Nolosha Finland

Asuminen Turussa

Deganaanshaha Turku

Boggan waxaa ku yaala warbixino Turku degdenaanshaheeda ku saabsan. Warbixinaha kale ee mowduucan la xidhiidha ee muhiimka ah waxaad ka heleysaa boggan Deganaanshah.

Guryaha ijaarka / kirada ah

Waxaad guri ka kireysan kartaa guryaha dadku iskood u leeyihiin, shirkadaha ama shirkadaha dadweynaha, sida TVT, VVO, YH guryahooda ama ururada xaafadaha ee kaniisadaha hoos yimaada kuwaas oo aad ku dalban kartid codsi dalbasho guri.

Guryaha ijaarka ah ee ay magaaladda Turku iska leedahay waxaa kireeya shirkada hantida maguurtada ah ee TVT Oy. Guryaha kirada ah ee magaalada kiradoodu ama ijaarkoodu wuu ka jaban yahay guryaha kale ee ay dadku iskood u leeyihiin ee ijaarka ah.

Guryaha banaan ee TVT,du leedahay waxaad ku dalban kartaa inaad buuxisid foomka lagu codsanayo guryaha. Codsiga dalbashada guriga waxaad ka buuxin kartaa si elektarooni ahaan ah shirkada bogeeda internetka ama xafiiskooda.

TVT Asunnot Oy
Käsityöläiskatu 3
20100 Turku
Tel. 02 262 4111
Adeegga kireynta (vuokrauspalvelut) (02) 262 4888
tvtasunnot@tvt.fi

linkkiTurun kaupunki:
Vuokra-asunnotFinnish | Iswidish | Ingiriis

Guryaha ardeyda

Haddii aad tahay ardey, waxaad guri ijaar ah ka dalban kartaa, guryaha sida khaaska ah loogu talogaley ardeyda. Guryaha ardeyda ee ijaarka ahi caadi ahaan wey ka jaban/ raqiisisan yihiin guryaha kale.

Waxaa kireeya guryaha ardeyda sida.

Turun Ylioppilaskyläsäätiö
Inspehtorinkatu 14
20540 TURKU
t. (02) 2750 200
Adeegga kireynta vuokrauspalvelut@tys.fi

linkkiTurun Ylioppilaskyläsäätiö:
Guryaha kirada ah ee ardayda Finnish | Iswidish | Ingiriis

Warbixinaha guryaha ay TVT:du leedahay iyo guryaha kale ee ijaarka ah iyo sidoo kale guryaha ardeyda iyagoo la soo koobey waxaad ka heleysaa halkan:

linkkiTVT Asunnot Oy:
Guryaha kirada ah ee malaagada turkuFinnish | Iswidish | Ingiriis

Halkan ka sii akhriso:

Degenaanshaha ardeyda
Guryaha kirada ah

Guryaha dadku leeyiniin

Barta internetka waxaad ka heleysaa wakiilada guryaha, kuwaas oo iibiya guryaha. Qiimaha guryuhuu aad buu isku bedbedelaa waxayna ku xidhan yihiin guryuhu nooca ay yihiin iyo meesha ay ku yaalaan. Bangiyada iyo hay’adaha kale ee maalgelintu waxay deyn u ogolaadaan dadka si ay ugu iibsadaan guri.

Halkan ka sii akhriso:

Guri aad leedahay/ yeelato

Guryaha deegaankooda xuquuqda loo yeesho

Waad dalban kartaa guryaha deegaankooda xuquuqda looyeesho, haddii:

  • Ay da’adaadu tahay ugu yaraan 18- jir
  • Aanad laheyn guri aad leedahay, aanad heysanin hanti aad ku gadan karto (haddii aad tahay 55- jir ama aad ka weyn tahay, xadkaa hantidu adiga kuma khuseyso)

Guryaha degenaanshahooda xuquuqda loo yeesho ee Turku waxaa lagu dalbadaa foom, kaas oo aad ka heleysid bogga Varsinais–Suomi asumisoikeus Oy:ga.

linkkiVarsinais-Suomen Asumisoikeus Oy (VASO):
Guryaha aad xaq u leedahay inaad ku noolaato ee TurkuFinnish | Iswidish | Ingiriis

Halkan ka sii akhriso:

Guryaha degdenaanshahooda xuquuqda loo leeyahay

Degenaanshaha xaaladaha dhibaatooyinka iyo guryo la’aanta

Haddii ay gurigaaga dhibaato soo gaadho tusaale ahaan dab qabsado ama biyo galaan,ceymiska gurigaaga ayaa xaaladaha qaarkood magdhaw ka bixiya kharashka dheeraadka ah ee gurigaaga ku yimaada. Ula xidhiidh shirkadaada ceymiska sida ugu dhakhsaha badan marka ay dhibaatadu dhacdo.

Sidoo kale xaaladaha qaarkood waxaad kaalmo ka heli kartaa xafiiska arrimaha bulshada: La xidhiidh shaqaalahaaga arrimaha bulshada ama heeganka shaqaalaha arrimaha bulshada. Xilliyada shaqada telifoon lumbarkan (02) 262 6003 ayaad kala xidhiidhi kartaa. fiidkii/habeenkii ama sabtida iyo axadana la xidhiidh gargaarka degdega 112, kaas oo aad dhinacooga kala xidhiidhi karto heeganka shaqaalaha arrimaha bulshada ee Turku iyo nawaaxigeeda.

Haddii xubin qoyskaaga kamid ihi kuu geysanayo waxyeelo ama hanjabaad, waxaad caawimaad ka heli kartaa guriga badbaadadda.

Turun ensi- ja turvakoti ry:
Luolavuorentie 7
20810 Turku
t. (02) 5134 100
palaute@tuentu.fi

linkkiTurun ensi- ja turvakoti ry:
Hoyga dhalinta iyo guriga badbaada ee TurkuFinnish

Haddii aad tahay dhallinyaro dhibaatana ay kaa haysato gurigiina waxaad la xidhiidhi kartaa gurigga badbaadadda dhallinyarada ee ururka Laanqeyrta Cas ee Finland. Gurigga badbaadadda dhallinyarada waxaad ka heli kartaa caawimaad la sheekeysi ah iyo meel seexad ku meel gaadh ah.

Suomen Punaisen Ristin Turun Nuorten turvatalo (gurigga badbaadadda dhallinyarada ee ururka Laanqeyrta Cas ee Finland).
Yliopistonkatu 24 A 21
20100 Turku
Puh: 02 253 9667
Cinwaanka emailka: turvatalo.turku@redcross.fi

linkkiPunainen Risti:
oyga badbaada dhalinyarada ee TurkuFinnish | Iswidish | Ingiriis

Guri raadinta warbixinteeda waxaad ka heleysaa bogga InfoFinlandi Degenaanshaha.

Halkan ka sii akhriso:

Degaenaanshaha xaaladaha dhibaatooyinka

linkkiTurun kaupunki:
Heeganka adeega bulshada Finnish | Iswidish | Ingiriis

Guryaha adeegga iyo- kaalmeynta

Dadka qaarkood, sida dadka waayeelka ah wey ku adag tahay in ay caawimaad la’aan guryahooda deganaadaan. Markaas ayey magaaladu u qorsheysaa dadkaas adeegyo, lagu caawinayo in ay iskood u degenaadaan.

Dadka waayeelka ah iyo kuwa naafada ah, ee aan awoodin in ay iskood u deganaadaan, waxay deganaan karaan guryaha loogu adeego ama xarumaha.

Degenaanshaha adeegga iyo- kaalmeynta waxaad kala xidhiidhi kartaa waaxda shaqaalaha arrimaha bulshada ee xaafadaada ama hagaha xanaaneynta guryaha. Wixii warbixin dheeraad ah waxaad ka heli kartaa bogga magaaladda Turku.

linkkiTurun kaupunki:
AsumispalvelutFinnish | Iswidish | Ingiriis

Halkan ka sii akhriso:

Deganaanshaha adeegga- iyo kaalmeynta

Ka kaalmeynta deganaanshaha

Warbixinaha la xidhiidha kaalmeynta deganaanshaha waxaad ka heleysaa bogga InfoFinland Ka kaalmeynta deganaanshaha.

Waad heli kartaa ka kaalmeynta deganaanshaha, haddii uu dakhligaagu yar yahay aanad u degan tahay si rasmi ah Finlad. Kela ayaa ka caawisa dadka kaalmeynta deganaanshaha ee khaaska ah kharashka kaga baxa daryeelka degenaanshaha.Kaalmadani ma ahan si otamatig ah loo bixiyo, sababtaas awgeed ayaa loo baahan yahay inta aan la dalban in la hubiyo, waa maxay kaalmada adiga iyo qoyskaaga ku haboon. Kela ayaad ka dalbaneysaa kaalmadda deganaanshaha. Kaalmadda deganaanshaha waxaad sidoo kale ka dalban kartaa internetka.

Kela Turku
Eerikinkatu 26
20100 Turku

Kela Skanssi (Kelan xafiiskeedu wuxuu ku yaalaa Barta wadar ugu adeegidda ee Monitori)
Suuqa ganacsigga ee Skanssi.
Skanssinkatu 10.
Xafiiskani wuxuu ku adeegaa ballan ka qabshasho maalmaha shaqada oo dhan.
Bilaa ballanta wuxuu ku adeegaa isniin-arbaco saacadaha u dhexeeya 11–16 iyo khamiis kasta saacadaha u dhexeeya 12–16.

linkkiKela:
Barbaarinta iyo la talinta reeraha Finnish | Iswidish | Ingiriis

Kaalmooyinka kale ee deganaanshaha

Haddii aad deggan tahay guri ay leedahay magaaladda Turku ama shirkada kireynta guryaha ee TVT, waxaad talo iyo caawimaad weydiisan kartaa talobixiyaha deganaanshaha. Wuxuu kaa caawin karaan dhibaatooyinka dhinaca kirada, sida aad u dalbaneysid kaalmooyinka la xidhiidha deganaanshaha iyo dhaqaalaha iyo wixii kale ee dhibaato ah ee la xidhiidha deganaanshaha.

Warbixinta talobixiyaha deganaanshaha:

TVT Asunnot Oy
Käsityöläiskatu 3
20100 Turku
tel. (02) 262 4169 ja (02) 262 2758
asumisneuvonta@tvt.fi

Xaafadaha Lauste iyo Varissuo waxaa ka howlgala shirkadda adeegga daryeelka guryaha ee Akseli, kaas oo bogooda ka heli kartid wixii tilmaan iyo tusaaleyn ah ee deganaanshaha la xidhiidha. Shirkada adeegga guryuhu ee Akseli waxay sidoo kale xafiisyo ku leedahay Varissuo iyo Lauste labadaba.

linkkiAkseli kiinteistöpalvelut:
Akseli kiinteistöpalvelutFinnish

Sidoo kale goobo badan oo deganaansho oo kale ayaa waxay leeyihiin shirkada daryeelka guryaha. Waxaanad ku heleysaa markaada googlaha ku qortid magaca xaafadaada iyo areyga-daryeel.

Xarunta heshiishiinta jaararka/ deriska

Xarunta heshiisiinta jaararku waxay dhexdhexaadisaa wixii muran ah ee ka dhex dhasha dadka xaafada degan waxayna ilaaliyaan ku hagitaanka dexdhexaadinta deganaanshaha.Qof walba isagaa codsan ka kara talo iyo heshiisiin, haddii iyo dhibaato ka heysato deriskooda.

Telifoon lumbarka heshiisiinta jaarka ee Turku: 045 110 3483

linkkiSuomen pakolaisapu:
Xarunta heshiisiinta jaarkaFinnish | Ingiriis

Maareynta qashinka iyo dib u warshadeynta

Caadi ahaan qashinkaaga waxaad ku ride kartaa haanta-qashinka ee xaafadaada. Haanta- qashinka laguma ridi karo si kastaba ha ahaatee tusaale ahaan wax sun ah oo kimiko ah ama qalab koronto ah, ee waa in la geeyo barta dib u warshdeynta. Sidoo kale dhalooyinka/quruuradaha, biraha, xaashiyaha iyo kartoonada si gaar ah ayaa loo ururiyaa. Ku rid haamaha-qashinka ee xaafadaada ama xarunta dib u warshdeynta.

Bogga shabakada ee maareynta qashinka Galbeedka- Finland ama xarunta maareynta qashinka iyo dib u warshadeynta. warbixinta adeegga shabakadda waxaad ka raadin kartaa baraha dib u warshadeynta, kuwa adiga kuu dhow.

linkkiLounais-Suomen Jätehuolto:
Hab-daryeelka qashinka ee Lounais-SuomiFinnish | Iswidish | Ingiriis


Halkan ka sii akhriso:

Maareynta qashinka iyo dib u warshadeynta

linkkiJätelaitosyhdistys:
Kierrätys.info (Macluumaad dib u warshadeynta)Finnish