Nolosha Finland

Tietoa Turusta

Warar ku saabsan Turku

Warbixinta asaasigga ah

Turku waa magaaladda Finland ugu da’ada weyn waana dalka magaalo madaxdiisii hore. Turku waxay ka mid tahay magaalooyinka Finland ugu waaweyn. Turku waxay ku taalaa gobolka Varsinais-Suomi waana magaalo madaxda gobolka Galbeedka.Finland (Länsi-Suomi)

Turku waa magaalo si sharciyeysan laba af loogaga hadlo, dadka deggana ilaa 5% ayaa ku hadla af iswidhishka.

Turku sidoo kale waa magaalo aad u dhaqamo kala gedisan waana magaalo dadka deggan 14000 ay ku hadlaan afaf kale oo aan aheyn Finnish ama iswidhish. Turku waxaa deggan qowmiyaddo kala duduwan ooka kala yimid ilaa iyo 130 dal oo kala duwan. Kooxaha jinsiyadaha ee ugu waaweyn ee Turku deggani waa Ruush, Istooniyaan, Ciraaq, Iiraan, Soomaali iyo Iswidhish.

linkkiTurun kaupunki:
Turku.infoFinnish | Iswidish | Ingiriis

Sooyaalka Turku

Magaaladda Turkuwaxay dhalatey qarnigii-1200 xilliyadiisii, halka ay webigga Aura kaga darsamo badda. Sooyaalka magaaladda inta badan waxaa laga bilaabaa xaanshidii uu baadarigga Gregorius IX siiyey ogolaansha in uu Turku agagaarkeeda ku wareejinayo kanniisadda fadhigga biishobkan hadda. Turku waxay aheyd magaaladda Finland ugu weyn sidoo kalena boqortooyadda iswidhishka magaalooyinka ugu waaweyn uguna muhiimsan.

Ereyggaturku waxay ka timid ereygga qadiimi ah oo ruushka ah ee tǔrgǔ, kaas oo looga jeedosuuq.

Gaaddiidka wanaagsan ee isgag dhex goosh awgeed ayaa magaaladda waxaa u soo guurey dad badan, khaas ahaan baayac mushtari. Tartiibtartiib ayey magaaladdii u kortey una taajirtey. Badhtamaha magaaladda turku waxay ku wareegsaneyd kanniisada (tuomiokirkko). Inta ugu badan guryaha iyo dhismayaashaba waxaa laga dhisey qoryo sababtaas ayuuna u badnaa dabku ama gubshada guryuhu.

Magaaladda agteeda qasrigga Turku (Turun linna) oo muhiim u ahaa awoodda ugu muhiimsan ee saldhigga u ah Finland agagaarkeeda. Difaac siinta qasrigaasi isagoo jiraa xataa magaaladdu marar badan waxay noqotey goob dagaal.

Saldhigga Turku ee boqortooyadda barigga iswidhishka waxay awood yeelatey qarnigii-1600, markii la aasaasey iskuulo badan- iyoxarumo dawladeed. Tusaale ahaan dawladda hoose laga asaasey Turku sanadkii 1617 oo markii ugu horeysey maxkamadda rafcaanka ee Finland la furey sanadkii 1623 kii. Boqoradda iswidhishka ayaa amartey in laga aasaaso Turku Finland markii ugu horeysey jaamacad, akademiyada Turku, sanadkii 1640 kii.

Sanadihii 1808-1809 waxaa lala dagaalamey Iswidhan iyo Ruushka, kaas oo kalifey in ay Finland ka soo wareegto Iswidhan una soo wareegto oo ay hoos timaado xukunka ruushka. Finnishka waxaa xukunkiisa qabsadey boqor Ruush ah finnishkuna waxay noqdeen bulsho ruush ah

Turku waxay noqotey sanadkii 1809 kii gobolka ugu ballaadhan ee ammiradda goobta ku sii simidda dowladda Finland ujeedauna tahay magaalo madaxda Finland. Turku waxay aheyd goob taariikhi ah sababtoo ah xafiisyadii muiimka ahaa ee ku yaaley. Si kastaba ha ahaatee magaalo madaxdii waxaa loo wareejiyey Helsinki sanadkii1812 kii, sabatoo ah boqorka Aleksander 1 sida uu qabay wuxuu u arkayey in ay Turku tahay maskax iswidhish ayna aad ugu dhowdahay dalkii horey u heystey ee Iswidhen.

Fadhigii kanniisadaha biishobka iyadoo uu jiro xataa xunbnaha dowladda dhexe iyo akedemiyadii Turku ugu dambeyntii waxaa loo wareejiyey magaalo madaxdii cusbeyd sanadkii 1827 gubashadii ay Turku gubatey ka dib. Wadamadda galbeedka taariikhdoodii oo baaba’adey gubashadii magaaladda ka dib waxaa u dajiyey saldhig kanal oo cusubTurku Carl Ludvig Engel.

Gubashadii Turku hal qeyb oo magaaladda ka mid ah ayaa ka badbaadey dabkii. Waxayna aheyd Luostarinmäki, kaasoo ku yaaley dalcad sare oo uunan ololku gaadhin, Luostarinmäki hadda waxaa ku yaala muusiyamka hadda, kaas oo laga soo daawan karo dadku sida ay xilligaas u noolaayeen qarnigii- 1800 kii.

Qarnigii- 1820 Finland oo dhami waxay aheyd ilaa hal milyan. Turku waxaa xilligaa deganaa 12 000. Turku waxay ilaa 1840 aheyd weli magaaladda Finland ugu weyn.

Gaadiidka

Turku waxaa ka shaqeeya shabakadda gaadiidka maxaligga ah waxayna Turku ku taalaa meel gaadiidkeeda looga gooshi karo meel kasta oo Finlana ah.

Gaadiika dadweynaha ee Turku iyo nawaaxigeeda, Föli ayaad ka heli kartaa warbixinta jidadka Turku iyo Turku nawaaxigeedda. Adeegga ayaa kuu soo bandhigaya, sidaad meel walba iskaga gudbi laheyd gaadiidka dadweynaha.

Waxaad gaadiidka daweynaha ku bixin kartaa kaash ama kaadhka baska. Kaadhka baska waxaad ka iibsan kartaa xafiiska adeegga.

Kaadhka baska waxaad ka buuxsan kartaa xafiiska ama baska dhexdiisa. Wixii warbixin dheeraad ah ee la xidhiidha iibka- goobta buuxinta waxaad ka heleysaa bogga internetka ee Föli.

Warbixinta xafiiska adeegga gaadiidka dadweynahu waa:

Aurakatu 5, 20100 Turku
Tel. (02) 262 4811, faksi (02) 262 4887
Wuxuu furran yahayisniin-jimce 8.00-18.00, sabti 9.00-14.00

Turku waxaa ku yaala wadooyin- iyo gaadiid xidhiidh ah oo aad u wanaagsan dhinac kasta oo Finland ah, khaas ahaan magaalo madaxda nawaaxigeeda iyo Helsinki. Sidoo kale Turku waxaa ku yaala gego dayuuradeed oo dalka iyo dibadaba looga dhoofo.

Gaadiidka Finland waa midigle. Xusuusnow in aad xilligga mugdigga isticmaashid bidhaanta, kaas kaa caawinaya in lagu arko markaad socoto. Wadayaashu kuwa bidhaanta isticmaalaya waxay arkaan saddex laab in ka fog kuwa aan bidhaanta xidhneyn. Baaskiilka markaad wadatid isticmaal koofiyadda adan ee madaxa ka difaacda jugta. Warbixinta badbaadadda jidadka ee Finland iyo- habdhaqankoodaba waxaad ka heleysaa bogga badbaadadda gaadiidka.

Akhriso kuwaana: Gaadiidka gudaha Finland

linkkiTurun seudun joukkoliikenne:
FöliFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiFinavia:
Garoonka diyaaradaha TurkuFinnish | Ingiriis

linkkiVr.fi:
Jadwalada Finnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush

linkkiMatkahuolto:
Adeegyada safarka Finnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiLiikenneturva:
Wararka iyo warbixinnadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiLiikenneturva:
Bogagga warbixinta waadixa ah ee badbaadada jidadkaFinnish

Diinta

Turku waxaa ka howlgala bulshooyin diimo kala gedisan leh. Turku waxaa ku yaala meelo badan oo lagu caabudo diimaha kala gedisa iyo xarumo waxqabad. Warbixinta diimaha Finland- adeeggooda waxaad ka raadin kartaa bulshooyin diimeedyada iyo hadba degmadda deegaankaagga.

Akhriso kuwaana: Dhaqamada iyo diimaha ka jira Finland

linkkiUskonnot Suomessa:
UruradaFinnish | Ingiriis

Go’aan sameynta iyo saameyn ku yeelashada

Magaaladda Turku arrimaheeda waxaa go’aan ka gaadha golaha deegaanka ee magaaladda. Waxaana ka tirsan 67 xubnood, kuwaas oo ka kala wakiil ah kooxo siyaasadeed oo kala duduwan, golaha waxaa lagu doortaa doorashada golaha deegaanka afartii sanaba mar. Bogaa magaaladda ayaad wixii warbixin ah ka heli kartaa golaha deegaanka ee magaaladda iyo goa’aan qaadashadooda xafiiskooda gurigga magaaladda ee cinwaankiisu yahay Aurakatu 2.

Qoraaladda laga soo ururiyo shirarka waa la tusaa dadweynaha maalinta shirka usbuuca ku xiga khamiistiisaba kooxda maamulka ee goobta Turku. Qoraalka waxaa sidoo kale laga helaa bogga internetka ee magaaladda Turku.

Warbixinta:

Puolalankatu 5
20100 Turku
Wuxuu furran yahayisniin-jimcesaacadaha9.00-15.00

Nuorten ideat.fi –boggiisa waxaad ku sheegi kaetaa fikiradaadda adiga arrimaha ku khuseeya, kuwa la xidhiidha deegaanka degmadaadda.Nuorten ideat.fi waa bog internet ah, kaas oo dhallinyaraddu ay ku sameyn karaan aragtiyo nidaam wax hagaajin ah ayna sidoo kale komment ka siin karaan kuwa kale fikradohooda.

Akhriso kuwaana: Qeybqaadasho iyo saameyn

linkkiTurun kaupunki:
Turku-pisteFinnish

linkkiTurun kaupunki:
Gaadhidda go'aanaddaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiTurun kaupunki:
Saamee oo ka qaybqaadoFinnish

linkkiTurun kaupunki:
Nuorten ideat.fi (Fikradaha dhallinyarada)Finnish | Iswidish