Oleskelulupaongelmat
Dhibaatooyinka ogolaanshaha joogista
Talo-bixinta arrimaha la xiriira ogolaanshaha degitaanka dalka
Haddii ay dhibaato kaa heysato dhinaca ogolaanshaha ama aysan kuu kala cadeynta arrimaha ogolaanshaha degitaanka dalku, waxaad talo weydiin kartaa goobaha soo socda:
-
Hay’adda socdaalka (Maahanmuuttovirasto)
-
Safaaradaha Finland ee dibadda ku yaal
-
La-taliyayaasha ajnabiga ee jooga degmadaada
-
Rugta la-talinta qaxootiga (Pakolaisneuvonta)
Bogagga shabakadda Hay’adda socdalka waxaa ku jiraa macluumaadyo badan oo ku saabsan ogolaanshaha degitaanka dalka. Talooyinka ruqsadaha u soo guurista dalka waxaa sidoo kale lagu bixiyaa qadka telefoonka.
Safaaradaha Finland ee dibadda ku yaal waxey u adeegaan codsadayaasha ogolaanshaha degitaanka ee dibadda jooga. Suomen ulkomailla olevat edustustot palvelevat ulkomailla olevia oleskeluluvan hakijoita.
Adeegyada la-talinta dadka dalka u soo guuray ayaa laga helaa magaalooyin badan, kuwaas oo ay ka shaqeeyaan la-taliyayaal ku takhasusay arrimaha u soo guurista dalka.
Rugta la-talinta qaxootigu waxey caawinaad sharci oo ku saabsan habsami-socodka megangeylada ka siisaa dadka megangeyo-doonka ah- Waxaa intaas dheer in Rugta la-talinta qaxootigu ay siiso ajnabiga kale talo-bixin guud.
Ogsoonow in hay’adda socdaalka oo kali ah ay gaari karto go’aannada la xiriira ogolaanshaha degitaanka dalka.
linkkiMaahanmuuttovirasto:
Macluumaadka ogolaanshiyaha joogistaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiPakolaisneuvonta ry:
La-talin sharciyeedFinnish | Iswidish | Ingiriis