U gudub macluumaadka ku jira
Oikeutesi ja velvollisuutesi Suomessa

Xuquuqdaada iyo waajibaadka Finland

Waa la daabacay12.05.2022
Sinnaanta, xoriyadda diinta, xoriyadda hadalka iyo xuquuqo kale oo badan ayaa waxay quseeyaan dadka oo dhan, xittaa dadka ajnabiga ah ee Finland deggan.

Xuquuqyada

  • Dadkoo dhan waxay xaq u leeyihiin in si isku mid ah loola macaamilo. Cidna si dadka kale ka duwan loolama macaamilo karo tusaale ahaan jinsi, da’, diin ama naafo dartood.
  • Qof kasta wuxuu si xornimo ah u sheegi karaa islamarkaasna u qori karaa fikirkiisa.
  • Dadku waxay qabanqaabsan karaan shirar iyo bannaanbaxyo waana sidoo kale ka qeybgeli karaan. Bannaanbaxa waa in booliska horay loo sii ogeysiiyaa.
  • Qofna dil laguma xukumi karo lamana jirdili karo.
  • Dadka oo dhan waxay si xornimo ah u dooran karaan meesha ay ka degayaan Finland.
  • Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay xafidaadiisa shaqsiyadeed. Warqadaha qof kale lama aqrin karo sidoo kale telefoonka qof kale lama dhegeysan karo.
  • Qof kastaa wuxuu dooran karaa diintiisa. Haddii uusan dooneyn loogama baahna in uu wax diin ah doorto.

Inkastoo aadan ahayn muwaadin Finnish ah, waxaad xaq u yeelan kartaa in aad doorasho uu ka codeeyso.

Ka aqri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqda codeynta ee ajaaniibta bogga InfoFinlandi Doorashooyinka Finland .

Waajibaadka

  • Dhamaan dadka deggan ama jooga Finland waa in ay u hogaansamaan sharciyada Finland.
  • Qiyaas ahaan 7- 18 sano inta u dhexeysa waxaa saaran waajib waxbarasho.
  • Sida badan dadka ka shaqeeya Finland waa inay canshuur ka bixiyaa mushaarkooda.
  • Dadka oo dhan waxaa ku waajib ah in ay marqaati furaan haddii maxkamadda looga yeero.
  • Waalidiinta waxaa waajib ku ah inay daryeelaan carruurtooda.
  • Dadka oo dhan waxaa ku waajib ah inay caawiyaan haddii shil dhaco.

Ka aqri faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan canshuurista Finland bogga InfoFinlandi Canshuuris .

Xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinka Finnishka ah

Muwaadinka Finnishka ah kuwaan waxaa dheer oo uu leeyahay xuquuqyo iyo waajibaadyo kale oo uusan laheyn qofka ajnabiga ah ee deggan Finland.

Ka aqri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinka Finnishka ah bogga InfoFinlandi Muwaadinka Finland .