, la xiriir la talinta deymaha (velkaneuvontaan).
Velkaneuvonta
Tel. 029 566 0175.
linkkiVantaan talous- ja velkaneuvonta:
La-talinta dhaqaalaha iyo deyntaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Amaahinta xagga sooshalka ah
Haddii aad tahay mid dakhli yari uu soo galo, hantida lahayn isla markaasna ay kugu adagtahay inaad deyn hesho, waxaad deyn ka codsan kartaa amaahinta sooshalka (sosiaalinen luototus). Lambarka telefoonka ee la talin macaamiisha iyo waqti qabsashadu waa (09) 8392 0173.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Dhibaatooyinka dhaqaale
linkkiVantaan kaupunki:
Macluumaad ku saabsan amaah siinta bulshadaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Dhibaatooyinka maandooriyaha iyo caadeysiga geymamka
Haddii aad dhib ku qabto aalkolada ama muqaadaraadka, waxaad caawimaad ka raadsan kartaa rugaha caafimaadka (terveysasema) ama, xarumaha sooshaalka (sosiaaliasema), A-kilinikada (A-klinikka) ama kilinikada daryeelka muqaadaraadka (huumehoitoklinikka) (H-klinikka).
Itä-Vantaan A-klinikka
Kielotie 20 C dabaqa 2aad
01300 Vantaa
tel. (09) 8392 3415
Länsi-Vantaan A-klinikka
Laajaniityntie 3,
01620 Vantaa
tel. (09) 8393 5534
H-klinikka
Liesikuja 7 B, dabaqa 2aad
01600 Vantaa
Tel. (09) 839 21064
H-kilinika waxay sidoo kale goobo shaqo ku leedahay rugaha caafimaadka ee Tikkurila iyo Myyrmäki.
Haddii ay dhibaato kaa haysato ciyaarida faraha badan ee geymamka, waxaad cawinaad ka codsan kartaa Klinikada-geymamka (Peliklinikka), kuwaas oo ku yaala bartama Helsinki.
Peliklinikka
Kaisaniemenkatu 2 B
00100 Helsinki
Tel. 040 152 3918.
Xarunta dhalinyarada ee Nuppi (Nuortenkeskus Nuppi) waxay caawisaa dhalinyarada ay haystaan dhibaatooyinka la xiriira isticmaalka mukhaadaraadku, isticmaalka faraha badan ee internetka, geymamku. Nuppi waxay sidoo kale caawisaa dhalinyarada aad uga welwelsan ehelkooda isticmaasha mukhaadaraadka.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Dhibaatooyinka maandooriyaha
linkkiVantaan kaupunki:
Caawimaadda muqaadaraadkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiVantaan kaupunki:
Macluumaad ku saabsan dhibaatooyinka mukhaadaraadkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiPeliklinikka:
Ku caawinta dhibaatooyinka khamaarkaFinnish
linkkiVantaan nuorisoasema:
Cawimaad loogu talagalay dhalinyaradaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Dhimashada
Vantaa waxaa ku yaala afar dhul-qabuurood, kuwaas oo ay leedahay kaniisada evankeliluuterigu.
Intaas waxaa dheer qabuuraha Honkkanummi ee ku yaala Vaantaa kuwaas oo ay wada leeyiniin Vantaa iyo Helsinki, qabuurahan waxaa lagu duugi karaa meydadka aan diimaha midkoodna ka tirsaneyn.
Macluumaadka la xiriira xabaalida waxaad ka heleysaa xafiiska qabuuraha ee kaniisadaha Vantaa (Vantaan seurakuntien hautatoimisto) iyo xaafiisyada qabuuraha oo gaarka loo leeyahay.
Xafiiska qabuuraha kaniisadaha Vantaa
Pappilankuja 5
01510 Vantaa
Tel. (09) 8306 220
E-mail: vantaa.hautaustoimi(at)evl.fi
Hasdii qof qaraabadaada ahi uu si lama filaan ah u geeriyoodo, waxaad kaalmo iyo garab istaag la xiriira ka bogsiga naxdinta kula soo deristay ka heli kartaa heeganka sooshalka- iyo xasaradaha (sosiaali- ja kriisipäivystys). Heeganku wuxuu furan yahay waqti walba.
Heeganka sooshalka- iyo xasaradaha
Tel. (09) 8392 4005
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Dhimashada
linkkiVantaan seurakuntayhtymä:
Dhul xabaaleedyadaFinnish
linkkiHelsingin seurakuntayhtymä:
Dhul xabaaleedka dadka aan diinta heysanFinnish
linkkiSuomen Hautaustoimistojen liitto:
Shirkadaha aaskaFinnish
linkkiSuomi.fi:
Marka uu ehelkaa dhintoFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiVantaan kaupunki:
Talooyin iyo caawimaadyada naagaha dalka u soo guurayFinnish | Iswidish | Ingiriis