Pohjoismaiden kansalaiset
Muwaadiniinta u dhashay wuqooyiga Yurub
Haddii aad tahay muwaadin u dhashay mid ka mid ah wadamada wuqooyiga Yurub, uma baahnid in aad sharci kusoo degto Finland. Waxaad xag u leedahay in aad ka shaqeysatid, ka ganacsatid iyo in aad wax ka barato Finland.
Marka aad usoo guurto Finland, waa in aad sameysaa wargelinta geediga isla markaana aad iska diiwaangeliso xafiiska is-diiwaangelinta ee degmadaada (maistraatti). Ogsoonoow in aad u baahan tahay in aad tagto xafiiska is-diiwaangelinta shaqsi ahaan. Samee wargelinta geediga ugu dambeyn muddo isbuuc gudihiisa ah laga bilaabo maalinta aad geediga noqotay.
Is-diiwaangelinta waxaad u baahan tahay aqoonsi sharci ah oo ay ka muuqato jinsiyadda ama baasaboor kaas oo ah mid shaqeynaya.
Xubnaha qoyska ee muwaadiniinta u dhashay wuqooyiga Yurub
Haddii xubin ka tirsan qoyskaada kaas oo kugula soo guurayo Finland uusan aheyn muwaadin u dhashay dalalka wuqooyiga Yurub, wuxuu u baahnaan karaa ogolaansho sharci ama shahaadada diiwaangelinta degenaansho ee midowga yurub. Ka aqri macluumaad dheeraad ah mareegaha InfoFinland Muwaadiyiinta Yurubiyanka ama Aan aheyn muwaadin EU.
Summada aqoonsiga finnishka
Marka aad tagto xafiiska is-diiwaangelinta si aad isku diiwaangeliso, waxaad isla markaas heli kartaa sumadda aqoonsiga finnishka (henkilötunnus). Sumadda aqoonsiga waxaad u baahan tahay marka aad la macaamileyso shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale waxay kuu fududeeneysaa in aan ka arinsato tusaale ahaan bangiyadda iyo shaqo-bixiyahaaga. Ka aqri macluumaad dheeri ah bogga InfoFinlandi Isu diiwaangelin degene.
linkkiMaistraatti:
Diiwaangelinta ajaanibtaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiNorden.org:
Macluumaad loogu talagalay muwaadiniinta Waqooyiga Yurub Finnish | Iswidish | Ingiriis | Norwey
| Danish
| Ayslandik
linkkiNorden.org:
Adeegga la-talinta ee muwaadiniinta Waqooyiga YurubFinnish | Ingiriis | Norwey
| Danish
| Ayslandik
linkkiNordsoc:
Macluumaadka badbaadada shacabka ee wadamada Waqooyiga YurubFinnish | Iswidish | Ingiriis | Norwey