Boggan waxaad ka heleysaa warbixinno wakhti qaadashadda xilliyadda fasaxa ah ee Turku. Wixii kale ee warbixin muhiim ah ee arrintan la xidhiidha waxaad ka heleysaaboggan Waqtiyada firaaqada
linkkiTurun kaupunki:
Wakhtiga firaaqadaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiTurun kaupunki:
Jadwalka dhacdooyinkaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiTurun Sanomat:
Talooyinka ku saabsan meelaha la tagoFinnish
Waayoarragnimadda dhaqanka Turku
Turku muuqaalkeeda, xowligga ah iyo waayoarragnimadeedda dhaqan waxay fidisaa doorashooyin fara badan oo noocyo badan
linkkiTurun kaupunki:
Hiddo iyo dhaqanFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiFacebook:
Barnaamijyada hiddaha iyo dhaqanka ee TurkuFinnish
Muusigga iyo riwaayadaha
Muusigga kalaasigga ah waxaa fidiya orkestarigga filharmoniyada Turku ee guriggaa riwaayadaha (Aninkaistenkatu 9).
Xilliyadda guga- iyo deyrta waxaausbuuc walba la qorsheeyaa sinfonia-, kamarimuusig- iyo ruwaayaddo lagu madadaasho.
Riwaayaddo bilaash ah waxaad ka daawan kartaa internetka kuwo lagu keydiyey shabakadda ama kuwo toos loo bandhigayo
Orkestarigga filharmonigga Turku waa kan Finland ugu da’ada weyn. Jiridoodu waxay ka soo alkunmeen sanadkii 1790 ki. Orkestarigga goobtiisa riwaayadaha ee ugu weyn waxaa la diyaariyey sanadkii 1952 dii waanagurigga riwaayadaha ee Turku.
Tigidhadda riwaayadaha Turku filharmoni orkestarigeedda waxaa lagu iibiyaa barta tigidhadda iyo gurigga riwaayadaha ee ku yaalaa Ars Musica- dukaanka dhaqanka. Sidoo kale tigidhka waxaad ka iibsan kartaa albaabka saacad ka hor inteynan riwaayaddu bilaabanin.
Musiyamka Wäinö Aaltonen tallaada kasta iyo Sibelius- musiyamkiisa waxaa laga tumaa riwaayadahoodda oo xidhiidha iyo arbaca kasta. Kanniisadaha iyo Vanha Raatihuone ga waxaa lagu diyaariyaa riwaayaddo fara badan. Diyaarinta muusigga fudud waxaa ka masuul ah kilabyo badan iyo waxyaalaha
linkkiTurun filharmoninen orkesteri:
Turun filharmoninen orkesteriFinnish | Iswidish | Ingiriis
Tiyaatarka, tiyaataradda qoob ka ciyaarka iyo filimadda/ shaneemooyinka
Tiyaatarka waa la soo daawan kartaa sida.Tiyaatarka magaaladda, tiyaatarka Åbo Svenska Teatern, Linnateatteri iyo Tehdasteatteri iyo sidoo kale xagaa kasta tiyaatarradda xagaagga. Tiyaatarka qoob ka ciyaarku wuxuu diyaariyaa Aurinkobaletti ja Tanssiteatteri Eri. Sidoo kale Turku waxaa jira kuwa sida firfircoon u xiiseeya boombalooyinka/ madaamadaha- tiyaatarkooda wax qabadka .
Turku waxaa kaloo jira tiyaatarka shaneemooyinka ee Finnkino iyo kooxo shaneemooyin kala duduwan.
linkkiTurun kaupunki:
Tiyaatar ama xarunta riwaayadahaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiTurun kaupunki:
Tiyaatarka magaalada TurkuFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiTurun kaupunki:
FilinFinnish | Iswidish | Ingiriis
Muusiyamka iyo carwooyinka
Turku waxaa jira muusiyamyo aad u xiiso badan, kuwaas oo aad ku baran kartid taariikhda Finland, finnishka caadooyin dhaqmeedkoodii, hidahoodii iyo farshaxanadoodii iyo sidoo kale dabiicigga Finland. Sidoo kale arrimahan ereyadda udubka u ah.
Muusiiyamyadda ku yaala Turku waxaa ka mid ah Turun linna, Apteekkimuseo, Luostarinmäen käsityöläismuseo, Forum Marinum iyo sidoo kale Aboa Vetus.
Farshaxanka waxaad uga bogi doontaa Wäinö Aaltonen muusiyamka, Muusiyamka farshaxanka Turku waa, Ars Novassa ja galleriyadda. Turku muusiyamkiisa bayolajigu waxaad ku baran karyaa muusiyamka iyo haddii aad booqatid dabiiciigga Finlandmuuqaalkiisa dabiiciigga ee noocyadda badan iyo xayawaanka kala duduwan.
Carwooyinka waxaa kale oo dheer muusiyanyada waxaa jooga hanuuniyayaal aad u badan oo kala duduwan, goobo shaqooyin lagu sameeyo iyo dhacdooyinno da’a kastaba leh.
Kuralan Kylämäki waa meel qoyska oo dhani ay dhaqan ahaan ugu dalxiisi karaan. Kurala agagaarkeedda waxaa lagu lugeyn karaa xilliyadda sanadka oo dhan waxaana loogu wakhti qaadan karaa maalinjoog ahaan ama la soo barbaran karaa xoolaha beerta jooga. Xagaagii iyo xilligga dhacdooyinka Kurala waxaad ku barbaran kartaa qarnigii 1950 kii nolol maalmeedka beeraleydu siduu ahaa iyadoo hanuuniye ku hagayso, si aad ula socotid bandhigyada shaqooyinka iyo la tijaabiyo xirfadaha wixii gacanta laga qabanayo. Kurala shaqooyinkeeda tijaabada ah waxay diyaariyaan shaqo barasho iyo koorsooyin xilliyadda sanadka oo dhan.
Cinwaanadda muusiyamka, xilliyadda ay furran yihiiniyo qiimaha tigidhadaba waxaad ka heleysaa muusiyamyada bogagoodda internetka.
Akhrido kuwaana: Matxaf
linkkiTurun kaupunki:
MadxafFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiTurun kaupunki:
Madxafka farshaxankaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiMerikeskus Forum marinum:
Forum marinumFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush
linkkiAboa Vetus ja Ars Nova:
Madxafka taariikhda iyo farshaxanka wakhtiga dambeFinnish | Iswidish | Ingiriis
Logomo
Logomo waa goobti hore ee VR:ta barashadda mishiinadooda imikana waa xarunta dhexe ee dhaqanka. Halkaas waxaa lagu diyaariyaa dhacdooyi fara badan oo kala duduwan, sida carwooyinka farshaxanadda, riwaayadaha iyo dhacdooyin dhaqameedyo kala duduwan.
Tiyaataradda magaaladda Turku carwooyinkooda waxaa lagu soo bandhigaa Logomo sanadihii u dhexeeyey 2014-2016, sababtoo ah dhismihii tiyaatarka ayaa dib u habeyn lagu sameynayaa.
linkkiLogomo Oy:
Logomo Finnish | Iswidish | Ingiriis
Laybareiga
Laybererigu waa buugaagta, dhaqanka iyo dadku meelaha ay ku kulmaan. Akhriso kuwaana: Maktabadaha
Laybererigga magaaladda Turku waxaa kale oo hoos yimaada leybereeriyaal oo dhowr ah oo ku kala yaal dhinacyada magaaladda kan ugu weynise wuxuu ku yaalaa magaaladda badhtameheedda. Sidoo kale gaadiidka leybareigga ayaa wareegga magaaladda oo dhan.
Leybareirigga waad ku:
-
Akhrisan kartaa bugaagta iyo jaraa’idka finnishka ah iy kuwa afafka ajnabiga ku qoranba
-
Isticmaali kartaa combuyuutarka iyo internetkaba
-
Kaga akhrisan kartaa barnaamijka- PressDisplay jaraa’idka adduunka oo dhan
-
Kaga qeyngeli kartaa dhacdooyinka iyo wax qabadyada kaleba
-
Wax ku baran kartaa wakhtina ku qaadan kartaa
Booqashada leybarerigga, ka soo deynsashada buugaagta iyo isticmaalka combuyuutarkuba waa lacag la’aan. Qofkasta oo haysta kaadhka leybarerigu, wuu u deynsan karaa gurigiisa buugaag, muusig, filimaan iyo waxyaalo kaleba waana lacag la’aan. Turku kaadhka leybarerigga waxaad ku heleysaa oo kale kaadhka adeegga dhaqamadda, kaas oo e-mailkaagga laguugu soo dirayo warbixinnadda dhacdooyinka xilligaas taagan ee magaalada Turku dhaqamadda ay qorsheyneyso iyo qiimayaasha is bedbdelaya oo aad u fara badan.
Leybarerigu wax kale oo uu kireeyaa qolol shir oo kala waaweyn-, dhacdooyin-, iyo meelo carwooyinka lagu soo ban dhiggo.
Warbixinta leybarerigga weyn ee Turku waa:
Linnankatu 2, 20100 Turku
linkkiTurun kaupunki:
Maktabyada macluumaadkooda iyo wakhtiyada ay furanyihiinFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiVaski kirjastot:
Maktabadda elektrooniga ahFinnish | Iswidish | Ingiriis
Jimicsigga iyo Turku
Turku waxay diyaarisaa fursado jimicsiyo oo aad u wanaagsan xilliyadda sanadka oo dhan. Magaaladda hareeraheedda oo dhan waxaa ku yaala garoomo lagu ciyaaro, goobaha jidh dhiska, goobaha dabaasha, meelaha banaanka ee lagu lugeeyo jidhkana lagu dhiso, goobaha dabiicigga ee lagu lugeeyo, jidadka baaskiiladda iyo xilligga jiilaalka meelaha kabaha seefta ah lagu socdo iyo meelaha hiihtada lagu sameeyo
Akhriso kuwaana: Isboortiga
linkkiTurun kaupunki:
JimicsigaFinnish | Iswidish
linkkiTurun kaupunki:
Dhaqaajinta TurkuFinnish
Dabaasha
Magaaladda Turkuhoolalkeeda dabaasha iyo kuwa banaanadda waxay u diyaariyaan jimicsiyada biyaha dadka xiiseynaya fursado badan oo jaban. Hoolka dabaasha ee Impivaara wuxuu fidiyaa sidoo kale dhaqdhaqaaqyo badan oo la hagayo, jimicsiga boodboodka biyaha, iskuulladda dabaasha iyo dabaasha dhallaanka- iyo qoysaska. Hoolka Petrelius wuxuu fidiyaa sidoo kale boodboodka biyaha toogooyimka dumarka iyo haweenka. Dabaalaha banaanka ee magaaladda iyo xeebuhu waxay fidiyaan xagaagii fursado dabaalo ah oo heer sare ah.
Goobaha jimicsigga
Turku waxaa ku yaala meelo dhowr ah kubbadda/ banoonigga laliska ah-, kubadda koleygga ah-, tenniska- iyo garoomo kale oo kubbado ah. Garoomadaas qaarkood isticmaalkoodu dadka oo dhan wey u furran yihiin, xagga garoomadaas qaarkoodna loo ogolaado toogooyin lacag la’aan ah iyo kuwo lacag la bixiyaba.
Turku waxa ku yaala goobaha jidh dhiska oo aad u badan oo ku kala yaala meelo badan oo magaaladda ah. Goobaha jidh dhisyada waxaa lagu diyaariyaa sidoo kale wax qabadyo lagu hagayo iyo goobaha jidh dhisyada oo lagu barbarto koorsooyinka ABC, kuwaas oo lagu baranayo aasaaska.
Barxadaha ciyaaraha ee magaaladda badhtamaheeda ku yaala waxay u fidiyaan qof kasta qaabab aad u wanwanaagsan oo ciyaaraha guud ah, jidh dhiska iyo frisbee golofta. Jiilaalkii qof kasta wuxuu ku socon karaa kabaha safeexadda ah garoomadda barafka ee dabiicigga ah, goobaha la barafeeyo ama Impivaara iyo Varisuo hoolkooda la barafeeyo toogooyinkooda guud ahaaneed.
linkkiTurun kaupunki:
Jimcisiga garoomada gudahaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiTurkun kaupunki:
Jimicsiga banaankaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Marinadda banaanka
Badhtanmaha magaaladda deeggaanka webigga Aura dhinaciisa waxaa ku yaala noocyo kala duduwan oo loo sameeyey marinadda dhaqamadda jidh dhiska. Magaaladda waxaad baran kartaa taalooyinka kalgaceylka, naqshadeynta iyo dhinaca sheekooyinka magaaladda. Khariidadaha waxaad ka heleysaa leybarerigga iyo sidoo kale internetka.
Magaaladda agagaarkeeda waxaa sidoo kale ku yaala goobaha badbaadinta dabiicigga, kuwaas si xor ah loogu leugeyn karo.jidadko Paavo waa kuwo lagu astaameeyey dhulka, kuwaas oo lagu barbarto dabiicigga agtaada ah iyo magaaladda hareeraheeda meelo faro badan oo Turku ah. Marinadaasi waxay muujinayaan dhulka geedaha iyo dhagaxaanta oo buluug loogu midabeeyey orodkana loogu astaameeyey iyo astaamaha baaskiilladda.
Akhriso kuwaana: Ku raaxeysiga iyo ku socodka dabeecadda
linkkiTurun kaupunki:
Jimcisiga la xidhiidha hiddaha iyo dhaqankaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiTurun kaupunki:
Bi'adaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Qalabka jimicsigga kireysashadiisa iyo amaahashadiisa
Lauste, Varissuon, Pansio iyo Runosmäki goobahooda dhallinyarada waxaad ku deynsan kartaa jimicsigga- iyo qalabka ciyaaraha kaadhka dhallinyarada. Kabaha safeexadda waxaad ka kireysan kartaa garoonka Parkki ga, kabaha safeexadda iyo kabaha shaagagga marinka lagu ciyaaro kabah safeexadda ee Kupittaa, Kuwa hiihtada lagu sameeyo ee Impivaara dhulkeeda lagu hiihteeyo iyo sidoo kale jimicsigga- iyo ciyaaraha qalabkooda xarunta adeegga ee jimicsigga adeegooda macaamissha.
Adeegga jimicsigga
Magaaladda Turku waxay leedahay adeegyo jimicsi lacag la’aan ah iyo kuwo jaban oo loogu talogalay dhammaan kuwa xiiseeya jimicsigga oo dhan. Da’aha kala duduwan goobahooda adeegga jimicsiggu waa kuwo loogu talogaley kuwa sida yar ama marmarka uun jimicsada.
Dumarka, ragga dadka waaweyn iyo kooxaha khaaska ahiba waxay helayaan adeegyadda kooxahooda. Dhinacoogaas ayaadan si fudud uga tijaabin kartaa noocyo jimicsi oo kala duduwan aanad ka heli kartaa mid aad xiiseyso. Adeegaagga jimicsigga waxaad sidoo kale ka heleysaa jimicsigga aad u baahan tahay ee kugu haboon.
Caawimaadda jimicsigga aad xiiseyneysid si aad u hesho waxaad weydiin kartaa adeegga hagidda jimicsigga ee lacag la’aanta ah.
Adeegga macaamiisha ee adeegga jimicsigga
Blomberginaukio 4, 20720 Turku
t. (02) 262 3232
Jijinta gacanta lagu xidho ee dadka waaweyn iyo jijinta-Kimmoke waxaa lagu sameyn karaa jimicsi jaban oo aad iskaa ugu sameysaneysid jidh dhisyada iyo hoolalka dabaasha ee magaaladd waxaa kale oo aad sidoo kale ku raaxeysan kartid dhaqanka xarumaha dhaqamadda ee magaaladda, Jijinta dadka waaweyn waxaa iibsan kara 65 sano cidii buuxisey. Jijinta- Kimmoke waxaa loogu talogaley dadka qaata kaalmadda aasaasigga ah iyo kaalmooyinka qaarkood Kela ka qaata.
linkkiTurun kaupunki:
HiwaayadFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiTurun kaupunki:
Hagidda adeegyada jimicsigaFinnish | Iswidish
linkkiturun kaupunki:
Kimmoke- gacanta lagu xidhoFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiTurun kaupunki:
Qalabka gacanta lagu xidho ee dadka da'da ah iyo kaadhashoodaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Naadiyadda jimicsigga
Turku waxaa ka shaqeeya sidoo kale in ka badan 300 oo naadi oo diyaariya jimicsiyada iyo ururo.
linkkiTurun kaupunki:
Ururada iyo kooxahaFinnish | Iswidish
Adeegyadda jimicsigga ee dhaqmadda kala duduwan
Carruurta iyo dhallinyarada waxaa loo diyaarieye kooxo jimicsiyo kala duduwan oo dhaqamadda kala duduwan ah, kuwaas oo si fudud loogu biiri karo. Kooxahaan waxaa loogu talogaley reer Turku oo dhan.Dadka waawey waxaa si gooni ah loogu diyaariyey goobo jidh dhis- iyo dabaal gaar u kala ah ragga iyo dumarka.
Adeegyadda jimicsiyadda waxaa kale oo dheer oo dadka dalka u soo guurey loo fidiyaa kooxo jimicsi oo kala duduwan xilliyada sanadka oo dhan sida. dhaqdhaqaaqyada jidh dhiska, kooxaha kubbadaha, hiihto, ku socoshada kabaha safeexadda iyo qoob ka ciyaarka oo lagu hagayo sidoo kale koorsooyin kooxo tijaabo ah oo kala duduwan iyo bannaan u baxyo.
linkkiTurun kaupunki:
Jimcisiga ajinabigaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Carruurta iyo dhallinyaraddu waxay xiiseeyaan ee ay ku madadaashaan
Magaaladda ayaa u qorsheysa carruurta iyo dhallinyaradda koorsooyin-, kullamo-, iyo waxqabad kooxeedyo. Sidoo kale waxaa loo diyaariyaa kullamo joogto ah tiyaataro, farshaxanno iyo ku madadaalasho jimicsi oo kooxo ah iyo sidoo kale waxqabadyo furran oo cidii rabtaa ay ka soo qeybgali karto.
Fursadaha ku madadaalashada farshaxanka iyo barashada farshaxanka waxaa sidoo kale diyaariya iskuullada sida gaarka ah loo leeyahay ee farshaxanka lagu barto iyo- ururadda. Waxaa intaa dheer muusiyamka, leybarerigga iyo xarumaha farshaxanku in ay u fidiyaan carruuraha iyo qoysaska carruuraha leh dhacdooyin iyo wax qabad dhaqameedyo loogu talogaley.
Akhriso kuwaana: Hiwaayadaha carruuraha iyo dhallinyarada
linkkiTurun kaupunki:
Jimicsi ku socda carruurta iyo dhalinyaradaFinnish | Iswidish
Jimicsigga carruurta iyo dhallinyaradda
Xarunta adeegga jimicsigga ee Turku iyo naadiyadda ciyaaraha iyo iskuuleyda reer turku ayaa loo qorsheeyey in loo fidiyo jimicsiyo.
Jimicsigga caruurta ee ihmemaa carruuraha da’adoodu u dhaxeyso 1-12- jir ayaa ku ciyaari kara iyagoo ay dad waaweyni wehiliyaan. Ihmemaa waxaa la qorsheeyaa axad walba laguna qabtaa sagaal meelood oo kala duwan kuna kala yaala Turku. Adeeggaasi waa lacag la’aan.
Dhaqdhaqaaqa carruurta (Lapset liikkeelle) waa u lacag la’aan carruurta da’adoodu tahay 7-12- jirka.
Turku iyo nawaaxigeeda dhallinyaradda degan ee 13-19- jirka ah waxaa loo diyaariyey jimicsiga lacag la’aanta ah ee Mihi. Wixii warbixin dheeraad ahwaxaad ka heleysaa bogga internetka.
Seikkailupuisto (Barxadaha lagu ciyaaro) waxay carruurta iyo qoysaska u yihiin xarun dhaqdhaqaaq, taas oo ku taala barxadda Kupittaa (Kupittaankatu 2) weyna furran tahay sanadka oo dhan.
Xagaaggii barxadda waxaa la dhigaa qalabka lagu ciyaaro, leexooyinka, kuwa carruurtu fuulaan/koraan waxayna barxadda ciyaartu siisaa fursado badan oo dhinacyo badan. Xilligga jiilaalka barxadda gudaheedda ayaa lagu diyaariyaa kullamo kala duwan- iyo waxqabad tiyaatareed. Barxadda howlaheedda waxaa mudnaanta ugu horeysa leh caruurta 0-14- jirka ah iyo qoysaska carruurta leh.
linkkiTurun kaupunki:
Garoonka ciyaarsiinta iyo jimicsiga caruurtaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiTurun kaupunki:
Dhaqaajinta carruurtaFinnish | Iswidish
linkkiTurun kaupunki:
Jimicsi ku socda carruurta iyo dhalinyaradaFinnish | Iswidish
linkkiTurun kaupunki:
Mihi.fiFinnish
linkkiTurun kaupunki:
Seikkailupuisto (Barxadaha lagu ciyaaro)Finnish | Iswidish
Goobaha dhallinyaradda iyo adeegyada dhallinyarada
Goobaha dhallinyaradu waa goob ay iska leeyihiin, taas oo 9-18-jirku ay ku ciyaari karaan, farsama gacanta ku sameyn karaan, cuntada ku kariyaan, kula kulmaan asxaabtoodda iska joogi karaan. Goobta dhallinyarada waxaa sidoo kale lagu diyaariyaa kullamo, maalo ay wax u gaar ah sameystaan iyo disko. Goobaha dhallinyaraddu waxay ku taalaa meelo kala duwan magaaladda hareeraheeda ah. Goobta mar walba waxaa jooga qof weyn oo hage ah.
Waxaad u baahan tahay kaadhka dhallinyarada, si aad uga qeyb gasho wax qabadkaas. Kaadhku waa lacag la’aan. Kaadhka waxaad ka dalban kartaa goob dhallinyaro oo kasta.
Badhtamaha Turku waxqabadka Vimma ee ku yaala waxaa sida qaalibka ah loogu talogaley wixii ka yar 29- jir. Vimma waxaa lagu sameyn karaa farshaxan waxaana lagag qeyb geli karaa sidoo kale dhacdooyinka riwaayadaha. Dhismahaas waxaa ku yaala maqaaxi iyo barsad meeljoog. Dhallinyaradu waxay si lacag la’aan ah u isticmaali karaan daaradda Vimma kombuyuutaradda yaala, kuwaas oo leh internet.
Warbixinta gurigga waxqabadka- iyo farshaxanka dhallinyaraddu waa:
Aurakatu 16, 20100 Turku
Telifoon: (02) 262 3129
Xilliyadda ay furran tahay: isniin-jimceklo 9 - 20
e-mailka:
vimma@turku.fi
Qaxwada Vimma
isniin-Jimce klo 9.30 - 18
Vimma du waa xarunta dhaqamadda kala duduwan ee shaqada dhallinyarada iyo waxqabadka caalamigga ah. Waxay dhallinyaradda iyo lamaanayaasha la shaqeynayaba u diyaarisaa iskuulo, dhacdooyin dhaqamadda kala duduwan ah waxayna sidoo kale siisaa caawimaad la talin ah oo la xidhiidha arrimaha maareynta nolosha. Waaxda waxqabadka caalamigga ahi wuxuu kor u qaadaa is dhexgalka dhaqamadda sidoo kalena waxaa loo fidiyaa fursado caalami ah oo is weydaarsi ah. Vimma da sidoo kale waxaa ka shaqeeya goob dhallinyaro oo af iswidhishka ah Zabadak.
linkkiTurun kaupunki:
Xarumaha dhalinyaradaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiTurun kaupunki:
Xarunta waxqabadka iyo farshaxanka dhalinyarada ee VimmaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Warbixinta- iyo adeegga talosiinta ee dhallinyarada Turku
Dhallinyaradda Turku dhammaan kuwa da’adoodu ka yar tahay 29-jir waxay leeyihiin adeeg furran, kaas oo aad ka helaan talosiin iyo ku hagid waxa ay xiiseynayaan xilliyadda- fasaxa ah, shaqada- iyo codsigga shaqooyinka xagaaga, guri raadinta iyo fursadaha caalamigga ah arrimaha la xidhiisha.
Dhallinyaradda Turku waxay ku taalaa Yliopistonkatu 25 A. Halkaas waad booqan kartaa xilliyadda ya furran tahay ballan la’aan. Goobtaas sidoo kale waxaad ka qabsan kartaa ballan ama su’aalaha waxaad ugu diri kartaa e-mail iyo Facebook.
linkkiFacebook:
Adeegga latalinta iyo macluumaadka ee dhalinyara, Dhalinyarada TurkuFinnish
linkkiTurun kaupunki:
DhalinyaradaFinnish | Iswidish | Ingiriis
Dadka waaweyni waxa ay ku madadaashaan
Turku dadkeeda waaweyn waxaa loo diyaariyaa wax qabad ay iyagu leeyihiin. Tusaale ahaan 65-jirka reer Turku ahi wuxuu iibsan karaa jijinta dadka waaweyn, kaas oo uu ku dhaqdhaqaaqi karo goobaha jimicsiyadda ee magaaladda Turku, sida hoolalka dabaasha , goobaha jidh dhiska iyo xagaagii dabaasha dhulka/banaanka. Jijinta dadka waaweyn waxaa sidoo kale ku jiradeegyo jimicsi oo lagu hagayo iyo sidoo kale adeegyo dhaqameedyo.
Lue lisää: Hiwaayadaha dadka da'da ah
linkkiTurun kaupunki:
Dadka da'da ahFinnish
Wadashaqeynta ururadda - dhaqamadda kala duduwan
Turku waxaa ka howlgala shaqooyinka dhaqamadda kala gedisan iyo kuwa caalamigga ah hay’adaha sameeya, naadiyo saaxiibtinnimo ah, jaalliyadaha dadka dalka u soo guurey iyo ururo kale. Waxayna diyaariyaan waxqabadyo dhimnacyo badan iyo sidoo kale adeegyo kala duduwanoo dadka dalka u soo guurey iyo finnishkaba loogu talogaley.
Bulsho kasta oo badan oo ah dadka dalka u soo guurey waxay leeyihiin jaaliyad, taas oo u shaqeysa halbowlaha wada shaqeynta bulshada iyo wakiil ahaanba. Uruuraddu waxay diyaariyaan dhaqamo- dhaqdhaqaaqyowaxqabadyo oo noocyo badan iyo sidoo kale fursado iyo kooxo ay dhaqamadooda kor ugu qaadayaan. Jaaliyadahaas xagooda waa suurtogal in laga helo xidhiidho dhaqan kastaba dadkooda waayo aragnimada u leh iyo sidoo kale kooxaha bandhigyadda sameeya.
Akhriso kuwaana: Ururada
linkkiTurun kaupunki:
Ururada iyo shaqsiyaadka arrimaha dhaqamada kala duwan ka shaqeeya ee Finnish | Ingiriis