Nolosha Finland

Maahanmuuttajana Vantaalla

Ajnabi ku ahaanshaha Vantaa

La-qabsashada iyo la-talinta dadka dalka u soo guuray

Adeegyada dadka dalka u soo guuray

Adeegyada dadka waddanka u soo guurey ee Vantaa waxaa ka mid ah

  • adeegyada qaabilaadda qaxootiga
  • adeegyada la-qabsashada

Adeegyada dadka waddanka u soo guurey ee Vantaa (Vantaan maahanmuuttajapalvelu) waxaad ka heleysaa la talinta la-qabsashada waddanka, adeegyada arimaha bulshada iyo caafimaadka iyo adeegyada ay bixiyaan ururada magaaladu. Waxaad macaamiil ka noqon kartaa adeegyada, haddii aad Finland ku timid habka xiriirka qoyska, tahay qaxooti, tahay dhibane xagga ka ganacsiga dadka ama aad xaq u leedahay waraysiga bilowga ee xafiiska shaqada iyo xoogsashada.

Vantaan maahanmuuttajapalvelut
Vernissakatu 8C
01300 VANTAA
Tel. (09) 839 21074 ja (09) 839 32042
Maahanmuuttajapalvelut(at)vantaa.fi

linkkiVantaan kaupunki:
Adeegyada dadka dalka u soo guurayFinnish | Ingiriis

Silkinportin toimintakeskus

Xarunta waxqabadka ee Silkinportti (Silkinportin toimintakeskus) waxay talo sii saa dadka waddanka u soo guurey waxayna u abaabushaa waxqabadyo kala duwan.

Silkinportin toimintakeskus
Tikkurilantie 44 F, 2. kerros
01300 Vantaa
Tel. (09) 839 23651

linkkiSilkinportin toimintakeskus:
La-talinta iyo waxqabadka dhalinyarada dalka u soo guurtayFinnish | Ingiriis

Vantaa-info

Vantaa-info waxaad ka heleysaa xog magaalada Vantaa iyo adeegyada dowlad. Vantaa-info waxay ku taalaa Tikkurila, Korso iyo Myyrmäki. Ciiwaanada Vantaa-info waxay kala yihiin:

Vantaa-info, Tikkurila
Dixi, Ratatie 11, 2. krs.
01300 Vantaa
iimayl: vantaa-info(at)vantaa.fi
tel. (09) 839 22133

Vantaa-info, Korso
LUMO,Urpiaisentie 14
01450 Vantaa
Iimayl: vantaa-info(at)vantaa.fi
Tel. (09) 839 22133

Vantaa-info, Myyrmäki
Myyrmäkitalo, Paalutori 3
01600 Vantaa
Iimayl: vantaa-info(at)vantaa.fi
Tel. (09) 839 22133

Macluumaad dheeraad ah iyo waqtiyada ay furan yihiin waxaad ka heleysaa bogagga magaalada Vantaa.

linkkiVantaan kaupunki:
Vantaa-infoFinnish | Iswidish | Ingiriis

Hakunilan kansainvälinen yhdistys

Rugta la-talinta ee ururka caalamiga ah ee Hakunila (Hakunilan kansainvälisen yhdistys) waxay u adeegtaa dadka dalka u soo guuray ee ku nool Hakunila, Koivukylä iyo deegaanada kale ee Vantaa, kuwaas oo raba inay wax ka ogaadaan tusaale ahaan waxbarashada, koorsyada luqada, shaqada, waxqabadyada hiwaayadaha, xaaladaha dhibku jiro iyo arrimaha sharciga.

Hakunilan kansainvälinen yhdistys
Kannuskuja 2A, dabaqa 3aad (Hakunila)
01200 Vantaa
Emayl: hakunilan(at)kolumbus.fi
Tel. (09) 272 2775 iyo 040 501 3199.

linkkiHakunilan kansainvälinen yhdistys:
La-talinta dhalinyarada dalka u soo guurtayFinnish | Ingiriis | Ruush | Soomaali | Carabi

Vantaan Järjestörinki

Rugta la-talinta dadka dalka u soo guuray ee isku-xirka ururka Vantaa (Vantaan Järjestörinki ry:n Maahanmuuttajien neuvontapiste) waxaad weydiin kartaa arrimaha la xiriirka tusaale ahaan nolosha shaqada, ammaanka bulshada, caafimaadka, waxbarashada iyo ogolaanshaha joogitaanka. Cinwaanka:

Kansalaistoiminnankeskus Leinikki
Leinikkitie 22
01350 Vantaa

Asukastila Myyrinki
Liesitori 1 ama Vaskivuorentie 10 B, dabaqa 3aad
01600 Vantaa
Tel. (09) 839 35703 iyo 040 183 0930
Emayl: neuvonta(at)vantaalla.info

Nettikahvila Kafnetti
Rautkallionkatu 3
01360 Vantaa
Tel. 045 134 1711

linkkiVantaan Järjestörinki:
La-talinta dhalinyarada dalka u soo guurtayFinnish

International House Helsinki

Haddii aad dhowaan u soo guurtay soonaha caasimadda, waxaad International House Helsinki hal booqasho uga heli kartaa talo-bixin iyo adeegyada dowladeed.

linkkiInternational House Helsinki:
Goobta adeegga IHH ee dadka u soo guuraya Finland Ingiriis

Kaartaynta hore

Kaartaynta hore (Alkukartoitus) waxay kaa caawinaysaa in aad magaalada aad degantahay ka hesho adeegyo kugu haboon. Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ee magaalada Vantaa ama Uudenmaan wuxuu qof walba oo ka mid ah dadka waddanka u soo guurey oo Vantaa degan u qabanqaabiyaa kaartaynta hore.

Waxaad xaq u leedahay inaad heshid kaartaynta hore, haddii

  • degmada aad degantahay ay tahay Vantaa
  • aad Vantaa dalka dibadiisa ama meel kale oo Finland ka mid ah ka soo guurtay
  • aan horay laguugu samayn kaartaynta hore
  • aad Finland deganayd ugu badnaan sadex sano.

Kaartaynta hore waxaad ku heleysaa macluumaad la xiriira barashda luuqada Finnishka iyo Iswidishka, shaqo raadinta, waxbarashada iyo adeegyada Vantaa. Wada sheekaysiga kaartaynta hore waxaa loo isticmaalayaa turjubaan haddii loo baahdo. Kaartaynta hore waa lacag la'aan.

Codsiga kaartaynta hore

Kaartaynta hore waxaad ku dalban kartaa e-mail ama adigoo telefoon waqti ku qabsada.

E-mail: maahanmuuttajapalvelut(at)vantaa.fi
Tel. 09 839 32622, 09 839 27525 tai 09 839 31766

Haddii aad shaqo raadinaysid waa inaad iska diiwaan gelisid xafiiska shaqada iyo xoogsashada (TE-toimistoon.) Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ayaa sameynaya kaartaynta hore.

Ka akhriso bogga InfoFinlandi macluumaadka dheeriga ah ee ku saabsan kaartaynta hore iyo qoyshayna la qabsiga dalka La-qabsashada Finland.

linkkiVantaan kaupunki:
Kaartaynta horeFinnish | Ingiriis

Ma u baahan tahay turjubaan?

Haddii ay qasab kugu tahay inaad dano ka qabsato saraakiisha islamarkaasna aadan aqoonin Finnish ama Iswidish, sidoo kale adiga iyo sarkaalku aadan wada aqoonin luqad kale, waxaad isticmaali kartaa adeegyada turjumaadda. Mar walba horay u sii ogeysii sarkaalka haddii aad u baahan tahay turjubaan. Sarkaalka ayaa turjubaanka dalbaya, markaasna adiga kharash kuguma ahan.

Haddii aad kharashka bixineyso turjubaanna aad dalbaneyso, waxaad isticmaali kartaa turjubaanka markasta haddii aad rabto.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Ma u baahan tahay turjubaan?

linkkiVantaan kaupunki:
Macluumaadka adeegyada turjumaaddaFinnish

linkkiSuomen kääntäjien ja tulkkien liitto:
Raadi turjubaan ama afnaqeFinnish | Iswidish | Ingiriis