U gudub macluumaadka ku jira
Suomen ja ruotsin kieli Vaasassa

Luqada Finnishka iyo Iswidishka ee Vaasa

Waa la daabacay19.05.2022

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Luqadaha finnishka iyo swidhishka ee Vaasa

Finland waxaa lagaga hadlaa si sharciyeysan laba luqadood: finnish iyo iswidhish. Vaasana labada luqadoodba waa lagaga hadlaa iskuulada, tukaamada iyo goobaha shaqadaba.

Waxaad wax ku baran kartaa labada luqadoodba finnishka iyo iswidhishkaba waxbarashooyinka dal la qabsiga ama kuwa iskaaba ah. Waxbarashooyinka dal la qabsiga waxaa loo qorsheeyaa dadka waaweyn ee dalka u soo guurey, kuwa ka tirsan sharciga dal la qabsiga xeyn daabkiisa. Waxbarashadaasi waxay soconeysaa ilaa iyo sanad waana lacag la’aan. Waxbarashooyinka dal la qabsiga waxaa laga dalbadaa dhinaca xafiiska shaqada.

Luqadaha finnishka iyo iswidhishka waxaad ka baran kartaa sidoo kale si iskaa ah. Waxaad ka dalban kartaa koorsooyinkaa iskaa adigaana iska bixinaya koorsadaa. Iskaa wax u barashada koorsooyinka waxaa diyaarinaya sidoo kale xarumaha waxbarashooyinka kale ee soo socda:

Waxaad sidoo kale weydiin kartaa

Waxaad si dheeraad ah wax uga weydiin kartaa Vaasa koorsooyinka luqadaha ah ee ay diyaariyaan, kooxaha barashada luqadaha lacag la’aanta ah iyo sidoo kale hagitaanka barashada luqadaha iskaa aad u baraneysid Welcome Officeka.

Luqadda finnishka waxaad si iskaa ah uga baran kartaa sidoo shabakada internetka:
Luqadda finnishka ee intenetka

Halkan ka sii akhriso: Barashada finnishka

Halkan ka sii akhriso: Luqada Finnishka iyo Iswidishka

Barashada luqadda ee guud ahaaneed

Vaasa waxaad ka diyaarin kartaa barashada luqadaha ee guud ahaaneed luqadaha finnishka- iyo iswidhishka. Bogagga gudoonka waxbarashadu waa mishiinka dalabka, kaas oo aad ka hubin kartid, meelahee iyo goorma ayaad diyaarin kartaa baadhitaanka..

Halkan ka sii akhriso Cadeymaha sharciyeysan ee xirfadaha luqadaha