Nolosha Finland

Lyhyt oleskelu Suomessa

Joogis yar Finland

Finlad waxay ka tirsan tahay wadamada Aagga Schengen. Wadamada ka tirsan aagga Schengen waxay leeyihiin shuruudo isku mid ah oo ah xagga codsiga fiisooyinka, dadka doonaya inay Finland safar gaaban ku yimaadaan, tusaale ahaan safarka fasaxa, safar ganacsi ama u soo booqdaan saaxiibo ama qaraabo, waxay u baahan yihiin fiiso, haddii aysan ahayn muwaadiniin u dhashay wadamada aan fiisada looga baahnayn. Fiisadu waa ruqso dal kugal ah oo gaaban ama daganaansho ku meel gaar ah, taasoo ugu badnaan shaqaynaysa saddex bilood.

Waxaad ka hubin kartaa shabakada internetka ee wasaarada arrimaha dibada ama safaarada kuugu dhaw ee Finland, inaad fiiso ugu baahan tahay soonaha Schengen.

linkkiUlkoministeriö:
U baahnaanshada dal kugalka aagga Schengen iyo dukumingiga safarka ee dalka Finland ogolyahayFinnish | Iswidish | Ingiriis

Macluumaad loogu talagalay dadka aan dal ku galka u baahneyn

Waxaad u soo safri kartaa Finland iyo wadamada kale ee Schengen, haddii aad leedahay baasaboor aan dhacsanayn ama waraaqo kale oo safar oo Finland laga aqoonsan yahay . Waxaad ku noolaan kartaa Finland iyo wadamada kale ee Schengen ugu badnaan saddex bilood mudo lix bilood gudahooda, oo ka bilaabanaysa maalinta aad timid soonaha Schengen.

Macluumaad loogu talagalay dadka dal ku gal laga doonayo

Waa inaad mar walba haysataa fiiso, markii aad soo galaysid Finland ama wadamada kale ee Schengen. Waxaad daganaan kartaa ogolaanshiyaha joogitaanka la'aantiis Finland ama wadamada kale Schengen inta fiisadaadu ay shaqaynayso. Haddii aad haysatid fiiso ama daganaanshada wadan kale oo Schengen ka tirsan, waxaad ku safri kartaa wadamada kale oo Schengen dhexdooda, adigoon dalbanayn wax fiiso ah oo kale.

Sidan ayaad u codsaneysaa dal ku galka Schengen

Fiisada ka codso safaarada Finniska ama xarunta fiisooyinka ee kuugu dhaw. Waa inaad si sharci ahaan ah ugu u degantahy wadanka ay ku taalo saafada aad safaarada aa fiisada ka dalbanaysid. Wadama aysan safaarada Finland ku oolin waxaa laga yaabaa in wadan kale uu waliil uga yahay Finland arimaha fiisooyinka. Markaas waxaad fiisada ka codsanaysaa safaarada wadanka wakiilka u ah Finland. Bogga internetka ee wasaarada arimaha dibada ayaa laga helikaraa liiska wadamada Finland ay wakiilka uga yihiin wadamada kale xagga arimaha fiisooyinka.

Fiisada waa inaad ku dalbataa foomka codsiga fiisooyinka. Foomamka waxaa laga heli karaa shabakada internetka ee wasaarada arrimaha dibada Finland iyo safaaradaha wadamada Schengen.

Waxaa laga yaabaa inay is bedbadalaan cadadda lifaaqyada looga baahan yahay codsiga fiisada, taasina waxay ku xiran tahay hadba wadanka aad fiisada ka codsanaysid. Safaaradda ayaad ka hubin kartaa lifaaqyada looga baahan yahay foomkaaga codsiga fiisada.

Codsiga waa in la geeyaa safaaradda Finland ama xarunta viisooyinka ee markaas aad ka codsaneyso dal ku galka. Dal ku galka laguma codsan kao fakis ama emayl.

Dheereynta waqtiga dal ku galka Finland

Booliska ayaa dheerayn kara waqtiga fiisadaada ama waqtiga ay shaqaynayso fiisadu, haddii aad sababo la aqbali karo awgood wadanka Finland uga bixi wayday markii ay fiisadaadu dhacaysay. Sababaha la aqbali karo oo fiisada laguugu dheerayn karo waxaa ka mid ah tusaale ahaan:

  • xanuun khatar ah oo kadis ah, oo kaa hor istaaga safarka
  • Qof qaraabadaada ah oo Finland dagan oo si kadis ah xanuun halis ah ku dhaco ama geeriyooda
  • in la tirtiro duulimaadkii shaqo joojin ama cimilada awgeed
  • inay wadahadalo ganacsi oo muhiim ah sii socdaan waqti ka dheer waqtigii lagu talo galay

linkkiUlkoministeriö:
Macluumaad ku socoda muwaadiniinta wadanka muwaadiniintiisa looga baahanyahay ruqsada dal kugalka Finnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiUlkoministeriö:
Dalbashada ruqsada dal kugalka ee wadama ku jira heshiiska SchengenFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiUlkoministeriö:
Wadamada, wadan kale oo Schengen kamiduhu uu wakiil ugayahay FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiPoliisi:
Dheeraynta waqtiga ruqsada dal kugalka ee FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

Macluumaad Caawimada xaalada gargaarka deg-dega

Wakiilada ajnabiga ayaa caawiya muwaadiniintooda xaalad degdeg ku gala Finland. Waxay ku caawin karaa adiga tusaale ahaan haddii aad shil gasho, jirato ama aad dhibbane dembi noqoto. Wakiilka ama safaaraddu waxay ku siin kartaa baasaboor cusub haddii baasaboorka lagaa xaday ama uu kaa lumay. Haddii Finland safar ku joogto islamarkaasna aad xaalad adag gasho, la xiiir wakiilka wadankaada.

linkkiVisitFinland.com:
Siinta dalxiiseyaasha macluumaad la xiriira FinlandIswidish | Ingiriis | Ruush | Faraansiis | Isbanish | Shiino | Jarmal | Jabanees | Talyaani