Boggan waxaa ku jira warxbixin ku saabsan Turku u soo guurideedda. Warbixin kale oo muhiin ahna waxaad ka heleysaa U soo guurista Finland
Arrimaha-ogolaanshaha
Xafiiska laanta socdaalka ayaa xalliya dhamaan arrimaha sharciyada oo dhan, isku diiwaangelinta jinsiyadda midowga Yurubta iyo dalbashada jinsiyadaha.
Xafiiska laanta socdaalku wuxuu ku yaalaa Helsinki, laakiin baro/ goobo u adeegga ayaa meelo badan oo Finland ah ku kala yaala. Barta adeegga xafiiska laanta socdaalka ee kuugu dhowi waxay ku taalaa Raisio.
Barta adeegga ee xafiiska laanta socdaalka:
Nallinkatu 8
21200 Raisio
Waxuu furan yahay: isniin–arbaco iyo jimce saacadaha 8–16.15.
Khamiist kasta wuuxidhan yahay.
Waxaa habboon inaad markasta ballan ka soo qabsatid xafiiska laanta socdaalka adeegiisa.
linkkiMaahanmuuttovirasto:
Maahanmuuttoviraston ajanvarauspalveluFinnish
Codsiyada sharciga lagu dalbanayo iyo kuwa la isugu diiwaan gelinayo EU da waxaad ka xallisan kartaa sidoo kale shabakada adeegga- Enter Finland:
linkkiMaahanmuuttovirasto:
Enter FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis
Halkan ka sii akhriso:
U soo guurista Finland
Isku diiwaangelinta inaad deggan tahay
Markaad si rasmi ah ugu soo guurtid Turku, iska diiwaangeli xafiiska diiwaangelinta Lounais-Suomi inaad deggane degmada deggan tahay.
Xafiiska diiwaangelinta ee Lounais-Suomi, Waaxda Turku:
Aurakatu 8
PL 372
20101 TURKU
Tel. Sentaralka 029 553 9441
Wuxuu furan yahay isniin-jimce saacadaha 09.00-16.15
Warbinaha dheeraadka ahee qofka ajnabiga ah is diiwaangelintiisa waxaad ka heleysaa Lounais-Suomi bogga shabakada ee xafiiska diiwaangelinta.
Halkan ka sii akhriso:
Isku diiwaangelinta inaad deggane tahay
linkkiMaistraatti:
Xafiiska diwaangelinta ee TurkuFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiMaistraatti:
Diwaangelinta soogalootiga Finnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiMaistraatti:
Balan qabsashada adiga oo isticmaalaya internetkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Wargelinta guuritaanka
Markaad Turku uga soo guureysid meel kale oo Finland ah amaba Turku gudaheeda guri aad ka guureysid una guureysid guri kale, waa in aad ka sameysid wargelinta guurista xafiiska diiwaangelinta ama boostada.
Wargelinta guurista waxaad ka sameyn kartaa internetka si elektarooni ahaan ah adeegga macmiilka:
linkkiPosti:
MuuttoilmoitusFinnish | Iswidish | Ingiriis
Wargelinta guurista waxaad sidoo kale ku sameyn kartaa foom ahaan, foomkaas oo aad ka heleysid kana soo qaadan kartid boostada ama xafiiska diiwaangelinta.
Wargelinta guurista xafiiska diiwaangelinta:
linkkiMaistraatti:
MuuttoilmoitusFinnish | Iswidish | Ingiriis