Bogan waxaad ka heleysaa xog qaxootiga lasoo qaato. Xog la xiriirta codsshada magangelyada bogga InfoFinlandi Ku imaanshaha Finland magangalyodoonimo.
Qaxootiga lasoo qaado
Qaxootiga lasoo qaado maa aha mid laga codsan karo masuuliyinta dowlada. Sidoo kalena ma aha mid aad usoo jeedin karto dowlada iney soo qaadaan sida qaraabadaada iyo saaxiibadaada oo kale una soo qaataan qaxootinimo.
Finland waxay qaxooti ahaan u soo qaadaa dadka ku jira hay’ada qaxootinimada Qaramada Midoobey UNCHR ay u aragtey inuu yahay qaxooti. Finland waxay kasoo dhex doorataa qaxootiyadaas, taasooy ay soo jeediyeen UNCHR ama usoo bandhigeen dowlada Finland. Masuuliyiinta finnishka ayaa wareysanaya qaxootigaas. Wareysigaas ayaana lagu go’aaminayaa cidey markaas soo qaadaneyso. Wareysigana waxaa lagu qadaa xeryaha qaxootiga ee uu markaas qaxootigu joogo ama goobaha UNCHR ka.
linkkiMaahanmuuttovirasto:
Macluumaadka xulashada xaqootiga rasmiga ahFinnish | Iswidish | Ingiriis
Usoo guuritaanka Finland
Waxaad xog badan oo la xiriirta qaxootiga la keeno iyo nolosha Finland ka heleysaa bogga movingtofinland.fi
linkkiMovingtofinland.fi:
Xog qaxootigaFinnish | Ingiriis | Faraansiis | Bershan | Carabi | Kurdish
Kaalmada qaxootiga
Laanqeyrta case e Finland (SPR) ayaa caawisa markii qaxootiga loosoo qaato Finland. Markii qaxootigu yimaado Finland shaqaalaha laanqeyrta cas ayaa uga hortaga garoonka diyaarada oo ku qaabila halkaas. Shaqaalaha iskaa wax uqabso ee laanqeyrta cas ayaa ka caawiya qaxootiga sidey ula qabsan lahaayeen uguna naggaan lahaayeen Finland.
Qaxootiga waxay kaalmo iyo caawimoba weydiisan karaan su’aalaha la xiriira dastuurka Pakolaisneuvonta ry ama xafiiska qareemada dadweynaha.
Finland Pakaloisneuvonta ry waa hay’ad, taasoo hormarisa xaquuqaha aasaasiga ee qaxootiga. Hay’adaas waxay Finland ka qabataa wargelin, cashiro iyo howlaha arrimaha bulshadda. Pakalaisapu waxay ka caawisaa qaxootiga iyo ajaaniibta tusaale ahaan u fududeynta la qabsiga wadanka, degenaansha iyo qorsheynta aasaasitaanka urrurada wixii la xiriira.
linkkiPakolaisneuvonta ry:
Cawinaad xagga sharciga ah ee la siiyo qaxootigaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiSuomen pakolaisapu ry:
Cawinaada qaxootigaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiSuomen punainen risti:
Kaalmo qaxootiga Finnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiHelsingin Diakonissalaitos:
Xarunta baxnaaninta dadka la soo jir dilayFinnish | Ingiriis
Qaxootinimo Finland
Bogga InfoFinlandi Qaxooti waxaad ka heleysaa xog dheeri ah oo loogu talogaley qaxootiga.