Pysyvä oleskelulupa

Sharciga joogtada ah

Finland waxaad ka heli kartaa sharciga joogtada ah, haddii aad wadanka deganayd wakhti dheer. Sharciga joogtada ah waxaad codsan kartaa oo kaliya, haddii aad Finlad joogto.

Waxad heli kartaa sharci joogto ah (pysyvä oleskelulupa) (P), haddii

  • Ad daggantahay Finland ugu yaraan afar sano adiga oo ku dagan sharciga A iyo
  • haddii anad mudadaas anad daganayn wadan kale oo dibadda ah labo sano mudo ka dheer iyo
  • haddii sababihii ad ku heshay sharciyadii hore ay wai jiraan

Haddii ad haysatay sharciga A markii ad imanaysay Finland, mudada afarta sano waxa lagaaga soo tirinayaa maalintii ad timiday Finland. Haddii ad Finland ku qaadatay sharciga A muddadaas afarta sano waxa lagaaga soo xisaabinayaa maalintii sharciga A laguu oggolaaday. Haddii ad Finland ka heshay magangaliyo caalami ah muddada afarta sano waxa lagaaga soo bilaabayaa maalintii ad Finland soo gashay.

Sharciga joogtada ah waa laguu diidi karaa haddii:

  • ad gashay fal dambi ah oo ciqaab xabsi ah lagu heli karo
  • haddii lagaaga shikisanyahay fal dambi ah oo lagu heli karo ciqaab xabsi ah
  • haddii ad gashay labo fal oo dambi ah ama ka badan
  • haddii lagaaga shikisanyahay labo fal oo dambi ah ama ka badan

Sharciga joogtada ah waxa uu shaqaynayaa muddo anan la cayimin. Sharciga waa lagaala noqon karaa haddii ad si joogto ah uga guurto Finland ama ad wadan dibadda ah labo sano oo isdaba jog ah muddo ka dheer joogto ama ad warbixin beena bixisay wakhtigii sharciga lagu siinayay.

Qof muddo dheer joogay waddanka oo haysta dhalasho wadan saddexaad sida uu u helayo sharciga EU- da

Qofka haysta dhalasho waddan saddexaad waa qof anan ahayn muwaadin Wadamada waqooyiga, Wadamada midowga Yurub, Liechtenstein ama Swizerland.

Waxad heli kartaa sharciga EU-da (midowga Yurub) (P-EU) ee qofka haysta dhalashada waddan saddexaad, haddii:

  • haddii ad dagantahay Finland ugu yaraan shan sano adiga oo haysta sharciga A
  • anadna muddadaas dagganayn wadan dibada ah muddo 10 bilood ka badan iyo
  • haddii sababihii ad ku heshay sharcigii hore ay wali jiraan

P-EU sharciga la yidhaahdo waxa loo dalbadaa qaabka loo dalbado sharciga joogtada ah.

P-EU sharciga la yidhaahdo waa mid shaqaynaya muddo anan cayimnayn.

P-EU sharciga la yidhaahdo waxa lagu diidi karaa sababo lamid ah kuwa lagu diidi karo sharciga joogtada ah.

Sidan ayaad u codsanaysaa sharciga joogtada ah

Ku codso sharciga joogtada ah adeegga Enter Finland:

  1. Gal adeegga. Caddee aqoonsigaadga adigoo isticmaalaya aqoonsiga bangiga shabakadda, xaqiijinta muwaadinta ama xaqiijinta moobaylka.
  2. Buuxi foomka codsiga kuna dar lifaaqyada loo baahan yahay. Macluumaadka ku saabsan lifaaqyada loo baahan yahay waxay ku jiraa bogga shabakadda Hay’adda socdaalka. Bixi lacagta ka baaraandegista codsiga.
  3. Tag goobta adeegga ee Hay’adda socdaalka saddex bilood gudohood. Horay wakhti uga sii qabso adeegga qabsashada ballanta ee laga helo bogagga shabakadda Hay’adda socdaalka.
  4. Si joogto ah u hubi akoonkaaga Enter Finland. Akoonkaaga ayaa laguugu soo sheegayaa, haddii codsigaada looga baahan yahay faahfaahin dheeraad ah. Waxaa kale oo akoonkaada laguugu soo sheegayaa wargelinta go’aanka.

Haddii aadan awoodin ama aadan aqoonin in aad sharciga joogtada ah ku codsato shabakadda:

  1. Ku codso codsiga warqadda ah sharciga joogtada ah.
  2. Bogagga shabakadda Hay’adda socdaalka ka daabaco codsiga ku habboon kaddibna u buuxi si taxaddar leh. Lama aqbalayo codsi si qaldan loo buuxiyay.
  3. Horay wakhti uga sii qabso goobta adeegga adigoo sii maraya adeegga qabsashada ballanta ee laga helo bogagga shabakadda Hay’adda socdaalka.
  4. Marka aad aadeyso goobta adeegga horay u sii qaado codsiga aad buuxisay, lifaaqyada, iyo nuqulka lifaaqyada, baasaboor iyo sawir baasaboor.
  5. Marka aad codsiga dhiganayso, waa in aad bixisaa lacagta baaraandegista codsiga.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Ogolaanshaha joogista joogtada ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Warqada dalabkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Barta adeegga ee hay'adda dadka waddanka u soo guureyFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Waqti qabsashada xagga internetka ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

Korona fayras COVID-19

Sida caadiga ah waa in aad aqoonsigaada caddaysaa saddex bilood gudohood oo ka billaabanaysa marka aad codsiga samaysay. Xaaladda fayraska Koronaha dartiis ayaa waxaa la dheereeyay wakhtiga is caddaynta oo laga dhigay illaa iyo 31.12.2021.

Tilmaan-bixinnada rasmiga ah ee ku saabsan codsashada ogolaanshaha sharciga joogitaanka iyo ka danaysashada goobta adeegga inta lagu jiro safmarka fayraska Korona waxaad ka heleysaa bogagga shabakadda Hay’adda socdaalka.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Tilmaamaha Hay’adda socdaalka ee xaaladda Korona Finnish | Iswidish | Ingiriis

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan saameynta fayruska Korona ku yeeshay sharciga deganaanshaha ka aqri bogga InfoFinland Fayruska Korona iyo u soo guuridda Finland.