U gudub macluumaadka ku jira
Vapaa-aika Vaasassa

Waqtiyada firaaqada iyo Vaasa

Waa la daabacay11.04.2022

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Leybareriga

Vaasa waxaa ku yaala leybareriga weyn mooyaanee baro adeegyo oo leybareriyo oo kale iyo sidoo kale gaadhiga leybareriga Rölli. Ka dalbo leybareriga kaadhkaaga leybareriga tusaale ahaan kaadhka aqoonsigaaga, baasaboorkaaga ama liisankaaga baabuurka. Kaadhka leybareriga waxaad ka deynsan kartaa buugaag, muusig, filimaan, qalabka jimicsiga iyo macluumaadyo kaleba.

Leybareriga sidoo kale wuxuu leeyahay meelo waxbarasho loogu talgalay iyo internet lacag la’aan ah (WiFi). Leybarerigu sidoo kale wuxuu diyaariyaa munaasabado badan oo kala duduwan oo joogto ah iyo kooxo wax akhris ah oo lagu biiri karo.

Jimicsiyada

Vaasa waxaa hiwaayad ahaan lagu sameyn karaa jimicsiyada. Vaasa waxay leedahay hoolal dabaaleed, meelo jimicsiyo ah oo gudaha ah oo cabirkoodu kala duduwan yihiin. Kooxaha jimicsiga waxaa laga heli karaa carruur iyo dad waaweynba. Wixii warbixin dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga shabakada magaalada Vaasa.

Ku jimicsashada dabiiciga

Vaasa waa meel dabiiciga u dhow mar walba, halkaas oo dhib la’aan loogu jimicsan karo dabiiciga. Xeebaha iyo meelaha cagaaran waa meelo ay u fududahay in lagu jimicsado dabiiga u dhow. Badhtamaha Vaasa waxaad ku tagi kartaa muddo dhowr daqiiqo ah lug ahaan xeebta badda. Vaasa waxaa ku yaala sagaal xeebood oo lagu dabaasho. Vaasa waxaa sidoo kale laga helaa meelo badan oo dabiici ah oo kala duduwan halkaas oo loo dalxiis tagi karo laguna sameyn karo jimicsiyada hiwaayadaha dabiiciga ah.

Gasiirada gaarka ah ee Merenkurku waa Finland meesha kaliya ee dabiiga dhaxalka u ah ee caam ahaaneed Unesco ee liiska dhaxalka adduunka. Waxaad baran ku kartaa meelahaa baabuurta, doonyaha, baaskiilka, melontada, ama ku boodidda xagaagii ku gooshida adduunka raacitaankooda.

Tiyaatarada iyo shaneemooyinka

Vaasa waxaa ka howlgala tiyaatarada magaalada iyo kan iswidhishka Wasa Teater, tiyaatarka jaamacadda Ramppi, sidoo kale kuwo qaarkood loogu talogalay carruurta iyo hiwaayadaha tiyaatarada. Kuwaas waxaad ka heleysaa warbixinahooda dheeraadka ah ee bogagga shabakada magaalada Vaasa:

Vaasa waxay leedahay shaneemo, BioRex Vaasa, barnaamijyadooda iyo riwaayadahooda waxaa laga helayaa warbixinahooda dheeraadka ah bogga:

BioRexin waxaa dheer oo Vaasa ku yaala shaneemada nostalgi Ritz, kuwaas oo hadda ka shaqeeya ruwaayadaha iyo shaneemooyinka. Ritzi waxaa lagu diyaariaa si ballaadhan munaasabado kala duduwan oo shaneemooyinka dheeri ku ah. Ururada iskaa wax u qabsada ah ee Skafferiet ry waxaana ka shaqeeya Ritziä, iyo shaqaalaha cusub ee iskaa wax u qabsada oo sidoo kale loogu baahan yahay si joogto ah.

Musiyamka

Vaasa waxaa ku yaala musiyamyo dhowr ah iyo galeriyooyin farshaxanka ah. Kuwaas oo laga helo badhtamaha iyo meelaha u dhowdhow, iyo sidoo kale kuwo waxoogaa ka durugsan.

Hiwaayadaha carruurta iyo dhallinyarada

Waxqabadyada iyo howlaha carruurta, dhallinyarada iyo qoysaska waxaad ka raadin kartaa bogagga magaaladda Vaasa ama Reimari.

Vaasa waxay leedahay sidoo kale kooxaha carruurta ciyaaraha kala duduwan.

Ururada

Ururada Pohjanmaa ry: du waa sideetab xubnood oo ururo ah. Ururadaas waxaad ka heleysaa ururada bukaanada ururada dhaqamada.