Usoo guurista Turku
Macluumaadka deegaanka
Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.
Halkan sidoo kale ka akhriso U soo guurista Finland
International House Turku
International House Turku wuxuu u adeegaa dadka dalka u soo guurey iyo dal u soo guuridda dadka qorsheysanaya ee luqadaha ajanabiga ah ku hadla.International House Turku waxay kaa caawinayaan ayna talo kaa siinayaan arrimaha geediga la xidhiidha iyo sidoo kale in laguu helo inaad ku xasishid kuna istareexdid adeegyada la xidhiidha.
International House Turku waxaad ka heleysaa hagitaan- iyo adeegga talosiinta oo finnishka ay dheer yihii 14 luqadood oo kala duduwani. Dhammaan luqadahaas oo dhani ma ahan kuwo maalin walba la helo. Horey uga sii hubi luqadda aad dooneysid jadwalka International House Turku bogooda shabakada.
Talo siin luqaddo badan ah- iyo adeegyada hagitaankaba waxaad sidoo kale ka heleysaa Skanssi Monitori bartooda xafiiska.
Arrimaha ogolaanshaha
Xafiiska llaanta socdaalka ayaa xaliya dhammaan arrimaha sharciyada la xidhiidha, Midowga Yurun ku diiwaangelinta muwaadinka iyo codsiyada jinsiyadaba. Xafiiska laanta socdaalku wuxuu ku yaalaa Helsinki, laakiin waxay ku leeyihiin goobo ay uga adeegaan dadka meelo badan oo Finland ah. Reer Turku xafiiska laanta socdaalka dadka dalka u soo guurey ee ugu dhow bartiisa adeegu waxa ku taalaa Raisio.
Waa inaad horey ballan uga soo qabsatid, haddii aad dooneysid inaad ka daneysatid bartaa adeegga. Ballanta waxaad uga soo qabsan kartaa elektarooni ahaan xafiiska laanta socdaalka barteeda ballan qabsashada.
Haddii aad ballan ka qabsan kari weydid uuna ogolaanshahaagu dhacayo aanad awoodina inaad codsiga si elektarooni ah u buuxsatid, waxaad ka daneysan kartaa barta adeegga adigaa feylka galaya lambarkana goosanaya. Ku soo talogal koleyba, inay dhici karto inaad feyl gasho muddo dheer hadana aad awoodi weydid inaad danahaaga xalisatid isla maalintaas.
Waxaad sharciyo badan iyo is diiwaangelinta- EU daba ka dalban kartaa sidoo kale shabakada Enter Finland -adeegeeda. haddii aanad aqoonin isticmaalka kombiyuutarka, ku samee codsiga warqad ahaan una soo gudbi xafiiska laanta socdaalka barteeda adeegga.
Adeegga ballan qabsashada ee xafiiska laanta socdaalka
Adeegga ballan qabsashada ee xafiiska laanta socdaalkaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaIsku diiwaangelinta deggane inaad tahay
Markaad si rasmi ah ugu soo guurtid Turku inaad deganaatid, waa inaad iska diiwaan gelisid degmada xafiiska diiwaangelinta warbixinta bulshada (Digi- ja väestötietovirasto) (maistraattigii hore).
Xafiiska diiwaangelinta warbixinta bulshada
Xafiiska diiwaangelinta warbixinta bulshada ee Lounais-Suomi, XaruntaTurkuLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaMarkaad tagaysid xafiiska diiwaangelinta warbixinta bulshada, horey u sii qaado:
- aqoonsigaaga (tusaale ahaan baasaboor)
- sharcigaaga iyo kaadhka sharcigaaga (haddii aad sharci uga baahan tahay Finland)
- xuquuqda joogitaankaaga cadeynta isku diiwaan gelinta (haddii aad ka tahay muwaadin dalalka EU-da)
- cadeynta nikaaxa/ meherka
- ilmahaaga cadeyntiisa dhalashada.
Fiiro u yeelo, in macluumaadka dalka dibadiisa aad kala timiday ay tahay inaad ku soo turjuntid af finnish, iswidhish ama isngiriisi lana soo sharciyeeyey.
Waxaad ka heleysaa warbixino dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka diiwaangelinta warbixinta bulshada iyo degmadaada ku calaamadeynteeda xafiiska diiwaangelinta warbixinaha bulshada bogooda shabakada.
Halkan ka sii akhriso:
Wargelinta guuridda
Markaad Turku uga soo guurtid meel kale oo Finland ah ama Turku gudaheeda guri kale aad si rasmi ah ugu guureysid. Wargelinta guuridda waxaad ka sameyn kartaa sida ugu fudud xafiiska diiwaanka warbixinta bulshada iyo boostada adeegooda shabakada ee wadar ahaaneed.
Halkan ka sii akhriso:
Xafiiska diiwaangelinta warbixinta bulshada
Wargelinta guuriddaLinkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaLue lisää: Oleskelulupaongelmat