Machadka dadka waaweyn ee Vantaa (Vantaan Aikuisopisto) waxaa lagu hiwaayadeyn karaa tusaale ahaan farshaxanka, shaqo gacmeedka, cunto karinta iyo qoob ka ciyaarka. Meeshaas sidoo kale waxaa lagu baran karaa luqadaha.
Vantaa waxaa ku yaal laba guri dhaqameed: guriga riwaayadda ama konjeertada ee Martinus iyo guriga Myyrmäki ee xarunta waxqabadyada badan. Intaas waxaa dheer guriga xarunta waxqabadyada badan ee LUMO wuxuu qabanqaabiyaa dhacdooyin badan.
Guriga dhaqanka ee dhalinyarada iyo carruurta Vernissa, Daarta farshaxanka Pessi iyo Daarta farshaxanka Toteemi waxay carruurta u qabanqaabiyaan dhacdooyin badan.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Waqtiyada firaaqada
linkkiVantaan aikuisopisto:
Hagaha waxbarashadaFinnish
linkkiVantaan kaupunki:
Dhacdooyinka dhaqamadaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiKonserttitalo Martinus:
RiwaayadoFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiMonitoimikeskus LUMO:
Dhacdooyinka dhaqamadaFinnish | Ingiriis
linkkiLasten ja nuorten kulttuuritalo Vernissa:
Dhacdooyinka dhaqamada ee carruurtaFinnish
linkkiTaidetalo Pessi:
Dhacdooyinka dhaqamada ee carruurtaFinnish
linkkiTaidetalo Toteemi:
Dhacdooyinka dhaqamada ee carruurtaFinnish | Iswidish
linkkiVantaan kaupunki:
Dhacdooyinka fesitfaaladaFinnish | Ingiriis
Makatabadda
Vantaa waxay leeday 10 maktabadood (kirjasto) iyo 2 gaari oo maktabad ah (kirjastoauto). Maktabada waxaad ka amaahan kartaa buugaag, jaraaid, muusik, filimo, geymam iyo waxyaabo kale oo faro badan. Buugaagta iyo materiaalka kale waa luuqado kala gedisan. Maktabadaha qaarkood waxaa sidoo kale dadka wadanka u soo guurey loogu abaabulaa naadiyo ku wada sheekaysiga luuqada Finnishka.
Maktabadaha Vantaa waxay qeyb ka yihiin maktabadaha HelMet ee agagaarka caasimadda. Taas waxaa loola jeedaa in isla kaarka maktabadda aad ku isticmaali kartid dhammaan maktabadaha magaalooyinka ee ku yaal Vantaa, Espoo, Helsinki iyo Kauniainen.
Maktabadda weyn ee Helsinki ee Pasila waa maktabad luqado badan. Waxa halkaas laga helaa buugaag ku qoran in ka badan 60 luqadood. Haddii aad heysato kaarka HelMet ee maktabadda waad soo amaahan kartaa buugaagta maktabadda Luqadaha badan.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Maktabadaha
linkkiVantaan kaupunki:
Macluumaad ku saabsan maktabadahaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHelsingin kaupunginkirjasto:
Maktabada luuqadaha badanFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush
Jimicsiga
Vantaa waxaa ku yaal shan hool oo lagu dabbaasho oo ay degmadu leedahay. Hoolka dabbaasha ee Korso waxay naagaha iyo gabdhaha dalka u soo guuray ku bixisaa waqti dabbaaleed u gaar ah.
Vantaa waxaa ku yaal dhawr hoolal isboorti, garoono isboorti iyo goobo jimicsiyeedyo kale oo loogu talagalay majalado kala duduwan. Xilliga xagaaga waxaad ku ordi kartaa tubta jimicsiga halka xilliga barafkana aad loox-barafeedka kula ordi karto.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Jimicsiga
linkkiVantaan kaupunki:
Macluumaadka xiriiryada hoolalka dabbaashaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiVantaan kaupunki:
Kaltanka dabbaasha ee naaga dalka u soo guurayFinnish | Ingiriis
linkkiVantaan kaupunki:
Ururada jimicsigaFinnish
Ku dhaqdhaqaaqidda duurka
Vantaa waxaa ku yaala wadiiqooyin iyo tubab bey'adeed fara badan oo la maro marka duurka dhaqdhaqaaqa loo aadayo. Bey'adda waa lagu socon karaa xitaa aagga nashaadaadka ee Petiko.
linkkiVantaan kaupunki:
Soonaha dib u soo kabashada iyo kaa ka sameysashadaFinnish | Iswidish
linkkiVantaan kaupunki:
Goobaha jimicsiga iyo duur ku dhaqdhaqaaqiddaFinnish | Iswidish
linkkiPetikon virkistysalue:
Goobaha soo kabashadaFinnish
Kaluumeysiga
Waxaad ka kalluumeysan kartaa agagaarka kalluumeysiga magaalada Vantaa Vantaanjoki, Keravanjoki iyo Suomenlahti.
linkkiVantaan kaupunki:
Doonta iyo kalluumeysigaFinnish
linkkiKalatalouden Keskusliitto:
Hagaha kalluumeysiga ee FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Faraansiis | Isbanish | Shiino | Jarmal | Boolish | Talyaani
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Ku dhaqdhaqaaqida duurka
Tiyaatar iyo shaneemo
Vantaa waxaa ku yaal dhawr tiyaataro xirafadeed iyo hiwaayado.
Vantaa waxaa ku yaal afar shaneemo oo filimada lagu daawado. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan filimada waxaad ka heleysaa bogagga shaneemada. Taas waxaa dheer in magaalada Vantaa ay qabanqaabiso bandhigyo filimeedyo.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Tiyaatar iyo shaneemo
linkkiVantaan kaupunki:
shaneemo, qoob ka ciyaar iyo tiyaatarkaFinnish | Ingiriis
Madxafyada
Vantaa waxaa ku yaal dhawr madxaf. Madxafka magaalada Vantaa wuxuu soo bandhigaa taariikhda Vantaa. Madxafka farshaxanka ee Vantaa waxaa lagu qabanqaabiyaa bandhigyada casriga ah ee dalka iyo dibadda oo kala duduwan.
Macluumaadyada kale ee ku saabsan madxafyada kale waxaad ka heleysaa bogagga magaalada Vantaa.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Madxafyada
linkkiVantaan kaupunki:
MadxafyadaFinnish | Ingiriis
linkkiVantaan kaupunki:
Madxafka magaaladaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiVantaan kaupunki:
Madxafka farshaxankaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Hiwaayadaha dhalinyarada iyo carruurta
Vantaa waxaa ku yaal qeybo waxbarasheed badan oo dhiga tacliinta aasaasiga ah ee farshaxanka, kuwaas oo si gaar ah loogu talagalay dhalinyarada iyo carruurta. Majaladaha kala duduwan ee farshxanku waa muusikada, sawir-farshaxaneedka, qoob ka ciyaarka, tiyaatarka iyo sirkuska, eray farshaxaneedka, shaqo gacmeedka iyo arkitekjarka.
Goobaha dhalinyarada ee magaaladu waxay u furan yihiin dhammaan da’yarta u dhexeysa 10–17ka sano.
Mashruuca-dhammaan Sportti (Sporttia kaikille –hanke) wuxuu carruurta iyo dhalinyarda dadka wadanka u soo guurey u abaabulaa naadiyo dhaq dhaqaaqey iyo duur u baxaayo.
Ururada iyo iyo jimciyadaha isboortigu waxay dhalinyarada u qabanqaabiyaan waxqabadyo badan.
Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga magaalada Vantaa.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Hiwaayadaha carruurta iyo dhalinyarada
linkkiVantaan kaupunki:
Macluumaad ku saabsan fursadaha hiwaayadda ee dhalinyaradaFinnish
linkkiVantaan kaupunki:
Dhaqanka dhalinyarada iyo carruurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiVantaan kaupunki:
Macluumaad ku saabsan waxbarashada farshaxankaFinnish | Ingiriis
linkkiVantaan kaupunki:
Carruurta iyo dhalinyarada ayaa loogu talagalayFinnish
linkkiSporttia kaikille:
Fursadaha jimicsigaFinnish
linkkiHelsingin kaupunki:
Hiwaayad raadinFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiVantaan kaupunki:
Ka qeybqaado saameyna ku yeeloFinnish | Iswidish
Hiwaayadaha dadka da’da ah
Haddii aad gaartey da’da 70 sano oo aad guri degmo kuu yahay Vantaa, waxaad lacag la’aan isticmaali kartaa waaskada daabasha iyo jiimka ee magaalada Vantaa. Goobaha jimcsiga waad isticmaali kataa, haddii aad heysto kaarka ciyaaraha (Sporttikortti). Kaarka ciyaaraha waxaad ka heleysaa lacag la’aan Vantaa-info. Markii aad codsaneyso kaarka, horey isii qaado aqoonsi iyo sawir.
La talinta dadka da'da ah (seniorineuvonta) waxaad ka heleysaa macluulaad la xiriira adeegyada hiwaayadaha ay ururada, shirkadaha iyo magaaladuba siiyaan dadka da'da ah
La talinta dadka da'da ah
Tel: (09) 8392 4202
E-mail: palvelutarpeen.arviointi(at)vantaa.fi
linkkiSporttikortti 70+:
Fursadaha jimicsigaFinnish | Iswidish
Ururada
Vantaa waxaa ka jiro ururo badan, tusaale ahaan ururo dhaqameedyo iyo kuwo isboorti. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga magaalada Vantaa.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Ururada
linkkiVantaan kaupunki:
Ururada dhaqmadaFinnish
linkkiVantaan kaupunki:
Ururada jimicsigaFinnish