Nolosha Finland

Töihin Suomeen

Shaqo u imaanshaha Finland

Boggan adiga ayaa laguugu talaglay haddii aad tahay muwaadin wadan kale oo aan aheyn Midowga Yurub, Norway, Iceland, Switzerland ama Liechtenstein.

Haddaad u imaaneyso Finland shaqo, waxaad u baahan tahay sharci degenaansho. Intaan laguu ogaal sharci degenaanshana, waa inaad ka heshaa goob shaqo Finland. Markii aad hesho goobtii shaqadana, waad codsan kartaa sharciga degenaanshaha. Sharciga degenaanshahana waa inaad soo codsataa intaadan imaan Finland.

Si aad u shaqeyso waxaad u baahan tahay sharci, hadduu ahaan lahaa sharci degenaansho shaqo ama sharci aad ku shaqeysan karto. Nooca sharciguna wuxuu ku xiran yahay hadba shaqada aad qabaneyso.

Sharciga degenaanshaha shaqaalaha

Waxaad u baahan tahay sharci aad ku shaqeysato, haddii aadan ku shaqeysan karin sharci kale ama sharci la'aan. Dhammaan qabashada shaqo uma baahna sharci aad ku shaqeyso. Waxaad ka xaqiijisan kartaa bogga shabakada Hogaanka socdaalka nuuca shatiga shaqo eed u baahan tahay.

Shatiga shaqada waxaa u baahan tusaale:

  • Cunto kariyaha
  • nadiifiyaha
  • Shaqada guriga iyo daryeelka ilmaha

Hogaanka socdaalka ayaa gaaraya go'aanka iney kuu ogolaanayaan sharci. Sharciguna waxaa loo baahan yahay sidoo kale qeyb ogolaansho xafiiska shaqada iyo shaqaaleynta.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Ogolaanshaha joogitaanka shaqaalahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Sharciyada kale ee degenaanshaha ee shaqo mushaari ah loogu talagalay

Shaqooinka qaar waxaa jira aan loo baahneyn sharci degenaansho, laakiin waxaad u baahan tahay sharci, kaasoo laguugu ogolaanayo qabasho shaqooyin qaarkood. Shaqooyinkaasna waxay yihiin tusaale:

  • shaqada taliyaha shirkada
  • shaqada khabiirka
  • hawlaha cilmibaarista
  • hawlaha la xiriira cilmiga sayniska, dhaqan iyo suugaanta
  • Tababar shaqo

Hogaanka socdaalka ayaa kaa gaaraya go'aanka sharciga. Ogolaansho kale loogama baahna xafiiska shaqada iyo shaqaaleynta.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Ka shaqaynta Finland dhexdeedaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Sharciga degenaanshaha ee shaqaale xilliyeedka

Haddii aad Finland u imaaneyso in aad sameyso shaqo xilliyeed, waxaad u baahantahay ruqsadda shaqo xilliyeedka. Mudada ay qaadaneyso shaqo xilliyeedku waxey noqon kartaa ugu badnaan 9 bilood. Shaqooyin xilliyeedku waa tusaale ahaan:

  • beerashada dhirta
  • shaqooyinka daryeelka kaymaha
  • shaqooyinka festifaalka

Haddii aad shaqo darteed uga imaaneyso waddan ay fiisadu waajib ku tahay wax kayar saddex bilood, waa inaad safaraadda Finland ka codsataa fiisada shaqo xilliyeedka. Haddii ay shaqadaadu qaadaneyso wax ka badan saddex bilood, ka codso Hay’adda socdaalka sharciga degenaanshaha ee shaqo xilliyeedka.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Ruqsadda shaqaale xilliyeedkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Ku shaqeynta sharciyada kale

Haddaad heysto Finland sharci siyaabo kale lagugu siiyey, sida sharciga middeynta qoyska, waxaad heystaa suurogal sharci aad kaga shaqeysan karto Finland. Markaa uma baahnid ogolaansho kale si aad ugu shaqeysato. Waxaanad ka xaqiijisan kartaa kaarka sharciga ama go'aanka sharciga, in aad ka shaqeysan karto Finland.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Xaq u lahaashiyaha shaqadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Haddii aad Finland shahahaado ka qaaday

Haddaad Finland shahaado tacliin sare ka qaadatey waxaad ka heli kartaa sharci ku meelgaar ah si aad ugu raadsato shaqo. Sharcigana waxaa loo ogolaan karaa oo keliya in laguu sii kordhiyo waqtiga sharcigii waxbarashada. Dalbo inta uusan kaa dhamaan sharciga ardeynimada. Waxaa laguu ogolaan karaa ugu badnaan sharci sanad ah. Sharcigana waxaad heli kartaa mar keliya.

Haddaad hesho shaqo, horey waad ka bilaabi kartaa shaqadii. Waana inaad codsataa sharci degenaansho shaqada awgeed inteysan kaa dhicin tii laguugu cusbooneysiiyey ee raadsashada shaqada aheyd.

Haddaad Finland shahaado tacliin sare ka qaadatey, golaansho kale oo gaara ugama baahnid xafiiska shaqada iyo shaqaalaha

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Ogolaanshaha joogista shaqo raadin darteedFinnish | Iswidish | Ingiriis

Codsiga sharciga degenaanshaha

Waa inaad soo codsataa sharciga ugu horeeya intaadan imaan Finland.

Codeysiga waad ka sameysan kartaa internetka adigoo isticmaalaya bogga adeegga internetka ee Enter Finland. Markii aad sameysid codsiga waa inaad u tagtaa safaarada Finland ee kuugu dhow, si aad u caddeyso ama aad u geyso aqoonsigaaga iyo codsiga warqaaha asli ahaantooda. Waa inaad safaarda ku tagto sadex bilood gudohoon laga bilaabo taariikhdii aad codsiga internetka ka xaraysay. Xal ka gaarista sharcigaaga waxaa la bilaabayaa kadib, markaad u tagto safaarada ama barta adeegga. Caadi ahaan waa inaad safaarada ama barta adeegga waqti horay uga sii qabsato.

Xusuusnow inaad si joogto ah fiiriso akoonkaaga Enter Finland. Haddii codsigaaga xal ka gaaristiisa awgeed lagaaga baahdo faaf faahin dheeraad ah, akhbaarta waxaa laguugu soo dirayaa akoonkaaga.

Haddii aadan awoodin ama aadan aqoon u lahayn inaad codsiga internetka ka buuxiso, waxaad sidoo kale foomka codsiga iyo lifaaqyadiisaba keeni kartaa safaarada Finland ee kuugu dhaw. Haddaad codsiga ku dalbaneyso foomka la buuxinayo, Foomka codsiga waxaad ka soo daabacan kartaa bogga shabakada Xafiiska dal u soo guurista.

Xal ka gaarista sharcigu waa lacag. Lacagtana waa inaad bixisaa markaas, aad keeneyso codsigaaga.

Lifaaq ahaan waxaa codsiga ogolaansha joogitaanka qofka shaqaalaha loogu baahan yahay foomka TEM054, kaas oo uu shaqo-bixiyuhu buuxinayo kaddibna saxiixayo. Shaqo-bixiyuhu wuxuu macluumaadka shaqada iyo shirkaddiisa ku soo diri karaa islamarkaasna uu kala socon karaa sida uu codsigu u socdo adeegga-Enter Finland. Shaqo-bixiyuhu wuxuu sidoo kale ka bixin karaa shaqaalaha lacagta ka baaraandegista codsiga. Weydii shaqo-bixiyahaada in uu isticmaalo adeegga- Enter Finland ee shaqo-bixiyaha.

Ogsoonow, in si kastoo ay ahaataba uusan shaqo-bixiyuhu kuu codsan karin adiga ogolaanshaha deganaashaha, ee wuxuu adeegga- Enter Finland ka buuxinayaa codsigaada qeybta isaga ka quseysa.

Inta codsigaaga ugu horeeya ee dagenaanshada goaankiisa aan la gaarin ee wali gacanta lagu hayo, wax shaqo ah inaad qabo xaq uma lihid. Hadii aad dibada ka soo codsatid sharciga dagenaanshada, ma imaan kartid Finland ilaa sharciga laguu ogolaado.

linkkiEnterfinland.fi:
Dalabka internetkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Waqtiyda wax ka qabashada codsiyada duqsooyinkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Codsiga sharciga degenaanshaha ee khabiirka gaarka ah

Haddii aad Finland u imaaneysid hawolo khabiir gaar ahaaneed, waxaad Finland sidoo kale imaan kartaa sharci degenaansho la'aantiis. Si kastaba ha ahaatee waa inaad haysato fiiso ama aad xaq u leedahay inaad Finland degenaato fiiso la'aan mudo sadex bilood ah. Sidoo kale waa inaad haysato goob shaqo oo buuxineysa shuruudaha lagaaga baahanyahay. Waa inaad sameyso codsiga degenaanshaha, haddii aad Finland ka shaqayneysid muddo sadex bilood ka badan. Codeysiga waad ka sameysan kartaa internetka adigoo isticmaalaya bogga adeegga internetka ee Enter Finland ama barta adeegga ee Xafiiska dal u soo guurista.

Summada aqoonsiga finnishka

Markaad ka codsaneyso sharciga degenaanshaha ugu horeeyo Finland, waxaad ka codsan kartaa in laguugu diiwan geliyo Finland waxaada diiwaangelinta. Markaa ayaa lagu siinayaa summada aqoonsiga finnishka, markii aad hesho sharci degenaansho ah. Faahfaahin dheeriya ah oo summada aqoonsiga finnishka waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Is diiwaangelinta dagane ahaan.

Shaqeynta sharciga degenaashaha la’aantiis

Wadan walbood u dhalateyba, waad ka shaqeyn kartaa shaqooyin qaas ah Finland sharci la'aan. Laakiin waa inaad wadataa fiiso, haddaad markaa fiiso u baahantahay joogista Finland. Waad ka shaqeyn kartaa Finland sharci la'aan tusaale:

  • Aad ku imaaneyso Finland casuumaad ama heshiis turjubaanimo, macalinimo, khabiirnimo ama garsoore ciyaar ugu badnaan muddo saddex bilood ah.
  • Waxaad shaqaale joogto ah ka tahay shirkad ka shaqeysa dowlad kale oo ka tirsan Midowga Yurub/ETA waxaadna Finland u imaaneysaa in ka qabo shaqo qandaraas ama qandaraas hoosaad ah shaqadaaduna waxey qaadaneysaa wax ka badan saddex bilood.
  • Aad ku timid Finland qaxootinimada xadkana aad soo gashey adigoon wadan aqoonsi dal kugelis. Waxaad wadanka ka shaqeysan kartaa sharci la'aan markii ay ka soo wareegto maalintii aad codsatey magangelyada muddo lix bilood.
  • Aad ku timid Finland qaxootinimada xadkana aad soo gashey adigoo wata aqoonsi dal kugelis. Waxaad wadanka ka shaqeysan kartaa sharci la'aan markii aad joogto wadanka muddo saddex bilood.

Ka xaqiiqso bogga shabakada Hogaanka socdaalka, inaad ka shaqeyn karto Finland sharci la'aan.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Shaqo qabasho, ayadoon la haysan ruqsada daganaanshadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Shaqaalanimo ku jooga Finland

Macluumaad dheeriya oo la xiriira habka looga helo shaqo Finland waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Halkee laga heli karaa shaqo?. Bogga InfoFinlandi Shaqo iyo ganacsi waxaad ka heleysaa xog dheeri ah oo la xiriirta ganacsiga iyo shaqada.

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
U soo shaqotagida FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Buugyare wax kasheegaya u soo shaqataga dalka Finland(pdf, 5,51 MB)Finnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Boolish

linkkiTyöterveyslaitos:
Rugta caafimaadka shaqaalahaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Soomaali | Shiino | Carabi | Kurdish | Jarmal | Tayland | Fietnaam

linkkiHelsingin kaupunki:
Welcome GuideIngiriis