U gudub macluumaadka ku jira
Tietoa Turusta

Warar ku saabsan Turku

Waa la daabacay02.06.2022

Macluumaadka deegaanka

Select your municipality in order to see information about local services when browsing the site.

Warbixinta asaasiga ah

Turku iyo degmooyinkeeda ku wareegsan waxaa sugaya xarunta kobcinta aagagga badda baltiga. Dhismaha maareynta nolosha oo noocyo badan, shirkado firfircoon, waxbarasho heer sare ah-, dhaqan- iyo u fidinta adeegyada iyo sidoo kale jasiirado qurux badan oo isku dhafan ayaa ka dhigaya Turku meel soo jiidasho leh. Turku tirada dadka ku nooli waa ilaa iyo 195 000 waxayna kortaa tirada dadku ilaa iyo 1 000 qof sanadkii.

Turku waa magaalo si sharci ah loogaga hadlo laba luqadood, dadka deggana ilaa iyo 5 % waxay ku hhadlaan luqadda iswidhishka. Turku dhinaca kale waa magaalo leh dhaqamo kala duduwan lagagana hadlo luqado badan. Dadka deggan in ka badan 14 % waxay ku hadlaan luqadadooda hooyo oo aan ahayn finnish, iswidhish ama saame. Kooxaha ugu badani luqadaha ay gebi ahaanba ku hadlaan siday iskugu xigaan waa: ruush, carabi, kurdi, albani, soomaali, istooniyan, ingiriisi iyo farasi.

Warbixinaha iyo wararka magaaladda Turku adeegyadeeda, go’aan gaadhisteeda iyo munaasabadaheedaba waxaad ka heleysaa bogga shabakada- turku.fi. Warbixinaha xilligaa taagan waxaa sidoo kale lagu soo shaaciyaa Facebooga, Instagramka, Twitterka iyo YouTubkaa.

Turku waxaa ka howlgala ururo diimeedyo badan oo kala duduwan. Turku waxaa ku yaalo meelo badan astaan diimeedyo ah iyo meelo lagu cibaadeysto. Diimaha inaad Finland u- adeegtid waxaad warbixin ka raadsan kartaa bulshada diintaa haysata iyo degmadaadu sida dhigayso.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisa

Ururada

Go’aan gaadhista iyo saameynta

Magaaladda Turku waxaa ka dhaqan galau siyaasad cusub oo qaab hogaameed iyo dhismeed hay’adeed 1.8.2021. Magaaladda maamulkeeda ugu sareeya waxaa ka wakiil ah maayarka iyo saddex maayar caawiyeyaal ah, kuwaas oo qaabeeya maayarnimadooda. Maayaradu waxay hagaan oo ay is waafajiyaan waxqabadyada magaaladda ee goloha deegaanka iyo maamulka magaaladda go’aamadoodu sida ay dhigayaan

Magaaladda Turku xubinta ugu sareysa ee go’aan gaadhista waxaa adeegsada golaha deegaanka, kaas oo ay ku jiraa 67 xildhibaan. Xildhibaanada iyo ku simayaashoodaba waxaa lagu doortaa doorashada golaha deegaanka afartii sanaba mar.

Maamulka magaaladda waxaa ka masuul ah dowladda hoose iyo masuulka dhaqaalaha iyo sidoo kale inay fuliyaan go’aamadda xildhibaanada. Maamulka gobolku wuxuu ka kooban yahay 13 xubnood oo xildhibaano ah.

Hay’adaha ka howlgala magaaladu waa xildhibaanada magaaladda iyo maamulka ay dheer yihiin gudidda, kuwaas qeybintooda iyo sidoo kale waxqabadyada degmooyinka.

Bogga shabakada magaaladda (turku.fi) waxaad ka heleysaa warbixinaha ku saabsan xildhibaanada magaaladda, maamulka magaaladda, gudidooda iyo sidoo kale go’aamadooda.

Dadka deggan Turku waxay xaq u leeyihiin inay helaan warbixnaha diyaarinta arrimaha iyo go’aamintoodaba sidoo kalena si fudud loo dhagaysto wakhtigii loogu talogalay. Sida ugu fudud ee saameyn loogu yeelan karo go’aan ka gaadhiddu waa iyadoo la codeeyo doorashada golaha deegaanka. Intaa waxaa dheer oo magaaladdu ay curisay fursado dhowr ah oo ay dadka magaaladda degani ay saameyn ugu yeelan karaan arrimaha magaaladda. Kuwaasna waxaa ka mid ah:

  • Kullamadda gobolka, kuwaas oo ah munaasabado wada xaajood ah oo dhammaan dadka magaaladda oo dhan u furan.
  • Miisaaniyada dadka deggan magaaladda, kaas oo sida caadiga ah ay magaaladu hirgeliso ka qeyb qaadashada dejinta miisaaniyada. Halkaas oo ay dadka magaaladda degani awoodaan inay soo jeediyaan, kobciyaan ayna ka codeyn karaan tan ah, halkee hantida magaaladda loo isticmaalayaa.
  • Sheeg adeegga- aad qabtid, kaas oo aad ku shaagan kartid ra’ayiga aad ka qabtid arrimaha la diyaarinayo.
  • Soo jeedinta degganaha degmada, kan aad adeegsan kartid ee aad ku soo muujin kartid arrin markaa taagan ama dhibaato.
  • Ka jawaab celinta adeegyada, kuwaas oo aad kaga jawaab celin kartid ama ku soo jeedin kartid kobcinta adeegyada magaaladda
  • Kooxaha saameynta leh waa baarlamaanka carruurta Turku, golaha dhallinyada, naafada-, waayeelka iyo golaha dhaqamada kala duduwan. Kooxahaasi waxay saammeyn ku leeyihiin qorsheynta adeegyada iyo la socodkooda. Kooxahaa saameynta lihi waxay la soo xidhiidhi karaan ayna soo muujin karaan arrimaha iyagu markaa maskaxda ku hayaan.

Halkan ka sii akhriso

Gaadiidka

Turku iyo nawaaxigeeda gaadiidkooda dadweynaha ee Föli waxay fidiyaan gaadiid dadweynaha ka dhexeeya oo si fudud loo isticmaalo una kala goosha lix degmo aagagooda. Föli waxaa ka tirsanTurku, Kaarina, Raisio, Lieto, Naantali iyo Rusko. Föli bogga shabakadeeda waxaad ka heli kartaa warbixinaha jidadka Turku iyo Turku nawaaxigeeda, sida aad ugu kala gudbi kartid gaadiidka dadweynaha ee basaska magaaladda meel ka meel.

Safarada basaska waxaad ku bixin kartaa lacag kaash ah, kaadhka baska ama barnaamijka shabakada- Föli ama bangigga- ama kaadhkaaga aaminaada oo aad si dhow ugu bixisid.

Kaadhak safridda- Föli waxaad ka iibsan kartaa barta adeegga. Kaadhka safarada waxaad sidoo kale buuxsan kartaa bogga shabakada ama barta adeegga iyo basaska. Wixii warbixin dheeraad ah ee iibsiga- iyo barta ka buuxsashada waxaad ka heleysaa bogga shabakada ee Föli.

Warbixinaha la xidhiidhka ee xafiiska adeegga gaadiidka dadweynahat:

Turku waxaa ka baxa tareeno- iyo basas xidhiidhin fiican oo u kala goosha dhinacyo kala duduwan oo Finland ah, khaas ahaan nawaaxiga magaalo madaxda iyo Helsinki. Turku waxaa sidoo kale ku yaala garoon diyaaradaha ah, halkaas oo ay diyaaraduhu uga haadaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Halkan ka sii akhriso:

Gaadiidka gudaha Finland

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTurun seudun joukkoliikenne

Föli

Taariikhda Turku

Turku waa magaaladda Finland ugu da’ada weyn waa magaalo madaxdii hore ee dalka. Taariikhda Turku waxaa laga soo tiriyaa sida qaalibka ah sanadkii 1229. Markaas oo uu paavi Gregorius IX uu ku wareejiyey masiixiyada wakhtigan xaadirka ah Turku agagaarkeeda, taas oo ahayd hodan oo si xidhiidh ahna loo daganaa aagaa taas ka hor. Dooxada wabiga Aura ee ku yaala Turku wuxuu sidoo kale u howlgalaa xarun ganacsi ahaan, taas oo sheegaysa, in magaaladda magaceeda laga soo dhaxley meel ganacsi qadiimiya ah oo ruushka ah oo looga jeeday ereyga tǔrgǔ.

Wabiga Aura afkiisa qalcadda Turku (Turun linna) ee ku taala oo saldhig muhiim ah u ahayd awoodii markaas Finland agagaarkeeda ka jirey. Markii ugu horeysey waxaa ka howlgalayey boqorkkaa iswidhishka abaanduulahoodii waxayna u ahayd xero dagaal, laakiin boqolaal sano markii ay ka soo wareegtey waxay u shaqeyneysey sidoo kale Juhana III:aad herttua-xilligii renessanssiga qalcadoodii, Janaraalkii gudoomiyaha Finland gurigiisii rasmiga ahaa iyo xabsina ahaana wuu ahaa. Hadda qallcaddaa Turkuu waxay u shaqaysaa muusiyam ahaan.

Awoodii iswidhishka xilligeedii Turku waxay ahayd Finland agagaarkeeda magaaladdii markaa ugu weyneyd ahaydna magaalo muhiim ah. Isteeshanka Turku boqortooyadii Iswidhishka xaruntii bariga ayaa lagu xoojiyey qarnigii -1600, markii magaaladda laga aasaasay iskuulo badan- iyo xarumo dowli ah. Tusaale ahaan maamulka goboladda waxaa laga aasaasay Turku sanadkii 1617 iyo maxkamaddii racfaanka ee ugu horeysey oo laga aasaasay 1623.

Turku oo ah magaalada ugu da’ada weyn magaalo muuhimmana ah oo ah magaaladda ugu ilbaxsan uga na shaqaysa bulshada finnishka dhinaca horumarka dhaqamada. Diimaha, ilbaxnimada iyo fikiro badan oo cusub iyo curimo badan ay marinkaa Turku u soo marau oo meelo kale uga yimid Finland . Tusaale ahaan Turku waxaa markii ugu horeysey waxaa laga tumay Finland tii ugu horeysay, ee magaca- aboa lacagta lagu magacaabo waxaana lagu soo shaaciyey buugii ugu horeeyey ee af finnish lagu qorey, Mikael Agricolan ABC-buugiisii oo ahaa aapinen.Jjaamacadii ugu horeysey ee Finland, akatemiyada Turku, waxaa magaaladda laga aasaasay sanadkii akatemia1640. Sidoo kale taariikhda warshadaha dhinaceeda Turku hormood ayay u ahayd.

Sanadkii 1809 iswidhen iyo ruushka dhexdooda dagaalkii dhex maray uu keenay in Finland ay iswidhishka kala wareegaan Ruushku oo ay Finland xukunto ruushka boqortooyadoodu. Markii ugu horeysey Turku waxaa u noagaaday boqortooyadeedii oo ahayd madax banaanideedii ahayd Finland magaalo madaxnimadeeda, laakiin boqorka Aleksanteri I wuxuu ku wareejiyey jagadii magaalo madaxnimada Helsinki sanadkii 1812.

Magaaladda Turku waxay ka baaba’aday gebi ahaanba taariikhda wadamada woqooyiga taariikhda markii ay magaaladdu gubatey sanadkii 1827. Baaba’aasi wuxuu kalifay ugu dambeyntii xubnaha maamulka dhexe waxaana akatemiyada Turku laa wareejiyey Helsinki. Masiixiyiinta baadariyadoodu koleyba wey ka badbaaday Turku oo ku dhawaad 800- sanadood ayay kaniisada Turku (tuomiokirkko) ay weli u tahay dalka astaan qaran oo diimeed.

Turku si aad u weyn ayey u waxyeelowdey sidoo kale dagaalkii labaad ee adduunka qaraxyadii ka soo gaadhay. Turku gubashadeedii iyo dagaalkii labaad ee adduunka khasaarahoodii ayaa mar kale laga dhisay, magaaladdu korriinkeeda iyo dib u dhisideeda awgeed Turku laba qarni ayay kobocdey sababtoo ah magaalonimo ahaan, tan aynu maanta ugu aragno- aa da’ada weyn, laakiin magaalo firfircoon oo qurux badan Aurajoki labadeeda dhinacba.

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaTurun kaupunki

Turun historia

Linkigu wuxuu ku geynayaa adeegga bannaakiisaVilla Victor

Suomen kielen kurssit