Nolosha Finland

Työ ja yrittäjyys Turussa

Shaqada iyo ganacsiga Turku

Boggan waxaa ku yaala warbixino la xidhiidha adeegyada shaqooyinka iyo ganacsiyada Turku. Wixii warbixino kale ee muhiim ah ee la xidhiidha mowduucana waxaad ka heleysaa bogga Shaqada iyo ganacsiga.

Waa xagee shaqadu?

Waxaad shaqooyinka banaan ka raadsan kartaa internetka ama wargeysyada. Internetka waxaad ka heleysaa bogagga shaqooyinka, markaad ku qortid meesha qoraalka lagu qoro ”shaqooyinka banaan”. Goobo badan bogagga shaqada ah waxaa suurtogal ah inaad ku reebi kartid oo aad buuxin kartid shaqadaada iyo waxaad horey u soo qabatey ama baratey (CV) si uu shaqo bixiyuhu u akhristo.

Xafiiska maareynta iyo shaqadu wuxuu kaa caawinayaa buuxinta foomka shaqo dalbashada. Haddii aad shaqo la’aan tahay raadineysidna shaqo, isku diiwaangeli marka hore shaqo raadis elektarooni ahaan cinwaankan:

linkkiTE-palvelut:
TE-palvelut - Oma asiointiFinnish

Is diiwaangelinta waxaad sidoo kale uga sameyn kartaa si shakhsi ahaan ah adigoo ka sameynaya xafiiska magaaladda Turku ama xafiiska shaqada- iyo maareynta nolosha ee Varsinais-Suomi.

Wixii da’adoodu ka weyn tahay 25-jir ee sanad ka yarna ahaa shaqo la’aan shaqo raadis ah waxaa u adeegaya:

Xafiiska shaqada- iyo maareynta nolosha eeVarsinais-Suomi
Itsenäisyydenaukio 2
Turku

U adeegidda dadka shaqo la’aanta ah barta shaqada

Barta shaqadu waxay u adeegtaa wixii 25-jir ka yar ee sanad in ka badan shaqo la’aan ahaa ahna shaqa laaweyaal reer Turku ah.

Barta shaqada ee magaaladda Turku waxay bixisaa talo kana caawisaa dadka sidey shaqo u heli lahaayeen, waxbarashada u sii kordhisan lahaayeen sidoo kalena xirfadooda shaqo u kordhin lahaayeen.

Barta shaqada
Käsityöläiskatu 10
20100 Turku
Telifoon:(02) 262 5072
Waxay furan tahay: Isniin - Jimce 08:30 - 16:00

linkkiTurun kaupunki:
TyöpisteFinnish | Iswidish | Ingiriis

Hagitaan iyo kaalmo khaas ah oo –dhallinyarada loogu talogaley

Dhallinyarada da’adoodu 30-jirka tahay waxaa la siiyaa talo iyo hagitaan si ay u helaan arrimaha shaqada- iyo iskuulladda Higitaanka Turku. Isla cinwaankaas waxaa ku yaala talo siinta- iyo adeegga warbixinta dhallinyarada Turku, kaas oo ay dhallinyaradu sidoo kale ka heleyaan hagitaan arrimaha kale ee nolosheeda la xidhiidha iyo sidoo kale adeeggan loogu talogaley dhallinyarada dalka u soo guurtey ee Vamos.

Hagitaanka
Yliopistonkatu 25A
20100 Turku
Xilliyadda ay furan tahay: Isniin 12:00 - 18:00, Arbaca - Jimce 12:00 - 16:00, Talaada kasta wey xidhan tahay

linkkiTurun kaupunki:
OhjaamoFinnish | Iswidish | Ingiriis

Bogga magaaladdaTurku waxaad ka heleysaa shaqo ku hagid, fursado tababaro shaqooyin iyo sidoo kale waxyaalo kale oo shaqo isweydaarisyo ah.

linkkiTurun kaupunki:
Adeegyada shaqaalaysiinta Finnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiTurun kaupunki:
Jagooyinka shaqo ee banaanFinnish | Iswidish | Ingiriis

Halkan ka sii akhriso:

Waa xagee shaqadu?

linkkiJulkiset työ- ja elinkeinopalvelut:
Adeegyada shaqada iyo hab-nololeedkaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiTyö- ja elinkeinopalvelut:
EURESFinnish

linkkiKuntarekry.fi:
Jagooyinka shaqo ee banaanFinnish | Iswidish

Furashada ganacsiga

Talooyin iyo caawimaad ku saabsan ganacsi abuurashada ama meherad furashada waxaad ka heleysaa barta adeegga ganacsigga Potkuri ee Turku iyo nawaaxigeeda. Talosiinta iyo adeegyada aykuu qabanayaan shaqaallaha Potkuri waa bilaash.

Adeegyada bilowga ganacsi furashada ee Potkuri waxaa ka mid ah:

  • Ganacsiga aad bilaabeysid oo talo iyo tusaaleba lagaa siiyo
  • Adeegga diiwaangelinta meheradaada
  • Adeegga tababar siinta
  • Ganacsiga aad bilaabeysid oo lagaa siiyo startti-info

Qofka bilaabaya ganacsigu wuxuu dalban karaa lacagta starttiga si uu u sugo dhaqaalaha nolol maalmeedkiisa. Xafiiska shaqada iyo maareynta nolosha ayaa falanqeeya lacagta starttiga foomka lagu dalbado waxaana qoraalka cadeynta ah ee loo baahan yahay Potkuriga iyo ganacsi la taliyayaashooda.

Barta adeegga ganacsiga ee Turku iyo nawaaxigeeda Potkuri
ICT-City
Joukahaisenkatu 3, A-porras
20520 Turku

Wixii warbixin dheeraad ah ee ganacsiga Finland waxaad ka heleysaa bogagga- yrityssuomi.fi iyo perustayritys.fi.

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Yritys-Suomi (Ganacsi-Finland)Finnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiperustayritys.fi:
Meherad aas-aas Finnish | Iswidish | Ingiriis

Halkan ka sii akhriso:

Ganacsi abuurashada

Kaalmada shaqo la’aanta iyo howlgabka

Warbixinta kaalmada shaqo la’aanta sida loo dalbado waxaad ka heleysaa bogga keydka warbixinta Kaalmada shaqo la’aanta

Warbixinta howlgabka sida loo dalbado waxaad ka heleysaa bogga keydka warbixinta Howlgabka.

Cashuurta

Xafiiska cashuurta ee ugu weyn Varsinais-Suomigu wuxuu ku yaal Turku.

Xafiiska cashuurta ee Turku
Lemminkäisenkatu 14-18 (Dabaqa hoose),
DataCity, Turku

linkkiVerohallinto:
Xafiiska cashuurta ee Koonfur-Galbeed FinlandFinnish | Iswidish | Ingiriis

Arrimo badan oo la xidhiidha cashuurta ayaad ka xalisan kartaa sidoo kale shabakada:

linkkiVerohallinto:
Vero.fiFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Shiino | Jarmal

Halkan ka sii akhriso:

Cashuurta