U gudub macluumaadka ku jira
Vapaa-aika Vantaalla

Waqtiyada firaaqada iyo Vantaa

Waa la daabacay22.07.2022
Vantaa waxaa laga helaa waxqabad loogu talaggalay da’ kasta. Magaalada waxaa ku yaal guriyo dhaqameedyo badan, maktabado, hoolalka dabaasha iyo goobaha jimicsiga ee loogu talaggalay noocyo isboortiga ee kala duwan. Waxaa kale oo Vantaa lagu qabanqaabiyaa waxqabadka naadiga iyo munaasabado kala duwan.

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Machadka dadka waaweyn ee Vantaa (Vantaan Aikuisopisto) waxaa lagu hiwaayadeyn karaa tusaale ahaan farshaxanka, shaqo gacmeedka, cunto karinta iyo qoob ka ciyaarka. Meeshaas sidoo kale waxaa lagu baran karaa luqadaha.

Vantaa waxaa ku yaal laba guri dhaqameed: guriga riwaayadda ama konjeertada ee Martinus iyo guriga Myyrmäki ee xarunta waxqabadyada badan. Intaas waxaa dheer guriga xarunta waxqabadyada badan ee LUMO wuxuu qabanqaabiyaa dhacdooyin badan.

Guriga dhaqanka ee dhalinyarada iyo carruurta Vernissa, Daarta farshaxanka Pessi iyo Daarta farshaxanka Toteemi waxay carruurta u qabanqaabiyaan dhacdooyin badan.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Waqtiyada firaaqada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaKansalais- ja työväenopistot Helsinki Espoo Vantaa

Adeegga codsashada koorasyada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaKonserttitalo Martinus

Riwaayado

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaMonitoimikeskus LUMO

Dhacdooyinka dhaqamada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaLasten ja nuorten kulttuuritalo Vernissa

Dhacdooyinka dhaqamada ee carruurta

Makatabadda

Vantaa waxay leeday 10 maktabadood (kirjasto) iyo 2 gaari oo maktabad ah (kirjastoauto). Maktabada waxaad ka amaahan kartaa buugaag, jaraaid, muusik, filimo, geymam iyo waxyaabo kale oo faro badan. Buugaagta iyo materiaalka kale waa luuqado kala gedisan. Maktabadaha qaarkood waxaa sidoo kale dadka wadanka u soo guurey loogu abaabulaa naadiyo ku wada sheekaysiga luuqada Finnishka.

Maktabadaha Vantaa waxay qeyb ka yihiin maktabadaha HelMet ee agagaarka caasimadda. Taas waxaa loola jeedaa in isla kaarka maktabadda aad ku isticmaali kartid dhammaan maktabadaha magaalooyinka ee ku yaal Vantaa, Espoo, Helsinki iyo Kauniainen.

Maktabadda weyn ee Helsinki ee Pasila waa maktabad luqado badan. Waxa halkaas laga helaa buugaag ku qoran in ka badan 60 luqadood. Haddii aad heysato kaarka HelMet ee maktabadda waad soo amaahan kartaa buugaagta maktabadda Luqadaha badan.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Maktabadaha

Jimicsiga

Vantaa waxaa ku yaal shan hool oo lagu dabbaasho oo ay degmadu leedahay. Hoolka dabbaasha ee Korso waxay naagaha iyo gabdhaha dalka u soo guuray ku bixisaa waqti dabbaaleed u gaar ah.

Vantaa waxaa ku yaal dhawr hoolal isboorti, garoono isboorti iyo goobo jimicsiyeedyo kale oo loogu talagalay majalado kala duduwan. Xilliga xagaaga waxaad ku ordi kartaa tubta jimicsiga halka xilliga barafkana aad loox-barafeedka kula ordi karto.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Jimicsiga

Ku dhaqdhaqaaqidda duurka

Vantaa waxaa ku yaala wadiiqooyin iyo tubab bey'adeed fara badan oo la maro marka duurka dhaqdhaqaaqa loo aadayo. Bey'adda waa lagu socon karaa xitaa aagga nashaadaadka ee Petiko.

Kaluumeysiga

Waxaad ka kalluumeysan kartaa agagaarka kalluumeysiga magaalada Vantaa Vantaanjoki, Keravanjoki iyo Suomenlahti.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Ku dhaqdhaqaaqida duurka

Tiyaatar iyo shaneemo

Vantaa waxaa ku yaal dhawr tiyaataro xirafadeed iyo hiwaayado.

Vantaa waxaa ku yaal afar shaneemo oo filimada lagu daawado. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan filimada waxaad ka heleysaa bogagga shaneemada. Taas waxaa dheer in magaalada Vantaa ay qabanqaabiso bandhigyo filimeedyo.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Tiyaatar iyo shaneemo

Madxafyada

Vantaa waxaa ku yaal dhawr madxaf. Madxafka magaalada Vantaa wuxuu soo bandhigaa taariikhda Vantaa. Madxafka farshaxanka ee Vantaa waxaa lagu qabanqaabiyaa bandhigyada casriga ah ee dalka iyo dibadda oo kala duduwan.

Macluumaadyada kale ee ku saabsan madxafyada kale waxaad ka heleysaa bogagga magaalada Vantaa.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Madxafyada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVantaan kaupunki

Madxafyada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVantaan kaupunki

Madxafka magaalada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVantaan kaupunki

Madxafka farshaxanka

Hiwaayadaha dhalinyarada iyo carruurta

Vantaa waxaa ku yaal qeybo waxbarasheed badan oo dhiga tacliinta aasaasiga ah ee farshaxanka, kuwaas oo si gaar ah loogu talagalay dhalinyarada iyo carruurta. Majaladaha kala duduwan ee farshxanku waa muusikada, sawir-farshaxaneedka, qoob ka ciyaarka, tiyaatarka iyo sirkuska, eray farshaxaneedka, shaqo gacmeedka iyo arkitekjarka.

Goobaha dhalinyarada ee magaaladu waxay u furan yihiin dhammaan da’yarta u dhexeysa 10–17ka sano.

Mashruuca-dhammaan Sportti (Sporttia kaikille –hanke) wuxuu carruurta iyo dhalinyarda dadka wadanka u soo guurey u abaabulaa naadiyo dhaq dhaqaaqey iyo duur u baxaayo.

Ururada iyo iyo jimciyadaha isboortigu waxay dhalinyarada u qabanqaabiyaan waxqabadyo badan.

Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga magaalada Vantaa.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Hiwaayadaha carruurta iyo dhalinyarada

Hiwaayadaha dadka da’da ah

Haddii aad gaartey da’da 70 sano oo aad guri degmo kuu yahay Vantaa, waxaad lacag la’aan isticmaali kartaa waaskada daabasha iyo jiimka ee magaalada Vantaa. Goobaha jimcsiga waad isticmaali kataa, haddii aad heysto kaarka ciyaaraha (Sporttikortti). Kaarka ciyaaraha waxaad ka heleysaa lacag la’aan Vantaa-info. Markii aad codsaneyso kaarka, horey isii qaado aqoonsi iyo sawir.

La talinta dadka da'da ah (seniorineuvonta) waxaad ka heleysaa macluulaad la xiriira adeegyada hiwaayadaha ay ururada, shirkadaha iyo magaaladuba siiyaan dadka da'da ah

La talinta dadka da'da ah
Tel: (09) 8392 4202
E-mail: palvelutarpeen.arviointi(at)vantaa.fi

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaSporttikortti 70+

Fursadaha jimicsiga

Ururada

Vantaa waxaa ka jiro ururo badan, tusaale ahaan ururo dhaqameedyo iyo kuwo isboorti. Waxaa ururada lagu qabanqaabiyaa naadiyaal kala duwan, waxqabadyo hiwaayadeed, dalxiisyo gaagaabn iyo dhacdooyin kala duduwan. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga magaalada Vantaa.

Warar dheeraad ah ka sii aqri: Ururada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisa Vantaan kaupunki

Ururada dhaqmada

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVantaan kaupunki

Ururada jimicsiga