U gudub macluumaadka ku jira
Asuminen Vaasassa

Deganaanshaha Vaasa

Waa la daabacay06.07.2022

Vaasa waxay leedahay fursado kala duduwan oo lee daganaan karo. Guryaha waa laga kireysan/ ijaaran karaa ama laga iibsan karaa.

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Guryaha kirada ah

Guryaha kirada ah waxaad ka dalban kartaa guryaha sida madaxa banaan loo leeyahay qofka iska leh ama xafiiska dilaalka dhinacooda. Halkan waxaad ka heleysaa liiska guryaha kirada ee Vaasa ay fidineyso:

Guryaha ardeyda VOAS

Haddii aad tahay ardey, waxaad dalban kartaa guryaha ardeyda, kuwaas oo loogu talogalay khaas ahaan ardeyda. Guryaha ardeyda ee Vaasa waxaa kireeya VOAS – Vaasan opiskelija-asuntosäätiö. Ka buuxso codsigaaga oo elektarooni ah bogga shabakada.

Pikipruukki

Shirkadaha ugu waaweyn ee guryaha kireeya Vaasa waxaa ka mid ah shirkada dilaalka ee kiinteistö Oy Pikipruukki. Pikipruuki guryaha ka banaan waxaad ka dalban kartaa adigoo soo buuxsada codsiga. Codsiga dalbashada guryaha waxaad ka buuxsan kartaa elektarooni ahaan bogga shabakada ama xafiiskooda.

Halkan ka sii akhriso: Guryaha kirada ah

Guri dabaq ah ama bangalo iibsasho

Warbixinaha guryaha iibka ah waxaad ka heleysaa tusaale ahaan xafiisyada dilaala guryaha, wargeysyada degmada iyo bogagga internetka guryaha. Guryaha qeyb ahaan la leeyahay waa qaali dalbashadoodu, laakiin muddo badan deganaanshahoodu wuu kaaga jaban yahay inaad deganaatid guryaha kirada ah. Guryaha qiimahoodu wey isbedbedalaan waxayna marar badan ku xidhan yihiin guryuhu meesha ay ku yaalaan iyo noocoodu sida ay yihiin. Bangiyada iyo xarumaha kale maalgelintu wey u ogolaan karaan deynta shaqsiga khaaska ah si uu guri u gaar ah ugu dalbado.

Vaasa waxaad ka iibsan kartaa jago/dhul waxaanad ka dhisan kartaa guri bangalo ah. Warbixinaha ogolaanshaha iyo u amridda waxaad ka heleysaa magaaladda Vaasa bogeeda internetka.

Halkan ka sii akhriso: Iibsashada guryaha

Kaalmada ijaarka

Haddii uu dakhliga ku soo galaa yar yahay oo uunan dakhligaagu kuugu filneyn inuu buuxiyo kharashka kirada gurigga, waxaad xaq u leedahay kaalmada ijaarka. Waxaad kaalmada ijaarka ka dalban kartaa Kelada. Kaalmada ijaarka waxaad ka dalban kartaa sidoo kale internetka.

Kela Vaasa
Rauhankatu 24
65100 Vaasa

Waxaad ka heleysaa warbixinaha kaalmada ijaarka InfoFinlandi bogooda Kaalmada ijaarka

Daryeelka qashinka iyo dib u warshadeynta

Kala hagaaji qashinka gurigaaga ka dhasha. Guryaha aad deggan tahay haamahooda qashinka waxaa loogu talogalay kaliya qashinka maalin walbaha ah. Haamahaa qashinka laguma ridi karo qashin halis ah, sida waxyaalaha kemikalka ah ama bayteriyada. Nooca qashimada ah, kuwo aanan lagu ridi kareynin haamaha qashinka xaafadaada, waxaa la geyn karaa baraha ekoda. Kala hagaaji qashinka bio, dhalooyinka, biraha, kartoonada iyo warqadahasi gaar ah ayaad ugu kala rideysaa haamaha qashinka ee loogu talogalay.

Musqusha iyo bulaacadaha biyuhu maraan ha ku ridin qashin adag ama qashin iyo raashinka hadhaaga ah midnaba.

Vaasa daryeelka qashinkeeda waxaa masuul ka ah Stormossen Oy:da bogga shabakadooda waxaad ka heleysaa barta eko ee kuugu dhow.

Halkan ka sii akhriso: Daryeelka qashinka iyo dib u warshadeynta

Guriyeynta iyo xaaladaha cakiran

Vaasa waxaa ka howlgala kooxda xaaladaha dhibaatada, kuwaas oo aad la xidhiidhi kartid haddii ay kula soo daristey dhibaato. Kooxda xaaladaha dhibaatadu waxay heegan galaan maalin walba saacadaha u dhexeeya 8-16, laakiin waxaad ka wacan kartaa telefoon lambarkan 040 550 1990 xilli walba waxaadna u reebaysaa farriin inay ku soo wacaan ah.

Waxyeeleynta ehelkaaga kaaga timaada

Haddii xubin qoyskaaga ka tirsani kuu adeegsaneyso waxyeelo uu kula beegsanayo ama hanjabaad, waxaad caawimaad ka heli kartaa gurigga badbaadadda (turvakoti). Gurigga badbaadadu waa meel sidii guri oo kale ah, halkaas oo aad wacan kartid ama aad tagi kartid xilli walba hebeen iyo maalinba.

Pohjanmaan turvakoti Vaasassa:

Varastokatu 12
65100 Vaasa
PUH 06 312 9666 (24h)

Halkan ka sii akhriso: Dhibaatooyinka gurigga

Guri la’aanta ama ku meel gaadh u sii deganaanshaha

Haddii gurigaagu uu waxyeeloobo tusaale ahaan uu kaa gubto ama biyo ku furmaan, ceymiska gurigga ayaa xaaladaha qaarkood gudaya kharashyada dheeraadka ah ee kaag yimaada dhinaca gurigga. La xidhiidh shirkadaada ceymiska sida ugu dhakhsaha badan, marka ay waxyeeladu dhacdo.

Xaaladaha qaarkood waxaad caawimaad ka heli kartaa xafiiska arrimaha bulshada: la xidhiidh heeganka arrimaha bulshada ee xilli walba tel. 06 218 9555.