U gudub macluumaadka ku jira
Tietoa Vaasasta

Warar ku saabsan Vaasa

Waa la daabacay11.04.2022

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Warbixinaha aadaasiga ah

Vaasa waxay ku taal Pohjanmaan degmooyinkeeda magaalada u dhaxaysa, halkaas oo ay ku taalo gacanka woqooyiga (Pohjanlahti) xeebtiisu. Vaasa agteeda waxaa ku yaala jasiirada gaarka aha ee Merenkurku oo ah Finland meesha kaliya ee dhaxalka u leh dabiiciga caalami ahaaneed Unesco oo ki jira liiska dhaxalka adduunka.

Vaasa waa magaalo caalami aho. Vaasas waxaa ku nool ilaa 120 jinsiyadood oo leh 100 luqadood oo hooyo. Vaasa tirada dadka degani waa ilaa 67 000 kuwaas oo luqadda finnishka kuwa ku hadlaa ay yiniin 70 % oo wax dhiman, luqadda iswidhiskuna ilaa 20 % wax la jira iyo sidoo kale ilaa 10 % oo kale . Degmooyinka u dhow ee Vaasa nawaaxigeeda tirada dadka ku nooli waa ilaa iyo 113 000 qof.

Vaasa waxaa ku yaala afar iskuul oo waxrashada heerka sare ah. Magaaladda waxaa jooga ilaa 12 000 oo ardey waxbarashada heerka sare dhigta iyo 4 000 oo ah ardeyda iskuulada xirfadah dhigata.

Vaasan nawaaxigeedu waxaa ku yaala dalalka woqooyiga xaruntooda tegnolojiyada tamarta. Vaasa waxay leedahay awood bosatif ah, taas oo ay ka muuqato kaliya maareynta nolosha ma ahee sidoo kale dadka nolol maalmeedkoods iyo kobcidda magaaladaba. Caasimadda tamarta ee Pohjola waxay la leedahay xidhiidh gaar ahaaneed casriga caalamiga ah, xamaasadda dhallinyarada, curinta aqoonta iyo u nuglaanshaha nabada.

Gaadiidka Vaasa

Baaskiilka iyo lugeynta

Vaasa waa magaalo baaskiilka ku qurux badan. Dadka reer Vaasa 81 % waxay deggan yihiin safar baaskiilka ugu jira masaafad 5 kilometir ka yar badhtamaha magaalada. 179 km oo wadooyin baaskiilada ah ayaa damaanad qaadaya inaad si sahlan ugu dhex mushaaxdo Vaasa. Vaasa barnaamijkeeda- khariidadda baaskiilka ayaad ka heleysaa marinada baaskiilda.

Tareenka-, diyaarada- iyo gaadiidka doonyaha

Vaasa waxaa ku yaala marino xidhiidh ah oo aad u wanaagsan. Vaasa waa meel si fudud looga iman karo meel dhow iyo meel fogba. Gegida dayuuraduhu waxay u jirtaa kaliya ilaa iyo 10 daqiiqo Vaasa badhtamaheeda, isteeshinka tareemaduna wuxuu ku yaala badhtamaha magaaladda. Maalinlaha doonta u kala gooshta Iswidhan Uumaja ayaa timaada Vaasa.

Go’aan gaadhista iyo saameyn ku yeelashada

Vaasa waxaa ku nool 55 hshaqsi oo xildhibaan ah oo arrimaheeda go’aan ka gaadha, sida howlgaladeeda iyo dhaqaalaheeda. Dadka reer Vaas waxau u codeeyaan xubnaha xildhibaanada afartii sanadoodba mar doorashada golaha deeganka.

Xildhibaanada ayaa doorta maamulka magaaladda, kaas oo ilaaliya magaaladda danaheeda wakiilna ka ah sida, hogaamineysa maamulka magaalada ee diyaarineysa arrimaha ay xildhibaanadu falanqeynayaan.

Maamulka magaalada Vaasa wuxuu hogaamiyaa maamulka magaalada hoos yimaada magaalada maamulkeeda iyo dhaqaalaheeda.

Vaasa waxay sidoo kale leedahay guddi- iyo hogaan agaasimayaal. Kuwaas oo ilaaliya waxqabadyada meelaha shaqooyinkooda. Dhallinyarada arrimaheeda iyo xildhibaanada dhallinyarada ee Vaasa iyo arrimaha naafada iyo la talinta naafada.

Meelaha kale ee aan ahayn Finland ama xubnaha kale dalalka- EU:da, xataa iceland ama Norwey muwaadiniintoodu waxay leeyihiin xuquuqda codeynta, haddii ay degmadoodu ahayd Finland labadii sandood ee ugu dambeeyey ayna doorashada golaha deegaanka u leeyihiin xuquuqda codeynta, haddii ay degmadoodu ahayd Vaasa 51. maalmeed maalinta doorasha ka hor.

Diimaha

Vaasa waxaa ka degan bulshooyin haysta diimo dhowr ah oo kala duduwan.

Waxaad ka dalban kartaa diimaha bulshooyinka adeegyadooda diimaha Finland.

Taariikhda

Wakhtigan xaadirka ah Vaasa deegaankeeda waxaa la maamulayey ilaa iyo qarnigii- 1300. Finland markaa waxay qeyb ka ahayd boqortooyada Iswidhishka qarnigii- 1200 dhamaadkiisii ilaa iyo sanadkii 1809. Boqorka Kaarle IX ayaa aasaasay jasiirada Mustasaari mgaalada halkan ay imika ku taalo Vaasadii hore sanadkii 1606. Vaasa magaceedan hadda waxaa la siiyey sanadkii 1611 waxaana loogu magac daray caa’iladii maamuleysey ee Iswidhishka ahayd.

Finland waxaa uga yimid sanadkii 1809 Ruushka madaxtooyadii ugu weyneyd, iyo sanadihii 1855–1917 oo Vaasa magaceeda sharciyeysani ahaa Nikolaistad (Magaalada Nikolai) Nikolai I:da loogu magac daray. Finland waxay shaaciyeen madax banaanidooda 1917.

Finland waxaa ka dhashay dagaalkii sokeeyaha sanadkii 1918. Finland waxay u kala qeybsantey laba qeybood Vaasana waxay markaa noqotey qeyb ahaan caasimadeeda. Fadhiyada guurtida waxaa lagu qaban jirey gurigga magaalada Vaas ee hadda. Taalada xornimada Finland waxaa lagu meeleeyey Vaasa, waxaana laga helaa Vaasa suuqeeda meelaha fagaaraha ah ee laga arkayo.