Nolosha Finland

Suomeen yrittäjäksi

Ku imaanshaha Finland ganacsade ahaan

Finland waxaa ganacsi ka sameysan kara qof kasta oo deegaan rasmi ah ku leh wadan ka tirsan Soonaha Dhaqaalaha ee Yurub (ETA). U baahnaanshaha ruqsaddu kuma xirna jinsiyadaada ee wuxuu ku xiran yahay meesha uu deegaankaadu ku yaal.

Haddii aad tahay muwaadin u dhashay wadan Midowga Yurub ah, Wadan ETA ah, wadan, Waqooyiga Yurub ku yaal ama Switzerland aadna dooneyso in aad Finland u soo guurto si aad shirkad u sameysato, uma baahnid sharciga degenaanshaha.

Faahfaahin dheeraad ah ka sii aqri bogga InfoFinlandi Muwaadiniinta Midowga Yurub.

Haddii aadan deganeyn soonaha ETA islamarkaasna aad tahay muwaadin wadanka kale oo aan aheyn wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub, ETA ama Switzerland waxaad u baahan tahay sharciga degenaanshaha si aad Finland ganacsade ahaan uga shaqeyso.

Waxqabadka ganacsigaadu waa inuu noqdaa mid faa’iido leh dakhliga kaa soo gala ganacsigaadanu waa in uu daboolaa noloshaada. Ka hor inta aadan Finland imaanin waa in aad codsataa sharciga degenaanshaha ee ugu horeeya.

Shargiga degenaanshaha ganacsadaha

Haddii aad dooneyso in aad Finland uga shaqeyso ganacsade ahaan, waxaad u baahan tahay sharciga degenaanshaha ganacsadaha.

Ganacsade waxaa loo arkaa:

  • ganacsadaha Startup
  • ganacsade gaar ah, kan loo yaqaan magac ganacsi
  • saamilaha shirkad saami ee furan
  • ganacsade mas’uul ka ah shirkad xadidan
  • qof iskaashato xubin ka ah oo ay saaran tahay waajibka bixinta lacag dheeraadka ah oo aan xad laheyn
  • saamile xil hoggaamineed ka haya shirkad saamiyeed (agaasime ama xubin maamul) ama qof urur shirkadeed ka haaya xil hoggaamineed

Si aad u hesho sharciga degenaanshaha ganacsadaha waa in aad adigu ka shaqeysaa shirkaddaada Finland ku taal.

Haddii aadan deegaan rasmi ah ku laheyn Finland ama soonaha ETA waa in aad diiwaanka ganacsiga ee maamulka rajistareeshinka iyo batantaha ka diiwaangelisaa ganacsigaada ka hor inta aadan codsan sharciga degenaanshaha ganacsadaha.

Haddii aad si rasmi ah ugu soo guureyso Finland ama soonaha ETA, uma baahnid ruqsadda maamulka rajistareeshinka iyo batantaha si aad u aasaasto shirkaddaada. Yacni ruqsaddu kuma xirna jinsiyadaada ee waxey ku xiran tahay meesha aad sida rasmiga ah u deggan tahay.

Ka baaraandegista codsiga sharciga degenaanshuhu waa labo marxaladood. Marka kowaad Xarunta ELY (Xarunta deegaanka, gaadiidka iyo shaqooyinka) ayaa qiimeyneysa faa’iidada shirkaddaada iyadoo qiimeynta ku saleynaysa qorshaha ganacsi iyo maalgelinta. Markaas kaddib ayeey Hay’adda socdaalku go’aan ka gaareysaa sharciga degenaanshaha.

Bogagga Hay’adda socdaalka ayaad ka heleysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan shuruudaha codsashada sharciga degenaanshaha ganacsadaha.

linkkiPatentti- ja rekisterihallitus:
Ruqsooyinka ganacsatada ku nool meelaha ka baxsan wadamada aagga dhaqaalaha ee reer Yurub Finnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Sharciga degenaansha ganacsadahaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Sharciga degenaanshaha Startup

Haddii aad dooneyso in aad Finland ka aasaasto shirkad Startup ah, waxaad codsan kartaa sharciga degenaanshaha Startup ee loogu talagalay ganacsatada koritaanka. Si aad u hesho sharciga degennaanshaha ee startup waa in aad heysataa qorshe ganacsi ee la taaban karo.

Codsashada sharciga degenaanshaha Starup wuxuu maraa labo marxaladood:

  1. Waxaad u baahan tahay bayaanka taageerada ee Business Finland ee u shaqeynta ganacsade koraaya oo kale;
  2. Codso sharciga degenaanshaha ee Startup kaddibna tag si aad isu caddeyso safaaradda Finland ama goobta adeegga ee Hay’adda socdaalka.

Hannaanku waa mid aad degdeg ah oo si fiican u socda. Marka hore waa in xarunta Hindisaha cusub ee Business Finland ka heshaa bayaan ogolaansho ah. Business Finland oo caawisa shirkadaha waxey qiimeynaysaa tusaalaha ganacsiga ee shirkaddaada, aqoonta iyo awoodda aad ku kordhin karto ganacsigaada. Macluumaadka qorshaha ganacsigaada iyo dukumentiyada loo baahannyahay waxaad qaab elekterikaal ah ugu diri kartaa Business Finland.

Marka aad Business Finland ka hesho bayaan ogolaansho ah, waxaad Hay’adda socdaalka ka codsan kartaa sharciga degenaanshaha ee Startup. Bayaanka Business Finland wuxuu shaqeynayaa labo bilood. U gee Hay’adda socdaalka isagoo ku lifaaqan codsiga sharciga degenaanshaha ee Startup.

Kama heli kartid Finland sharciga degenaanshaha Startup haddii aadan bayaan ogolaansho ah ka heysan Business Finland.

Bogagga Hay’adda socdaalka iyo Business Finland waxaad ka heleysaa tilmaamo iyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan codsashada sharciga degenaanshaha ganacsadaha koraya.

linkkiBusiness Finland:
Sharciga degenaanshaha Startup Ingiriis

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Sharciga degenaanshaha Startup Finnish | Iswidish | Ingiriis

Codsashada sharciga degenaanshaha

Sharciga degenaanshaha ganacsadaha ama sharciga degenaanshaha Startup waxaad ku dalban kartaa adeegga shabakadda Enter Finland. Marka aad codsiga sameyso waa in aad tagtaa safaaradda Finland ee kuugu dhow si aad u caddeyso aqoonsigaada islamarkaasna aad u soo bandhigto asalka lifaaqyada codsiga. Waa in aad safaaradda tagtaa saddex bilood gudohood laga soo billaabo marka aad codsiga ka sameysay shabakadda. Codsiga waxaa laga baaraandegayaa marka aad saafaradda tagto kaddib. Sida caadiga ahi waa, in safaaradda ballan horay looga soo qabsado.

Xusuusnow in aad joogto u fiiriso akoonkaada Enter Finland. Haddii codsigaada looga baahdo caddeymo dheeraad ah waxaa laguugu soo sheegayaa akoonkaada.

Haddii aadan awoodin ama aadan aqoon sida codsiga looga sameysto shabakadda, waxaad foomka codsiga ee warqadda ah iyo lifaaqyadiisa geyn kartaa safaaradda Finland ee kuugu dhow. Bogagga shabakadda ee Hay’adda socdaalka ayaad ka daabacan kartaa foomka codsiga.

Ka baaraandegista ruqsaddu waa lacag. Waa in aad lacagta bixisaa marka aad xareyneyso codsiga ruqsadda.

Ka aqri warbixin ku saabsan sameysashada shirkad bogga InfoFinlandi Sameynta shirkad ganacsi.

linkkiEnterfinland.fi:
Dalabka internetkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

Summada aqoonsiga finnishka

Markaad ka codsaneyso sharciga degenaanshaha ugu horeeyo Finland, waxaad ka codsan kartaa in laguugu diiwan geliyo Finland waxaada diiwaangelinta. Markaa ayaa lagu siinayaa summada aqoonsiga finnishka, markii aad hesho sharci degenaansho ah. Faahfaahin dheeriya ah oo summada aqoonsiga finnishka waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Isu diiwaangelin degene.

Ganacsinimada Finland

Bogga InfoFinlandi Shaqo iyo ganacsi waxaad ka heleysaa xog dheeri ah oo la xiriirta ganacsiga iyo shaqada.

linkkiNewCo Helsinki:
Hagaha aasaasida shirkadaha cusubFinnish | Ingiriis | Shiino