Nolosha Finland

Kotikunta Suomessa

Guri degmo ee gudaha Finland

Degmooyinka waxay dadka siiyaan adeegyo badan. Adeegyada degmada waxaa tusaale ahaan ka mid ah daryeelka caafimaadka iyo xanaanada caruurta. Haddii aad deegaan (kotikunta) ku leedahay Finland, waxaad caadi ahaan xaq u yeelaneysaa isticmaalka adeegyada degmada oo dhan.

Waa in aad xaqiijisaa in adiga iyo xubnaha kale ee reerkaada aad leedihiin xaqa deegaanimo Finland. Xaqa deegaanimo ee Finland waxaa lagu saleeyaa sida uu qabo sharciga deegaanka. Waxaad ka xaqiijin kartaa xafiiska isdiiwaangelinta (maistraatti) in aad leedahay xaqa deegaanimo ee Finland.

Sidee baad deegaan uga heli kartaa Finland

Si aad deegaan uga hesho Finland, waa in aad usoo guurtaa Finland si rasmi ah. Haddii aad si ku-meelgaar ah u degan tahay Finland, tusaale ahaan aad ugu soo guurto Finland waxbarasho ama shaqo darteed ugu badnaan muddo sanad ah, kama heleysid caadi ahaan deegaan Finland.

Waxaa macquul ah in aad deegaan ka hesho Finland haddii:

  • tahay muwaadin finnish ah
  • tahay muwaadin u dhashay wadamada Wuqooyiga Yurub
  • tahay muwaadin u dhashay dalalka EU, Switzerland ama Liechtenstein aadna sharcigaaga degenaanshaha ka diiwaagelisay Finland.
  • aad haysato sharciga abadiya ah (P) ama joogtada ah (A) oo shaqeynaya
  • ama aad tahay qof xubin ka ah qoys deggan Finland.
  • Haddii aad haysato sharciga ku-meel-gaarka ah (sharciga B), kaaso o shaqeynaya, waxaad heli kartaa deegaan haddii aad muujin karto in ujeedadaadu tahay in aad si rasmi ah ugu noolaato dalka Finland.

Degenaanshaha rasmiga ah waxaad ku muujin kartaa tusaale ahaan qaababka soo socda:

  • in aad goob shaqo ku haysato Finland iyo in heshiiskaada uu yahay mid ugu yaraan shaqeynaya labo sano.
  • in aad wax ka baraneyso Finland iyo in waxbarashadaadu qaadaneyso ugu yaraan labo sano.
  • in aad tahay asal ahaan muwaadin finnish ah.
  • in aad horay u deegan ugu aheyd Finland.
  • in aad degeneyd Finland ugu yaraan muddo sanad xiriir ah.

Degmadaada caadi ahaan waa degmada aad degan tahay. Haddii aadan guri ku laheyn ama aad guryo ku leedahay agagaarka degmada, degmadaadu waa degmada aad adigu shaqsiyan doorbideyso taas oo aad ku leedahay xiriir joogto ah tusaale ahaan xiriir qoys ama mid shaqo.

linkkiMaistraatti:
Macluumaadka lagala xiriiri karo xafiiyada diiwaangelinta ama dad-dhigidaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiFinlex:
Sharciga degmo-gurigaFinnish | Iswidish