Nolosha Finland

Pakolainen

Qaxooti

Yaa qaxooti ah?

Qaxooti waa qofka hesyta derajada qaxootiga. Derajada qaxootiga waxaa hela, dadka laga siiyo Finland magangelyo ama kuwa Finland ay u soo qaadato sidii qaxooti qawiman.

Qaxootiyada qawiman

Qaxootinimada qawiman (kiintiöpakolainen) lama codsan karo iyadoo la soo maraya ha’adaha Finnishka. Sidoo kale suurtagal ma ahan in qofka talo ahaan laga soo jeediyo in uu noqdo qaxooti qawiman, tusaale ahaan qof qaraabo ama saaxiib ah.

Finland waxay qaxooti qawiman u qaadataa dadka ay Hay’adda Qaxootiga Quruumaha Midoobay ay u aqoonsatay qaxooti UNHCR. Qaxootiyada qawiman waxaa laga xushaa kooxda dadka ah ay UNHCR Finland u soo bandhigtay.

Saraakiisha Finnishka ayaa qaxootiga UNHCR ay soo bandhigtay wareysta waxayna ka doortaan dadka ay Finland qaadaneyso iyagoo wareysiga laga qaaday ku saleynaya. Wareysiyada waxaa lagu qabtaa inta badan wadamada ay joogaan qaxootiyadu ama goobaha UNHCR.

Xulashada qaxootiga qawiman waxaa saameyn ku leh tusaale ahaan arrimaha soo socda:

  • qaxootiga wuxuu u baahan yahay badbaado caalami ah
  • xuquuqda qaxootigu kuma hirgeleyso wadanka uu joogo
  • qaxootigu halis kuma ahan ammaanka Finland
  • qaxootiga oo leh waxyaabo uu kula qabsan karo Finland

Qaxootiyada qaarkood xulashadooda waxaa lagu sababeeyaa dokumentiyada UNHCR wareysi la’aan. Kuwan sida caadiga ah waa kuwa ku jira xaaladda degdegga ah, qaxootiga sida degdegga ah ugu baahan magangelyo tusaale sababo caafimaad ama siyaasadeed dartood.

Baarlaamka Finland ayaa go’aaminaya tirada qaxootiga ee dalku soo qaadanayo. Laga soo bilaabo sanadkii 2001dii qaxootiga qawiman ee Finland wuxuu ahaa 750 qofood sanadkiiba. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa go’aamineysa wadamada laga soo qaadanayo qaxootiyada qawiman.

Siinta darajada qaxootiga dadka magangelyo doonka ah

Darajada qaxootiga waa la heli karaa haddii xitaa magangelyo la weydiisto Finland. Magangelyo doonka waxaa la siin karaa darajada qaxootiga haddii uu sabab u heysto ka cabsashada in dalkiisa lagu raadceysanayo ama raadjoogo asalkiisa, diintiisa, jinsiyaddiisa, ka mid ahaanshaha koox bulshadeed cayiman ama aragtidiisa siyaasadeed darteed islamarkaasna uusan ku laaban karin dalkiisi arrimahaas dartood.

Magangelyo doonka aan helin darajada qaxootiga wuxuu si kastoo ay ahaataba heli karaa ogolaanshiyaha joogitaanka Finland sababo kale dartood.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri bogga InfoFinland Magangelyo doonnimo ku imaanshaha Finland.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Macluumaadka xulashada xaqootiga rasmiga ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

Isu keenista qoyska

Xubnaha qoyska ee qofka qaxootiga ah xitaa waa ay heli karaan ogolaanshiyaha joogitaanka ee Finland. Sharciga ayaa qeexaya dadka ah xubnaha qoyska. Xubnahan qoyska oo kali ah ayaa heli kara ogolaanshiyaha joogitanka xiriir qoys dartiis.

Xubna qoys waxaa Finland looga yaqaanaa

  • nin ama naag
  • xiriir lamaane diiwaangashan
  • nin iyo naag wada deggan
  • cunugga ka yar 18 sano ee aan xaas laheyn
  • mas’uulka cunugga ka yar 18 sano

Xaaladaha qaarkood qofka qaxootiga ah waxaa laga rabaa ama laga doonayaa inuu haysto ama soo galo dakhli ku filan si uu xubnaha qoyskiisa ah ugu quudiyo Finland, si xubnaha qoyskiisu u helaan ruqsada daganaanshada. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan isu keenida qoyska waxaad ka heleysaa bogga InfoFinland U imaansha reerka Finland.

Kaalmada isku keenista qoyska

Haddii aad Qaxooti qawiman ku timid Finland, Xafiiska dal u soo guurista ayaa mag-dhabi kara kharashka ka dhashay safarka ay dalka ku imaanayaan xubnaha qoyskaadu. Kharashaadka waxaa la mag-dhabayaa oo kali ah haddii xiriirka qoyska uu jiray kahor markii aad heshay ogolaanshiyahaada joogitaanka Finland ee ugu horeeyay. Kharashka kale ee ku baxa ehelka kale lama mag-dhabayo.

Kuwa kale ee aan aheyn qaxootiga qawiman ma heli karaa mag-dhawga kharashka safarka ee ku baxa xubnaha qoyskooda.

Laanqeyrta Cas ee Finland ayaa gacan ka geysata qaban-qaabada safarka qaxootiga qawiman

Xafiiska dal u soo guuristu wuxuu kharashka safarka mag-dhabaa oo kaliya marka xubinta qoyska ka midka ahi uu ku safrayo safar ay qaban qaabinayaan Laanqeyrta Cas ee Finland iyo Hay’adda Socdaalka ee Caalamiga ah.

Laanqeyrta Cas ee Finland waxay gacan ka geysataa qaban qaabada safarka ay ku imaanayaan Finland xubnaha qoyska ee qofka qaxootiga qawiman ah marka ay helaan ogolaanshiyaha joogitaanka Finland. Laanqeyrta Cas waxaa kale oo ay talo ka bixisaa xeerarka isu-keenista qoyska iyo waxa ay tahay in la sameeyo marka la codsanayo isu-keenista qoyska.

Marka Xafiiska dal u soo guuristu uu go’aan ogolaanshiyo ah ka gaaro codsigii xiriirka qoyska islamarkaasna ay u aragto in dowladdu ay mag-dhabi karto safarka xubnaha qoyskaada, waxay nuqulka ama koobiga go’aanka ay u direysaa Laanqeyrta Cas ee Finland. Haddii aad Finland timid adigoo qaxooti qawiman ah aadna dooneyso in dowladda Finland ay bixiso safarka xubnaha qoyskaada, la xiriir qeybta heeganka ee Laanqeyrta Cas ee Finland, kuwaas oo billaabaya qaban qaabinta safarka. Laanqeyrta Cas ee Finland ma bixin karto caawimaadda lacageed ee kharashka ku baxa diyaaradda iyo safarrada kale.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Xiriir qoys ku codsashada ogolnaashaha joogitaankaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Xubinta qoyska ee qofka qaxootiga ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

Baafinta ehelka la waayay

Haddii aad doonaysid inaad la xiriirto qaraabadaada aad la'dahay, waxaad cawinaad waydiisan kartaa Laanqayrta Cas ee Finland qaybta dad baafinta Laanqeyrta Cas waxay caawisaa qoysaska ku kala irdhoobay xasaradaha iyo masiibooyinka kala duduwan. Laanqeyrta cas waxay raadisaa ehelka lumay, sidoo kale waxay fariimaha u kala gudbisaa deegaanada xasaradaha.

linkkiSuomen Punainen Risti:
Baafinta ehelka la waayayFinnish | Iswidish | Ingiriis | Faraansiis | Soomaali

linkkiSuomen Punainen Risti:
Baafinta ehelka la waayayFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Soomaali | Isbanish | Bershan | Carabi | Burtuqiis

Caafimaadka

Haddii aad Finland ku timid qaxooti qawiman, waxaad Finland ku leedahay guri-degmo waxaad isticmaali kartaa adeegyada caafimaadka bulshada.

Kaalmooyinka qaxootiga

Qaxootiga iyo magangelyo doonkuba waxay la-talin iyo caawimaad dhinaca sharciga ah weydiisan karaan meelaha ay ka midka yihiin ururka La-talinta qaxootiga ama xafiisyada caawimaadda sharciga. La-talinta qaxootigu wuxuu bilowga hore ee habsami socodka magangelyada siiyaa dadka magangelyo doonka ah talooyin. Intaas waxaa dheer in La-talinta qaxootigu uu siiyo ajaaniibta kale talo bixin guud oo dhinaca sharciga ah.

Xafiisyada caawimaadda sharcigu waxay dadka deggan Finland caawimaad khabiirnimo ka siisaa hawlaha sharciga dhameysashadooda. Dhameysashada arrimaha sharciga dartood waxaad waqtiga oo dhan ama qeyb ahaan heli kartaa kaaliye dhinaca sharciga ah iyadoo ay dowladu lacagta kaa bixineyso.

Ururka Caawinta qaxootigu waa urur ku dadaala horumarinta xuquuqda aasaasiga ah ee qaxootiga. Ururku wuxuu ka sameeyaa Finland wargelin, tababaro iyo hawlo bulsho. Caawinta qaxootigu wuxuu ka caawiyaa qaxootiga iyo dadka dalka u soo guuray tusaale ahaan la qabsashada, degista iyo arrimaha la xiriira aasaasashada ururo iyaga u gaar ah.

linkkiSuomen pakolaisapu ry:
Cawinaada qaxootigaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiPakolaisneuvonta ry:
Cawinaad xagga sharciga ah ee la siiyo qaxootigaFinnish | Iswidish | Ingiriis