Turku waxay fidisaa heerar waxbarasho oo ah afafka finnishka iyo iswidhishka. Wixii kale ee warbixin muhiim ah ee la xidhiidha mowduucan waxaad ka heleysaa boggan Afka finnishka iyo iswidhishka.
Fursadaha barashada finnishka ama iswidhishka ee Turku
Sida qaalibka ah iska diiwaangelinta koorsooyinka luqaduhu waa 2–8 todobaad ka hor inteynana koorsadu bilaabanin. Koorsooyinka qaarkood waa in la dalbado. Qeybo koorsooyinka ka mid ahna waxaa la iska diiwaangeliyaa shabakada internetka.
Xafiiska shaqada - iyomaareynta nolosha koorsooyinkiisa finnishka ama iswidhishka waxaa laga dalbadaa dhinaca xafiiska shaqada – iyo maareynta nolosha. Weydii wixii warbixin dheeraad ah xafiiska shaqada- iyo maareynta nolosha
Hooyooyinka guri joogta ah iyo dadka waayeelka ah ee Turku waxaa looga qorsheeyaa barashada afka finnishka ah machadka shaqaalaha(työväenopisto).
Waxaad sidoo kale iskaa u dalban kartaa barashada afafka finnishka ama iswidhishka. Waxbarashadaas qaarkood waa maalintoo dhan, qaarkoodna waa waxbarasho qaab ku maararow ah. Wixii warbixin dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga machadka.
linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Xafiiska shaqada iyo tab-nololeedka ee TurkuFinnish | Iswidish
linkkiTurun kristillinen opisto:
Tabobarida soogalootiga Finnish
linkkiPaasikivi-Opisto:
Duruusta loogu talo galay soogalootiga Finnish
linkkiTurun kaupunki:
Iskuulka luuqadaha ee työväenopistoFinnish
linkkiTurun kesäyliopisto:
Finnish for ForeignersFinnish | Ingiriis
linkkiTurun iltalukio:
Iltalukio maahanmuuttajilleFinnish
Halkan ka sii akhriso:
Barashada afafka finnishka ama iswidhishka ee dadka waaweyn
Intaa waxaa dheer jaalliyadaha iyo ururo kale oo qorsheeya kooxo barashada afka finnishka ah iyo kullamo sheekeysi ah.
Waxaad luqada finnishka sidoo kale iskaa uga baran kartaa shabakada:
Luqada Finnishka ee internetka ku jirta
Taqasusuka luqadda ee guud ahaaneed
Waxaad Turku ka diyaarin kartaa taqasusyada luqadaha guud ahaaneed ee luqada finnishka ama luqada iswidhishka. Bogga shabakada ee gudoonka waxbarashadu wuxuu leeyahay mishiin dalbasho, kaas oo aad ka hubin kartid goobahee iyo goorma ayaa la diyaarin karaa taqasuska.
linkkiOpetushallitus:
Xirfad dalbashoFinnish
Halkan ka sii akhriso:
Shahaadada aqoonta luqada oo sharciyeysan