Luqada Finnishka iyo Iswidishka ee Vantaa
Macluumaadka deegaanka
Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.
Koorsada luuqada
Adigoo kaalmeysanaya Finnishcourses.fi waxaad kooras luqada Finnishka ah oo kugu haboon ka raadsan kartaa Helsinki, Vantaa, Espoo ama Kauniainen. Koorsayda luqada Iswidishka waxaa laga helaa isku-xirka ku yaal bogga hore ee adeegga. Koorsayada adeegga Finnishcourses.fi waa kuwa u furan dadka oo dhan. Adeegga kuma jiraan koorasyada xafiiska shaqadu.
Vantaa waxaa koorasyada dadka dalka u soo guuray loogu talagalay ka qabanqaabiya machadka dadka waaweyn ee Vantaa (Vantaan aikuisopisto). Koorsyada machadku waa kuwa u furan dadka oo dhan. Machadka dadka waaweyn wuxuu ku yaalaa Tikkurila, laakiin koorsayada waxaa lagu qabanqaabiyaa qeybo kala duduwan oo Vantaa ku yaal. Cinwaanka:
Vantaan aikuisopisto
Lummetie 5
01300 Vantaa
Tel. (09) 8392 4342
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan koorsayada iyo iska-diiwaangelinta waxaad ka heleysaa bogagga Vantaan Aikuisopisto iyo tusaha waxbarashada. Tusaha Waxbarashada waxaa laga helaa tusaale ahaan maktabadaha, Vantaa-info iyo sidoo kale bogagga magaalada Vantaa isagoo qaab internet ah.
Xafiiska shaqada ayaa dadka dalka u soo guuray ku haga koorasyada luqada Finnishka, kuwaas oo la xiriira la-qabsashada. Marka laguu sameeyo qorshaha la-qabsashada ama shaqaaloobidda, sidoo kale waxaa boos lagaaga qaban karaa goobta barashada luqada Finnishka ama waxaa lagu gelin karaa safka goobta waxbarasho. Warar dheeraad ah weydii xafiiska shaqada.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Fursadaha barashada luqada Finnishka ama Iswidishka
Finnishcourses.fi
Koorasyada luqada Finnishka iyo IswidishkaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVantaan aikuisopisto
Koorsyada luqada finnishka iyo isiwidishka ee loogu talagalay dadka dalka u soo guurayLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaKula sheekeyso Finnish
Maktabada Vantaa waxaa lagu qabtaa kafeteriyooyinka luuqada (kielikahvila), halkaas oo tababar dhanka ku hadalka luuqada Finnishka ah lagu qaato. Waxaa loogu talogalay dhammaan, dadka doonaya inay ku hadlaan Finnishka. Kafeteeriyooyinka luuqada wxaa lugu waada hadlaa Finnish, sidaas darteed waa fiican tahay haddii aad ku hadasho wax yar oo finnish ah. Kafeteriyooyinka luuqadu waa lacag la'aan. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kafeteriyooyinka luuqada waxaad weydiin kartaa maktabadaha.
Naadiyda kuwada sheekaysiga luuqada Finnishka waxaa Vaantaa looga qabtaa sidoo kale guriga deganayaasha ee Tikkurila iyo guryaha goobaha deganayaasha ee Kafnet iyo Myyrinki. Waxaa jardiinooyinka dadka degaanka (asukaspuito) iyo xanaano maalmeedyada furan (avoin päiväkoti) lagu qabtaa naadiyo luuqada Finnishka ah oo loogu talo galay waalidiinta ilmaha guriga ku xanaaneeya. Naadiyada wada sheekaysigu waa lacag la'aan.
Waxbarista dadka aan wax akhrinta aqoonin
Shabakada aan wax wada akhrino (luetaan yhdessä-verkosto) waxay dumarka dadka wadanka u soo guurey bartaa akhriska iyo barashada luuqada Finnishka. Dhan kaska oo Vantaa ka mid ah waxaa ka jira dhawr kooxo oo kala gedisan oo ah kooxada aan Wax wada akhrino. Ka qaybgalka guruubku waa lacag la'aan.
Vantaan kaupunki
Goobta dadka dhismaha degan ka dhexeysaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVantaan kaupunki
Jardiinooyinka xaafada iyo xannaanooyinka furanLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaLuetaan yhdessä -verkosto
Aan wada heesnada VantaaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaImtixaanka guud ee luqada
Waad sameyn kartaa imtixaanka guud ee luqada Finishka ama Iswidishka. Bogagga shabakadda Maamulka Waxbarashada (Opetushallitus) waxaa laga helaa mashiinka wax raadiya oo aad ka hubsan karto meelaha aad ku geli karto iyo waqtiyada. Vantaa waxaa imtixaanada luqada ka qabanqaabiya tusaale ahaan Machadka dadka waaweyn ee Vantaa iyo Axxell.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Shahaadada rasmiga ah ee aqoonta luqada