U gudub macluumaadka ku jira
Työ ja yrittäjyys Turussa

Shaqada iyo ganacsiga Turku

Waa la daabacay17.06.2022

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Boggan waxaa ku yaala warbixino la xidhiidha shaqooyinka iyo ganacsiga adeegyadooda Turku. Warbixino kale oo muhiim ah oo mowduucaas la xidhiidha waxaad ka heleysaa boggan Shaqada iyo ganacsiga .

Xagee shaqada laga helaa?

Waxaad ka raadsan kartaa shaqooyinka madaxa banaan internetka iyo jaraa’idka. Waxaad ka heleysaa internetka bogagga shaqooyinka, markaad ku qortid mishiinka ka raadinta khaanadeeda ”shaqooyinka banaan”. Meelo badan oo bogagga shabakada ah waxaa suurtogal ah inaad ku dhaaftid iyo raad raaca khibradaada (CV) si uu shaqo bixiyuhu u akhristo. Waxaad sidoo kale ka heli dhinaca dadka aad taqaanid, sidaas awgeed awoodda saar dadka aaad aqoonta u leedahay iyo inaad xataa sameysid shaqooyin iskaa wax u qabso ah.

Xafiiska iyo maareynta nolosha (TE:toimisto) ayaa kaa caawinaya adiga shaqo raadinta. Haddii aad tahay shaqo raadis, iska diiwaan geli inaad shaqo raadis tahay xafiiska shaqada iyo maareynta nolosha. Shaqo raadis ahaan waxaad isku diiwaangelin kartaa si elektarooni ah:

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaAdeegyada shaqada iyo maareynta nolosha

Adeegyada shaqada iyo maareynta nolosha – Ka daneysigaaga

Iska diiwaangelinta waxaad u samayn kartaa sidoo kale si shaqsi ahaan ah dhinaca magaaladda Turku barteeda shaqada ama xafiiska shaqada iyo maareynta nolosha Varsinais-Suomi.

Finland degmooyinka iyo magaalooyinka ayaa wargeliya shaqooyinka banaan dhinaca bogga kuntarekry.fi. Magaaladda Turku waxaad ka heleysaa warbixino shaqo dalbashada magaaladda ah, magaaladda fursadaheeda tababarada shaqada iyo sidoo kale meelaha kale ee shaqooyinka aqoon isweydaarsiga ah.

International House Turku – Caawimaada shaqaaleysiinta oo luqado kala duduwan ah

International House Turku waxay kaa caawineysaa sidoo kale goobaha shaqada helitaankooda. International House Turku waxay bixisaa hagitaan iyo la talimo shaqo raadinta ah, shaqada iyo badbaadada shaqada la xidhiidha. Waxaad halkaas ka heli kartaa xattaa caawimaad ku sahabsan barashada afka finnishka ama hagitaan ku saabsan raadsashada waxbarashada. International House Turku waxa kalood ka heli kartaa la talin haddii ad ku fikirayso in aad shirkad aasaasto.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTurun kaupunki

International House Turku

International House Turku – Apua työllistymiseen monella eri kielellä

International House Turku auttaa sinua myös työpaikan löytämisessä. International House Turku antaa monikielistä ohjausta ja neuvontaa työnhakuun, työelämään ja työsuojeluun liittyvissä asioissa. Saat sieltä apua myös suomen kielen opiskeluun tai ohjausta koulutukseen hakeutumisesta. International House Turku tarjoaa myös neuvontaa sinulle, joka harkitset yrityksen perustamista.

Raadsadhada shaqada marka ad qorshaysanayso in aad waddan dibad ka soo guurto oo ad soo dagto Turku

Haddii ad qorsheynayso in aad Turku soo dagto oo ad raadinayso macluumaad ku saabsan xaaladda shaqada, waxaad booqan kartaa bogga Career in Southwest Finland.

Career in Southwest Finland

Adeegyada qofka shaqo la'aanta ah ee laga helo barta shaqasa

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTurun kaupunki

Työpiste

Goobta Työpiste waxa ku taalla Ohjaamo oo loogu talo galay dhallinyarta 30 sano da'doodu ka yartahay. Ohjaamo waxaad ka heli kartaa adeegyada dhallinyarada oo hal meel la iskugu keenay. Ohjaamo waxaa tusaale ahaan laga heli karaa adeegyada shaqo galinta, la talinta waxbarashada, adeegyada aqoonta iyo latalinta iyo adeegyada nololwanaagga.

Jos sinulla on työoloissa tai työsuhteenehdoissa ongelmia tai sinua on syrjitty työssä, yritä ensin selvittää asiaa työpaikallasi. Voit esimerkiksi keskustella asiasta työpaikkasi luottamusmiehen kanssa. Jos asia ei selviä työpaikalla, ota yhteyttä Etelä-Suomen aluehallintoviraston työsuojelun vastuualueeseen.

Lounais-Suomen aluehallintoviraston työsuojelun vastuualueelta voit pyytää neuvoja ja ohjeita työpaikkojen työympäristöasioihin, työoloihin ja työsuhteen ehtoihin liittyvissä asioissa.

Asiakasvastaanotto tapahtuu vastuualueen toimipaikassa virka-aikana vain etukäteen tehdyllä ajanvarauksella. Tapaamisajan voit varata sähköpostitse osoitteesta: tyosuojelu.lounais(at)avi.fi

Lounais-Suomen aluehallintovirasto
Työsuojelun vastuualue
Itsenäisyydenaukio 2
20800 Turku

Avoinna arkisin kello 8.00–16.15.
Puhelinneuvonta on keskitetty työsuojeluviranomaisten valtakunnalliseen päivystysnumeroon, joka palvelee arkisin kello 9.00–15.00.
Puhelinvaihde palvele numerossa (02)95 018 000.

Dhibaatooyinka goobta shaqada

Haddii ad dhibaato kala kulanto xaaladdaada shaqo ama shaqada lagugu cunsuriyeeyay isku day in aad arrinka marka hore goobtaada shaqada xal ugu hesho. Waxaad tusaale ahaan kala sheekaysan kartaa arrinka qofka goobtaada u xil saaran arrimahaas. Haddii arrinku uu goobta shaqada mid lagu xallin karo noqon waayo, la xidhiidh xafiiska maamulka nawaaxiga qaybtiisa badbaadada shaqada.

Qaybta badbaadada shaqada ee maamulka nawaaxiga waxa kalood wayddiisan kartaa talooyin iyo hagitaan ku saabsan arrimaha nawaaxiga shaqada, xaaladaha shaqada iyo shardiyada shaqada.

Qaabilaadda macaamiisha waxaa lagu helaa ballan hore loo sii qabsaday wakhtiga shaqada. Ballanta waxaad ka qabsan kartaa cinwaanka iimaylka: tyosuojelu.lounais(at)avi.fi

Xafiiska maamulka gobolka Lounais-Suomi

Qaybta u xil saaran badbaadada shaqada
Itsenäisyydenaukio 2
20800 Turku
Waxaay furantahay maalmaha shaqada 8.00–16.15.

La talinta taleefanka waxaa laga helaa lambarka taleefanka sarkaalka badbaadada shaqada ee daka oo la heli karo maalmaha shaqada saacadda 9.00–15.00.

Xidhiidhinta waxaa laga helaa lambarka (02)95 018 000.

Kaalmadda shaqo la'aanta iyo Kaalmadda howlgabka

Macluumaad ku saabsan dalbashada taakuleynta shaqo la'aanta waxaad ka heli kartaa bogga InfoFinland qaybtiisa Kaalmada shaqo la’aanta

Macluumaad ku saabsan taakuleynta howlgabka sida loo dalbado waxaad ka heli kartaa bogga Howlgabka ee InfoFinland.

Asaasidda ganacsiga

Waxaad khubarada jooga Turku Science Park Oy ka heli kartaa la talin iyo caawimaad ku saabsan aa-saasidda ganacsiga. La talintu waa mid lacag la'aan ah oo sirtaada laguugu ilaalinayo.

Ganacsadaha bilowga ah waxyaabaha lagala taliyo waxaa ka mid ah

  • Warbixinada Startti iyo Stattipajat-ka.
  • La talinta shaqsiga ah ee aasaasidda ku sahabsan.
  • Adeegyada xafiisyada

Ballan ka qabso lambarka la talinta aasaasidda ee shaqsiga ah ee ah 040 488 2000.

Turku Science Park Oy
Joukahaisenkatu 3 A
20520 Turku
(Dhismaha A ee dhismaha ICT-City dabaqiisa 4-aad)

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTurku Business region

Turku Business Region

Halkan ka sii akhriso:

Ganacsi abuurashada

Cashuurta

Saldhigga xafiiska cashuurta ee Varsinais-Suomi wuxuu ku yaallaa Turku.

Xafiiska cashuurtu waa ka Turku
Lemminkäisenkatu 14–18 (dabaqa waddada ku beegan)
DataCity, Turku
Arrimo badan oo cashuurta ku saabsan internetka ayaa xattaa lagu xallisan karaa:

Halkan ka sii akhriso:

Cashuurta