Nolosha Finland

Opiskelemaan Suomeen

Waxbarasho u imaanshada Finland

Boggan adiga ayaa laguugu talaglay haddii aad tahay muwaadinka wadan kale oo xubin ka aheyn Midowga Yurub, Norway, Iceland, Switzerland ama Liechtestein.

Haddii aad Finland u timid waxbarasho waqti ka badan 90 maalmood waxaad u baahan tahay sharciga deganaashaha ee ardayga. Finland waxaad sharciga deganaanshaha la’aantiis wax ku baran kartaa 90 maalmood wixi ka yar.

Haddii aad Finland u soo guureyso si aad wax uga barato waa in aad wax ka qabataa tallaabooyinkan soo socda:

Codso boos waxbarasho

Ka hor inta aadan codsan sharciga deganaashaha waa in aad Finland ka heshaa boos waxbarasho. Machadyada waxbarasho ee la aqbalo waa machadyada waxbarasho ee dugsiga hoose-dhexe ka dambeeya, kuwaas oo ah tusaale ahaan jaamcadaha, dugsiyada tacliinta sare iyo machadyo xirfadeedyada.

Booska waxbarashadu waa in uu ka soo baxaa shuruudaha soo socda midkood:

  • waxbarashadaadu waa mid ku gaarsiineysa xirfad ama shahaado
  • waxaad ka qeybqaadaneysaa barnaamij arday kala beddelasho oo u dhexeeyo machadyo ama wax kale
  • waxaad baraneysaa waxbarasho dhameystir ah oo shahaadadaada la xiriirta ama waxbarasho takhasus ah

Booska waxbarashada waxaad codsan kartaa marka lagu jiro codsiga wadajirka dugsiyada ee guga ama deyrta. Codsiga wadajirka (yhteishaku) ah ee waxbarashooyinka kale qaarkood wuxuu dhacaa Janaayo. Waqti hore sii ogow waqtiga aad booska waxbarashada codsan karto. Ka buuxi codsiga adeegga Opintopolku.fi.

Bogagga InfoFinlandi ee Dalbashada waxbarashada waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan waqtiga aad Finland ka codsan karto boos waxbarasho.

Ceymis caafimaad buuxa ka soo iibso wadankaada

Maadaama aad arday tahay haddii aad ku jirrato Finland adiga ayaa kharashka daryeelka iska bixinaya. Waxaad sharciga deganaanshaha ugu baahan tahay ceymis gaar ah oo daboola kharashka jirrada iyo daawada. Ceymiska waxaad ka iibsan kartaa shirkad ceymis oo dalkaada ku taal ama waxaad shirkadaha ceymiska ee caalamiga ah soo weydiin kartaa ceymiska kugu habboon.

Dhammaan ceymsiyadu waa in ay buuxiyaan shuruudaha soo socda:

  • Ceymiskaada waa in aysan ku jirin wax ka badan 300 oo Yuuro oo ah qeybta adiga kugu soo aadeysa
  • Ceymisku waa in uu shaqeynayo inta aad Finland joogto oo dhan
  • Ceymiskaadu waa in uu shaqeynayo marka aad Finland imaaneyso
  • Ceymisku waa in uusan aheyn ceymiska safarka ee caadiga ah
  • Ha joojinin ceymiskaada. Adiga ayaa bixin doona kharashka dhakhtarka iyo isbitaalka haddii aad jirrato.

Baaxadda kharashka daryeelka ee ay tahay in uu ceymisku bixiyo waxey ku xiran tahay inta ay waxbarashadaadu soconeyso. Tusaale ahaan, haddii waxbarashadaada Finland ay qaadaneyso wax ka yar labo sano, ceymisku waa in uu ugu yaraan daboolaa kharashka daryeelka jirrada illaa iyo 100,000 oo Yuuro.

Haddii aad heysato kaarka daryeelka jirrada ee Yurub (European Health Insurance Card, EHIC), uma baahnid ceymis gooni ah. Kaarka daryeelka jirradu waa in uu shaqeynayo mudada aad Finland joogto oo dhan.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Ceymiska ardaygaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Diyaarso lacag nolosha kuugu filan

Waa in aad adigu noloshaada Finland ka mas’uul ahaataa. Waxaad u baahan tahay bil kasta ugu yaraan 560 yuuro, si aad u bixiso kharashka deegaankaada, cuntadaada ama kharashkaada kale. Waa in aad heysataa haddii aad joogeyso sanad 6720 Yuuro.

Shardiga lacagta nolosha ku xiran waa laga gudbi karaa. Tusaale ahaan, haddii machadku uu adiga kuu qabanqaabiyo guri lacag la’aan ah iyo cunto lacag la’aan ah, markaas waxaad u baahan tahay lacag aad isticmaasho oo ka yar tii hore.

Haddii waxbarashadaadu ay tahay lacag waa in aad ka taxadirtaa in aad heysato lacag ku filan nolosha marka aad lacagta sanad-dugsiyeedka bixiso ka dib.

Waa in aad akoonkaada bangiga ku heysataa lacagta lagaa rabo ama aad heysataa caddeynta caawimaadda lacageed ee ay ku siisay hay’ad rasmi ah. Kuwaan waa tusaale ahaan deeq waxbarasho oo ay bixiyaan dowlad, machadyo ama ururo. Ballanqaadyo kafaaloqaad ama bayaan xisaabeed bangi oo shakhsi ah sida qaraabo, dad aad istaqaan ama shaqo-bixiye lama aqbalayo.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Shardiga lacagta nolosha ee ardayga ku xiranFinnish | Iswidish | Ingiriis

Codso sharciga deganaanshaha ardayga

Waa inaad soo codsataa sharciga ugu horeeya intaadan imaan Finland.

Codeysiga waad ka sameysan kartaa internetka adigoo isticmaalaya bogga adeegga internetka ee Enter Finland. Markii aad sameysid codsiga waa inaad u tagtaa safaarada Finland ee kuugu dhow, si aad u caddeyso ama aad u geyso aqoonsigaaga iyo codsiga warqaaha asli ahaantooda. Waa inaad safaarada ku tagto sadex bilood gudohoon laga bilaabo taariikhdii aad codsiga internetka ka xaraysay. Xal ka gaarista sharcigaaga waxaa la bilaabayaa kadib, markaad u tagto safaarada. Caadi ahaan waa inaad safaarada waqti horay uga sii qabsato.

Xusuusnow inaad si joogto ah fiiriso akoonkaaga Enter Finland. Haddii codsigaaga xal ka gaaristiisa awgeed lagaaga baahdo faah faahin dheeraad ah, akhbaarta waxaa laguugu soo dirayaa akoonkaaga.

Haddii aadan awoodin ama aadan aqoon u lahayn inaad codsiga internetka ka buuxiso, waxaad sidoo kale foomka codsiga iyo lifaaqyadiisaba keeni kartaa safaarada Finland ee kuugu dhaw. Haddaad codsiga ku dalbaneyso foomka la buuxinayo, Foomka codsiga waxaad ka soo daabacan kartaa bogga shabakada Xaafiiska dal u soo guurista.

Ka baaraandegista codsiga ogolaanshiyuhu waa lacag. Lacagta waa in la bixiyaa marka aad keeneyso codsigaaga.

Dukumentiyadan soo coda ayaad u baahan tahay in aad ku lifaaqdo codsiga sharciga deganaanshaha ardayga:

  • baasaboor shaqeynaya
  • sawir baasaboor (tilmaamaha sawirka waxaad ka heleysaa bogga Hay’adda socdaalka)
  • caddeynta joogitaanka (caddeynta in aad arday ka tahay machad Finland laga aqoonsan yahay)
  • caddeynta in aad heysato lacagta aad nolosha ugu baahan tahay
  • caddeynta shahaadada ceymiska ama nuqulka kaarka daryeelka jirrada ee Yurub
  • caddeynta lacagta la bixiyay ee sanad-dugsiyeedka ama deeqda waxbarasho
  • shahaadooyinki hore (haddii aadan aheyn arday shahaado ama kala beddelasho)
  • shahaadooyinka shaqo ee la heli karo (haddii aadan aheyn arday shahaado ama kala beddelasho)

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Macluumaad laxiriira ruqsada daganaanshada ee ardaydaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiEnterfinland.fi:
Dalabka internetkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiUlkoasiainministeriö:
Wakiillada Finland ee dibaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Waxaad u baahan tahay summada aqoonsiga ee Finnishka

Marka ugu horeysa ee aad codsaneyso sharciga degenaansha Finland waxaad isla foomka ku codsan kartaa summada aqoonsi ee Finnishka. Markaas macluumaadkaada shakhsiyadeed, cinwaankaada, afkaada hooyo iyo xirfaddaadaba waxaa lagu keydinayaa Nidaamka macluumaadka dadka Finland. Summada aqoonsiga waxaad u baahan tahay marka aad ka daneysaneyso shaqaalaha dowladda. Summada aqoonsiga waxaad sidoo kale ka codsan kartaa maistraatti ee degmadaada.

Faahfaahin dheeriya waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Isu diiwaangelin degene.

Ogolaanshaha sii-socda ee ardayga

Sharciga deganaanshaha ee ardayga waxaa la bixiyaa ugu badnaan halkii marba labo sanadood. Haddii ay waxbarashadaadu sii socoto laakiin waqtiga uu sharcigaadu shaqeynayo uu dhamaanayo, codso ogolaansho siisocda. Xusuusnow in aad codsato sharciga sii socda waqti hore, kahor inta uusan dhicin sharciga ogolaanshaha ee ugu horeeya.

Ogsoonow, in ay sidoo kale Maahanmuuttovirasto hubineyso in sababta aad Finland ku joogtay ay xaqiiqo ahaan aheyd waxbarasho. Haddii aad wax ka barato tusaale ahaan jaamacad, dugsiga tacliinta sare ama dugsi xirfadeedka sare waa in aad dhameysaa 45 dhibco-waxbarashadeed inta sanad-dugsiyeedka lagu jiro, si aad u buuxiso shuruudaha helitaanka ogolaanshaha sii-socda. Waa in aad codsiga sharciga sii socda ku lifaaqdaa dhambalka diiwaanka waxbarashada.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Ogolaanshaha sii-socda ee ardaygaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Marka ay waxbarashooyinku dhamaadaan

Haddii aad waxbarashadaada ku dhameysay Finland, waxaad heli kartaa shaqo raadinta darteed ogolaanshiyo joogitaan oo ku meelgaar ah. Waa inaad dalbataa sharciga inta aanu kaa dhicin sharciga dagganaanshaha ee ardaygu. Sharciga ad u dalbanayso shaqo raadin waxad heli kartaa oo kaliya muddo sanad ah.

Haddii aad shaqo hesho, horay ayaad shaqada ka bilaabi kartaa. Si kastoo ay ahaataba waxaa qasab kugu ah inaad codsato ogolaashiyaha joogitaanka cusub ee shaqada darteed kahor inta aysan kaa dhicin ogolaanshiyihii joogitaanka ee laguu siiyay shaqo raadinta awgeed.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Ogolaanshaha joogista shaqo raadin darteedFinnish | Iswidish | Ingiriis

Tababar u imaanshaha Finland

Haddii aad dibadda wax ku baraneyso aadna dooneyso inaad Finland u timaado shaqo ku tababarasho, waa inaad codsataa ogolaanshiyaha joogitaanka shaqo ku tabarasho darteed. Macluumaad dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogagga shabakadda Xafiiska dal u soo guurista.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Shaqo ku tababarashada FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

Wax ka barashada Finland

Bogga InfoFinlandi Waxbarashada waxaad ka heleysaa xog dheeri ah oo la xiriirta waxbarashada Finland.

linkkiStudy in Finland:
Macluumaad loogu talagalay ardayda ajaaniibta ahIngiriis