Nolosha Finland

Voinko menettää oleskeluluvan?

Miyaan weyn karaa ogolaanshiyaha joogitaanka?

Ogolaanshiyahaada joogitaanka waqtiga cayiman ama joogtada ah waa lagaa ceshan karaa, haddii

  • aad Finland joogto uga guurto
  • aad dibadda si xariir ah u joogtay laba sano

Ogolaanshiyahaada joogitaanka waqtiga cayiman ama joogtada ah waa lagaa ceshan karaa xitaa, haddii

  • aad macluumaadyo been ah dhiibtay markii aad ogolaanshiyaha codsaneysay
  • aad qarisay arrin ka hortagi laheyn ogolaanshiyaha joogitaanka
  • ay dowlad kale oo Schengen ah Finland ka codsato in lagaa ceshado ogolaanshiyaha joogitaanka ee lagu siiyay

Ogolaanshiyaha joogitaanka ee waqtiga cayiman waa lala laaban karaa haddii sidoo kale sababihii lagu bixiyay aysan sii jirin.

Ogolaanshiyaha joogitaanka ee waqtiga cayiman waa la laaban kara Xafiiska dal u soo guurista.

Haddii aad dibadda u guurto

Haddii aad dooneyso in aad dibadda Finland uga guurto mudo labo sano shaqo ama waxbarasho darteed waxaad Xafiiska dal u soo guurista ka codsan kartaa in ogolaanshiyahaada joogitaanka aan lagaala laaban. Codsigu waa mid iska caadi ah laakiin waa in taariikh, saxiix iyo macluumaadkeeda shaqsiyadeed laga helaa. Sidoo kale waa inay ku cadahay mudada aad dibadda joogeyso iyo sababta aad u joogeyso. Codsigaada sidoo kale ku sababee sababta aan lagaala laabaneyn ogolaanshiyahaada joogitaanka. Waa inaad sameysaa codsiga ka hor inta aadan dibadda joogin labo sano.

Haddii shaqo bixiyahaada Finnishka ah uu dibadda kuu diro si aad uga soo shaqeyso, ma weyneysid ogolaanshiyahaada joogitaanka Finland haddii xitaa aad dibadda ka shaqeyneyso wax ka badan labo sano.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan u guurista dibadda waxay ku jiraan bogga InfoFinlandi Dibadda uga guurista Finland.

Haddii guurku ama xiriirka lamaanaha diiwaangashay uu dhamaado

Haddii ad haysato sharci muddadiisu cayimantahay oo ku salaysan qoysnimo, guur ama xidhiidh lamaane oo la diwaangaliyay, guurkaaga ama xidhiidhkaaga lammaane oo joogsadaa wuxuu saamayn karaa sharcigaaga.

Haddii qoysnimadu aynan jirin, waxa macquul ah sharciga qoysnimada lagu bixiyay in aan la sii wadin. Waxa sidoo kale macquul ah in sharciga lagaala noqdo.

Hase ahaatee sharciga waa laguu sii wadi karaa, haddii xidhiidh adag ad ku leedahay Finland. Xidhiidhada adag ee la yeelan karo waxay kala yihiin:

  • Carruur ama xubno kale oo qoyskaaga ka tirsan oo jooga Finland
  • shaqo ama shirkad ad ku leedahay Finland
  • boos waxbarasho oo ad ku haysato Finland

Haddii lammaanahaaga ad ku kala tagtaan iyada ama isaga oo ah qof kuu gacanqaada, sharcigaaga waa laguu wadi karaa xataa haddii ad kala tagtaan. Caddayn ka keen arrinkaas, tusaale ahaan caddayn dhakhtar ama warbixin ad ka keentay bayaanka rugta la-talinta qoyska.

Faahfaahin dheeraad oo ku saabsan dhamaanshiyaha guurka ama xiriirka lamaanaha ee diiwaangashan waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Guurka.

Haddii aad shaqaada weyso

Haddii aad heysato ogolaanshiyaha joogitaanka ee shaqada oo quseysa oo kali ah u shaqeynta shaqo bixiya cayiman islamarkaasna aad shaqaadi weyso waa in aad gebi ahaanba ogolaanshiyaha joogitaan shaqaalaha oo cusub aad codsataa ama sababo kale aad ku codsataa ogolaanshiyaha joogitaanka.

Haddii Xafiiska dal u soo guurista uu horay kuu siiyay ogolaanshiyaha joogitaanka shaqaalaha xiriirkaadi shaqana uu dhamaaday ka hor inta aysan dhicin ogolaanshiyahaada joogitaanka waa in adiga ama shaqo bixiyahaadu uu Xafiiska dal u soo guurista qoraal ku ogeysiiyaa in xiriirki shaqo uu dhamaaday.

Haddii ogolaanshiyaahada joogitaanka shaqaalaha uusan hal shaqo ku xadeysneyn islamarkaasna aadan hal shaqo bixiye ku koobneyn ee laguugu siiyay uun xirfad cayiman ogolaanshiyahaadina uu shaqeynayo waxaad bedelan kartaa meeshii aad ka shaqeyneysa adigoo isla xirfaddi ku dhex jira.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shaqada iyo Finland uga shaqeynta sidii shirkadle oo kale waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Shaqada iyo ganacsiga. Macluumaadka ogolaanshiyaha joogitaanka shaqaalaha iyo shirkadlaha waxaad ka heleysaa bogga Shaqo u imaanshaha Finland iyo Finland shirkadle ahaan u imaansho.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Ka laabashada ogolaanshaha joogitaankaFinnish | Iswidish | Ingiriis