U gudub macluumaadka ku jira
Työ ja yrittäjyys Vaasassa

Shaqada iyo ganacsiga Vaasa

Waa la daabacay19.05.2022

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Halkee shaqo laga helaa?

Waxaad shaqooyinka ka raadsan kartaa internetka ama wargeysyada. Ku qor khaanada raadinta qoraalka lagu qoro ”shaqooyinka banaan”Voit etsiä työpaikkoja internetistä ja sanomalehdistä. Kirjoita hakukoneen tekstikenttään (avoimet työpaikat) waxaad markaas heleysaa linkiyada shaqooyinka banaan. Bogag badan oo goobaha shaqada ah waxaad ku dhaafi kartaa codsigaaga shaqo raadinta iyo waxaad soo baratey ama aad ka soo shaqeysey (CV) si uu shaqo bixiyuhu u akhristo. Waxaad si toos ah ula xidhiidhi kartaa shaqo bixiyaha una dirsan kartaa shaqada aad xiiseyneysid shaqo bixiyihiida codsi furan.

Shaqooyinka waxaa kale oo aad ka raadsan kartaa bogagga dhinaca warbaahinta (Facebook, LinkedIn). Sidoo kale waxaa wanaagsan inaad ka faa’iideysatid shabakadahaada.

Xafiiska shaqada ee Pohjanmaa (TE-toimisto)

Xafiiska shaqada ee Pohjanmaa (TE-toimisto) (xafiiska shaqada- iyo maareynta nolosha) waxaad caawimaad ka heleysaa codsigaaga shaqada. Xafiiska shaqadu wuxuu kaa caawinayaa shaqo codsashadaada iyo adeegyada xafiiska shaqada bogagooda goobaha shaqada waxaad ka heleysaa kumanyaal goobo oo shaqo meelo kala duduwan oo Finland.

Xafiiska shaqada eePohjanmaa waxaad kula xidhiidhi kartaa emayl ahaan, telefoon ahaan ama adiga oo ka soo daneysta barta xafiiska ee Vaasa.

Xafiiska adeegyada shaqada ee Vaasa waa

Wolffintie 35 B
65101 VAASA

Adeegyada caafimaadka ee caam ahaaneed waxaad ka heleysaa warbixinaha, la talinta iyo hagitaanka adeegyada xafiiska shaqada iyo sidoo kale kaalmadda isticmaalka adeegyada shabakada.

Halkan ka sii akhriso: Shaqooyinka Finland?

Dhallinyarada – kaalmada shaqsi ahaaneed ee hagitaanka

Da’ada ka yar 30- jirada dhallinyarta ahi waxay la talin ka heleyaan iyo hagitaanka shaqaaleysiinta- iyo arrimaha waxbarashada Vaasa hagitaankeeda.

Ohjaamo
Raastuvankatu 30, 2. krs.
65100 VAASA

Shirkad aasaasidda

Caawimaada iyo kaalmada shirkad aasaasashada waxaad ka heleysaa (Vaasanseudun kehitys Oy VASEKi) oo si wadajir ah ula shaqeeya xarunta cusub ee meheradaha Startiasta. Ka qabso ballan la talinta lacag la’aanta ah.

Vaasanseudun Kehitys Oy VASEK - Vaasanseudun Uusyrityskeskus Startia
Alatori 1 A, 3. krs
65100 VAASA

Halkan ka sii akhriso: Shirkad aasaasashada

Cashuurta

Shaqo inaad bilowdid awgeed waxaad u baahan tahay kaadhka cashuurta. Waxaadna ka heleysaa xafiiska cashuurta ee Vaasa (Vaasan verotoimisto). Kaadhka cashuurta waxaad sidoo kale ka dalban kartaa bogga internetka ee maamulka cashuuraadka.

Warbixinta xafiiska cashuurtu waa:

Vaasan verotoimisto
Poikkikuja 7, Vaasa

Halkan ka sii akhriso: Cashuurta

Haddii aad shaqo la’aan noqotid

Dalalka- EU- iyo ETA da muwaadiniintoodu waxay iskaga diiwaangelin karaan shaqo raadis inay yihiin emayl ahaan xafiiska adeegyada shaqada bogooda shabakada qeybahooda ”ka daneyso” (Oma asiointi).

Haddii aad iska diiwaangelin kari weydid dhinaca shabakada shaqo la’aan inaad tahay ama aadan ku hadlin luqada finnishka, tag xafiiska shaqada TE-toimisto.

TE-toimisto Vaasa:
Wolffintie 35 B,
65101 VAASA

Markaad iska diiwaangelisid xafiiska shaqada inaad tahay shaqo la’aan, waxaad dalban kartaa kaalmada shaqo la’aanta (lacagta maalinta ee shaqo la’aanta ama kaalmada suuqa shaqo la’aanta/ työttömyyspäiväraha tai työmarkkinatuki) Kelada. Lacagta maalin laha ee horey aad u soo kasbatey waxaad ka dalban kartaa qasnada shaqo la’aanta, haddii aad xubin ka tahay qasnada iyo / ama ururka shaqaalaha.

Halkan ka sii akhriso: Ammaanka shaqo la’aanta

Howlgabka

Howlgabka waxaa bixiya xarunta howlgabka shaqaalaha iyo Kelada. Warbixinaha howlgabka iyo dalbashada howlgabka waxaad ka heleysaa bogga kelada ee internetka iyo sidoo kale bogga InfoFinlandi howlgabka Hawlgab .