Nolosha Finland

Maahanmuuttajana Turussa

Ajanbi ku ahaanshaha Turku

Warbixino muhiim ah waxaad sidoo kale ka heleyss bogga Dadka dalka u soo guurey ee Finland deggan.

Talobixin iy dal la qabsi

Dhamaan reer Turku wey adeegsan karaan dhammaan adeegyada gaar ahaaneed ee degmada. Intaa waxaa dheer in ay Turku ka jiraan adeegyo kala duduwan iyo iskuulo loogu talogaley dadka dalka u soo guurey.

Dhammaan adeegyada ku wajahan dadka dalka u soo guurey waxaa la isugu geeyey boggan:

linkkiTurun kaupunki:
MaahanmuuttajatFinnish | Iswidish | Ingiriis

Infotori (suuqa warbixinta)

Infotori waa barta talosiinta dhammaan magaaladda Turku iyo nawaaxigeeda dadka deggan ee dalka u soo guurey.

Infotori
Kauppakeskus Skanssi, 2:aad
Skanssinkatu 10
20730 Turku
Tel. 040 175 9584
Emailka: infotori@turku.fi

Talo bixinta iyo hagitaanka waxaa kale oo laga helaa arrimaha soo socda:

  • Sharciga-iyo arrimaha dhalashada/ jinsiyada
  • Shaqo nololeedka iyo arrimaha- ogolaanshaha shaqada
  • Degenaanshaha
  • Waxbarashada
  • Dhibaatooyinka dhaqaalaha iyo badbaadadda bulshada
  • Buuxbuuxinta macluumaadka iyo foomamka

Infotorigu12 luqadood oo kala duwan ayuu ku talo bixiyaa maalin walba ama jadwalkiisa u gaarka ahi sida uu dhigayo.

linkkiTurun kaupunki:
Infotori - barta warxinsiinta Finnish | Iswidish | Ingiriis

Bilowga sahaminta iyo qorshaha dal la qabsiga

Markaad isku diiwaan gelisid shaqo la’aan shaqo raadis ah, waxaa laguu sameynayaa sahamin bilow ah iyo qorshaha dal la qabsiga waxaana kuu dejinaya xafiiska Shaqada- iyo maareynta nolosha ee Varsinais-Suomi.

Warbixinta xafiiska Turku ee Shaqada- iyo maareynta nolosha Varsinais-Suomi:
Valtion virastotalo
Itsenäisyydenaukio 2
20800 Turku

Wixii da’adoodu ka yar tahay 25-jir ama sanad in ka badan shaqo la’aan ahaa ee dadka dalka u soo guurey ah bilowga sahaminta iyo qorshaha dal la qabsiga waxaa lagu sameynayaa goobta shaqada ee magaalada Turku ilaa iyo 31.12.2018.

Goobta shaqada:
Käsityöläiskatu 10
20100 Turku
Xilliyada ay goobtu furan tahay Isniin - Jimce 08:30 - 16:00
Telefoon: (02) 262 5072
Emailka: tyopiste@turku.fi

Halkan ka sii akhriso:

Dal la qabsiga Finlan

linkkiTyö- ja elinkeinoministeriö:
Xafiiska shaqada iyo tab-nololeedka ee TurkuFinnish | Iswidish

linkkiTurun kaupunki:
Xafiiska dadka soo galootiga ahFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiTurun kaupunki:
Tukea maahanmuuttajan työnhakuun ja yrityksen perustamiseenFinnish | Ingiriis

Xafiiska ajnabiga

Xafiiska ajnabigu wuxuu u adeegaa dadka qaxootiga ah ee dalka u soo guurey iyo qoysaskooda si ay dalka ula qabsadaan muddo ilaa iyo saddex sano ah laga bilaabo markey dalka soo galeen.

Warbixinta xafiiska ajnabiga:
Linnankatu 23
20100 Turku
Telefoonka xidhiidhinta (02) 330 000

Adeeg bixiyayaasha xafiiska dadka dalka u soo guurey waa:

  • Adeegyada qaabilaadda iyo bilowga sahaminta
  • Marxalada qaabilaadda daryeelka caafimaadka
  • Baadhitaanka dalsoo gelista
  • Hagidda iyo talobixinta dal la qabsiga

Intaa waxaa dheer xafiiska ajnabiga howlihiisa dad la qabsigu (KOTO -toiminta) wuxuu u diyaariyaa hooyooyinka gurijoogta ah iyo dadka waayeelka ah barashada luqada finnishka iyo dhexgalka bulshada iyo howlo kooxeedyo lagu kobcinaya dal la qabsiga.

linkkiTurun kaupunki:
Maahanmuuttajien sosiaalipalvelutFinnish | Iswidish | Ingiriis

Ma u baahan tahay turjubaan?

Haddii aanad ku hadlin afafka finnishka ama iswidhishka, waxaad adeegsan kartaa turjubaan markaad danahaaga ka xallisaneysid masuuliyiinta dawladda.

Xaaladaha qaarkood turjubaanka waxaad ka heli kartaa masuuliyiinta dawladda xagooda. Markaasna turjumaaddu waa kuu bilaash. Turjubaanka waxaad ka sii codsan kartaa masuulka dowladda ee danahaaga ka dhameysaneysid oo aad u sheegeysaa inaad turjubaan u baahan tahay.

Turjubaanka waad adeegsan kartaa markasta oo aad u baahan tahay, haddii aad adigu bixineysid kharashkiisa oo aad adigu dalbaneysid turjubaanka.

Magaaladda Turku adeegyada turjubaanka- iyo turjumidda macluumaadka waxaa fidiya tusaale ahaan:

Xarunta turjubaanadda ee turku iyo nawaaxigeeda
Linnankatu 23
20100 Turku
Tel. (02) 262 6321

tai tulkkaukset.tulkkikeskus(a)turku.fi

linkkiTurun kaupunki:
Xarunta turjumaanada ee TurkuFinnish | Iswidish

Halkan ka sii akhriso:

Ma u baahan tahay turjubaan?