Qoyska Vantaa jooga
Macluumaadka deegaanka
Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.
Guurka
Kahor guurka waa inaad codsataa baaritaanka waxyaabaha guurka hor-istaaga (avioliiton esteiden tutkiminen). Baritaanka xannibka waxaa lagu sameeyaa Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka (Digi- ja väestötietovirasto). Codsiga baaritaanka waxaad ka sameyn kartaa goob adeegeed kasta. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka. Nikaaxa ama guurka shacabku wuxuu sidoo kale ka dhacaa Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka.
Digi- ja väestötietovirasto
Lintulahdenkuja 2
00530 Helsinki
Iimeylka: vihkiminen(at)dvv.fi
Tel. xarunta 029 55 36244
Warar dheeraad ah ka sii aqri Guurka
Digi- ja väestötietovirasto
Codsiga baaritaan caqabaha guurkaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaDigi- ja väestötietovirasto
Is guursashadaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVantaan seurakunnat
Macluumaad ku saabsan nikaaxinta kaniisadeedLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaHelsigin ortodoksien seurakunta
Macluumaad ku saabsan nikaaxinta kaniisadda ortodoksigaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaFuriinka
Naagta ama ninku waxay codsiga furiinka geysan karaan xafiiska maxkamada degmada Vantaa. Lamaanuhu furiinka wadajir ama mid mid ayeey u codsan karaan. Codsiga waxaa la geyn karaa xafiiska maxkamadda ama waxaa loogu diri karaa xafiiska qaab boosto, fakis ama emayl ah.
Vantaan käräjäoikeus
Kielotie 21, PL 194
01301 Vantaa
Tel. 029 56 45200
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Furiin
Caruurta iyo furiinka
Haddii aad carruur leedahay islamarkaasna aad qorsheyneyso furiin la xiriir sarkaalka ilaaliya danaha carruurta (lastenvalvoja) ee magaalada Vantaa. Shaqada sooshaalku waxay xoojisaa heshiiska deegaanka carruurta, daryeelka, xuquuqda la kulanka iyo masruufka. Ilaaliyayaasha danaha carruurtu waxay sidoo kale la talin karaan waalidka is-furaya.
Ilaaliyeyaasha danaha carruurta macluumaadkooda waxaad ka heli kartaa bogga internetka ee magaalada Vantaa.
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Carruurta iyo furiinka
Dhalashada cunugga
Macluumaadka dhalashada cunugga waxaa isbitaalka looga soo dirayaa nidaamka diiwaanka dadka ee Finland. Waa in aad magacyada cunugga, afkiisa hooyo iyo macluumaadka kale ee loo baahan yahay ku soo ogeysiisaa Hay’adda dijitaalka iyo macluumaadka dadka foom gaar ah oo guriga laguugu soo diraayo.
Diiwaangelinta dhalashada cunugga, caddeynta aabanimada iyo mas’uuliyadda warar dheeraad ah oo ku saabsan waxaad ka aqrin kartaa bogga InfoFinlandi: Finland markii uu ilmuhu dhaso .
Xanaanada caruurta
Xanaano maalmeedka
Bogga InfoFinland ee Waxbarashada Vantaa waxaad ka heleysaa macluumaad la xiriira xanaano maalmeedka carruurta ee Vantaa.
Kaalmada guri ku xanaaneynta ilmaha
Haddii aad ilmo 3 sano ka yar guriga ku xanaaneyneysid, waxaad heli kartaa kaalmada guri ku xanaaneynta ilmaha (kotihoidon tuki). Kaalmada waxaa laga dalbadaa Kelada.
Intaas waxaa dheer in magaalada Vantaa ay bixiso kaalmada guri ku xannaneynta ilmaha ka sokow kaalmo degmo oo dheeri ah oo la siiyo waalidka guriga ku xanaaneeya ilmaha da'doodu ay ka yar tahay 1,5 sano. Looma baahna indaad kaalmada si gooni ah u codsatid, balse Kelada ayaan ku daraysa gunada Vantaa (Vantaa-lisä) tan guri ku xanaaneynta ilmaha.
Xanaano maalmeedka furan iyo jardiinooyinka dadka deegaanka
Xaanaano maalmeedka furan (Avoin päiväkoti) waxaa loogu talogalay ilmaha da'da iskuulka ka yar iyo waalidiinta ama dadka kale oo iyaga guriga ku xanaaneeya.
Jardiinada dadka deegaanka (asukaspuisto) waxaa loogu talogalay carruurta da'da walba ah iyo waalidiintooda ama dadka kale oo xanaaneeya. Carruurta yar yari waxay wax qabadka jardiinada kala qayb qaadan karaan waalidkooda ama dadka kale oo markaas iyaga xanaaneynaya.
Xanaano maalmeedka furan iyo jardiinooyinka dadka deegaanka hawshoodu waa lacag la'aan, umana baahna inaad horay isaga sii diiwaan geliso. Hawlaha waxaa ku jira ciyaar iyo waxqabad la hagayo, tusaale ahaan muusik, jimicsi iyo wixii la mid ah, duur aadid.
Naadiyo
Magaalada Vantaa waxay naadiyo (kerho) u qaban-qaabisaa carruurta ay da'doodu u dhaxayso 2,5-5- sano, kuwaas oo guriga lagu xannaaneeyo. Naadiyadu waa lacag la'aan. Naadiga ilmuhu wuxuu ku baranayaa luuqada Finnishka, wuxuu ku baranayaa koox la shaqaynta sidoo kale wuxuu la kulmayaa carruur kale. Nadiga waxaa la codsadaa marka la samaynayo codsiga barbaarinta hore (varhaiskasvatushakemus), kaas oo sidoo kale lagu codsado xanaano maalmeedka.
Xanaanada ku meelgaarka ah ee caruurta
Haddii aad dooneysid si ku meelgaar ah inaad gurigaaga ugu yeeratid qof carruurta kuu xanaaneysa, waxaad la xiriiri kartaa isbahaysiga badbaadada carruurta ee Mannerheim ama isbahaysiga dad dhigida.Cawinaada xanaaneynta carruurta ee ku meelgaarka ahi waa lacag.
Mannerheimin lastensuojeluliitto
Cawinaada xagga daryeelka caruurta ahLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaDhibaatooyinka qoyska dhexdiisa ah
Dhibaatooyinka isqabida iyo xiriirka lamaanaha
Lammanaha leh ilmo da'doodu ay ka yar yahay 13 sano, waxay dhibaatada ka soo foodsaarta guurka iyo wada noolaanshada cawinaad uga helayaan xafiiska la talinta qoyska (perheneuvola). Macluumaadka waxaa laga helayaa bogga internetka ee Vantaa. Adeegyada xafiiska la talinta qoysku waa sir, waana bilaash.
Xaaladaha xasaradaha deg degta ah ee qoyska, waxaad la xiriiri kartaa heeganka sooshalka -iyo xasaradaha (sosiaali- ja kriisipäivystys), kaas oo maalin kasta furan.
Heeganka sooshalka -iyo qalalaasaha
Tel. (09) 8392 4005
Dhibaatooyinka lammaanaha iyo qoyska soo food saara waxaa sidoo kale kaa cawinaya la talinta qoyska ee kaniisada Vantaa.
Dhibaatooyinka carruurta
Rugaha la-talinta carruurta (lastenneuvola) iyo la-talinta qoyska (perheneuvola) waxay talo ka bixiyaan su’aalaha la xiriira caafimaadka cunugga koriinshaha iyo horumarkiisa.
Dhibaatooyinka carruurta da’da iskuulka waxaa gacan ka geysta kalkaaliyaasha caafimaadka iskuulka (kouluterveydenhoitaja), kuraatoriyada iskuulka (koulukuraattori) iyo hagayaasha sooshaalka (sosiaaliohjaaja).
Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga magaalada Vantaa.
Dhibaatooyinka dhalinyarada
Iskuulda dhalinyarada waxaa ku caawiya iskuulada- iyo kalkaaliyaasha caafimaadka waxbarasha wax caawiya (auttava koulu- ja opiskeluterveydenhoitaja), kuraatoriyada iskuulda (koulukuraattori) iyo psykolojiyiinta iskuulka (koulupsykologi).
Nuppi
Xarunta dhalinyarada ee Nuppi (nuortenkeskus Nuppi) waxay caawiyaa carruurta iyo dhalinyarada da'doodu u dhaxayso 13–21-sano iyo qoyskooda. Haddii aad ka weyn tahay 21 sano, waxaad Nuppi ka heleysaa la talin waqti gaaban ah. Nuppi waxaad caawinaad uga heli kareysaa cawinaad tusaale ahaan dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka iyo mukhaadaraadka.
Ohjaamo
Haddii da'daadu ay 30-sano ka hooseyso, waxaad adeega Ohjaamada ka heli kartaa la talin iyo hagid. Shaqaalaha Ohjaamo ayaa ku caawinaya, haddii aadan haysan shaqo ama goob waxbarasho. Waxaad sidoo kale wax ka weydiin kartaa arimaha kale tusaale ahaan degaanka iyo isticmaalka lacagta.
Aqalka badbaadada dhalinyarada
Aqalka dhalinyarada hay'adda laanqayrta cas ee Finland (Suomen Punaisen Ristin Nuorten turvatalo) waxay kaalmo iyo garab istaag siisaa dhalinyada da'doodu tahay 12–19 sano markii ay jiraan xaalado qalafsan. Aqalka badbaadadu wuxuu furan yahay saacadaha u dhexeeya 17–10, heeganka telefoonkuna wuxuu shaqeeyaa waqti walba.
Nuorten turvatalo
Sairaalakatu 3
01400 Vantaa
Tel. (09) 871 4043
E-mail: turvatalo.vantaa(at)redcross.fi
Vantaan kaupunki
Macluumaad ku saabsan daryeelka caafimaadka ee iskuulkaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVantaan kaupunki
Macallimiinta xallisa dhibaatooyinka iskuulkaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVantaan nuorisoasema
Cawimaad loogu talagalay dhalinyaradaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaSuomen Punaisen Risti
Guriga ammaanka ee dhalinyaradaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaBadbaadada carruurta
Haddii aad ka shakiso in ilmo ama qof dhlinyara ahi uu u baahanyhay cawinaadda badbaadada caruurta (lastensuojelu), la soo xiriir shaqaalaha sooshalka.
Heeganka qoysaska carruurta leh iyo badbaadada carruurta
tel. 09 839 33337, Isniin-Jimco 8-16
iimayl: lastensuojeluilmoitukset.vantaa(at)vantaa.fi
Galbihii iyo dhamaadka usbuucyada
Heeganka sooshalka- iyo xasaradaha
tel. 09 8392 4005
Bogga InfoFinland waxaa sidoo kale laga heli karaa macluumaad ku saabsan dhibaatooyinka caruurta iyo dhalinyarada Dhibaatooyinka carruurta iyo dhallinyarada iyo Badbaadada carruurta .
Dadka da’da ah
Vantaa waxaa ku yaal adeegyo si gooni ah loogu talagalay dadka da’da ah. Macluumaadkooda waxaad ka heleysaa talibixinta duqeytida.
Talobixinta duqeytida
Tel: 09 8392 4202
Emayl: seniorineuvonta(at)vantaa.fi
Marka aad guriga ku daryeeleysid ehelkaaga
Haddii qof qoyskaaga ka mid ah uu cawinaad joogto ah u baahan yahay oo daryeelku adiga ku xayiraya islamarkaasna adag, waxaa suurtagala ah inaad daryeelistiisa uga hesho degmada lacagta daryeelka ehelka.
Qiimeynta taageeridda ehel daryeelista ee qofka waayeelka ah waxaa lagu sameynayaa talo-bixinta duqeytida.
Ka sii aqri warar dheeraad ah: Dadka da'da ah .
Marka uu ehelkaadu Finland ku dhinto
Vantaa waxaa ku yaala afar dhul-qabuurood, kuwaas oo ay leedahay kaniisada evankeliluuterigu.
Intaas waxaa dheer qabuuraha Honkkanummi ee ku yaala Vaantaa kuwaas oo ay wada leeyiniin Vantaa iyo Helsinki, qabuurahan waxaa lagu duugi karaa meydadka aan diimaha midkoodna ka tirsaneyn.
Macluumaadka la xiriira xabaalida waxaad ka heleysaa xafiiska qabuuraha ee kaniisadaha Vantaa (Vantaan seurakuntien hautatoimisto) iyo xaafiisyada qabuuraha oo gaarka loo leeyahay.
Xafiiska qabuuraha kaniisadaha Vantaa
Pappilankuja 5
01510 Vantaa
Tel. (09) 8306 220
E-mail: vantaa.hautaustoimi(at)evl.fi
Hasdii qof qaraabadaada ahi uu si lama filaan ah u geeriyoodo, waxaad kaalmo iyo garab istaag la xiriira ka bogsiga naxdinta kula soo deristay ka heli kartaa heeganka sooshalka- iyo xasaradaha (sosiaali- ja kriisipäivystys). Heeganku wuxuu furan yahay waqti walba.
Heeganka sooshalka- iyo xasaradaha
Tel. (09) 8392 4005
Warar dheeraad ah ka sii aqri: Marka uu ehelkaadu Finland ku dhinto .