La-qabsashada Finland
Adeegyada, kuwaasoo kaa caawinaya la qabsashada wadanka
Xog aasaasiya Finland
Dhammaan dadka u soo guura Finland ayaa xaq u leh in ay helaan warbiximaha aasaasiga ah. Marka aad hesho sharciga ama laguu diwaan galsho inaad joogitaan xaq u leedahay, waxaad isla markaas helaysaa qoraal warbixineed
- nolasha bulshadda finnishka iyo shaqada,
- Xaquuqdaada iyo waajibaadka
- adeegyada, kugu caawinaya la qabsashada.
Talosiinta sooguureyaasha wadanka
Xaafiiska shaqada iyo shaqaaleynta iyo degmooyinka waxay leeyihiin talosiinta ajaanibta. Iyagaa kaa caawin doona la qabshadda Finland. Talosiiiyaha ayaad ka helaysaa warbixin dheeri ah tusaale
- la qabsashadda iyo adeegyada, kuwa kaa taageeraya la qabsashada
- nolosha shaqada
- iskoollada iyo waxbarashada.
Qeymeynta hore
Hawlwadeenka ayaa marka lagu jiro sahminta hore kula qiimeynaya adeegyada kaa caawinaya la qabsashada dalka. Hawlwadeenka ayaa marka lagu jiro sahminta ah ka salgaaraya tusaale ahaan waxbarashadaada, waayo-aragnimadaada shaqo iyo aqoontaada luqadeed. Xafiiska shaqada iyo meherada ama degmada ayaa samaynaya sahminta hore. Waxaa kale oo lagu samayn karaa meel kale, tusaale ahaan machadka waxbarashada. Tani waxay ku xirantahay degmada aad deggantahay.
Waxaad ka codsan kartaa xaafiiska shaqadda iyo shaqaaleynta ama xaafiiska degmadaada, in laguu sameeyo qeymeynta hore. Waxaad ka heli kartaa faahfaahin dheeraad ah talosiiyaasha ajaaniibta, sidii laguugu qabanqaabin lahaa degmadaada.
Qorsheynta la qabsashada
Haddii aad u baahantahay taageerada laqabsashada dalka, hawlwadeenka ayaa sahminta hore kaddib kula samaynaya qorshaha laqabsashada dalka. Qorsahaha laqabsashada waxaa la samaynayaa, haddii aad
- tahay shaqo la’aan shaqo raadis ah ama
- aad qaadato taageerada kaalmada nolosha ama
- aad ka yartahay 18 sano mas’uul ama waalidna aanu Finland kuu joogin.
Qorsheynta la qabsashada waxaa lagu qorayaa arrimaha kaa caawinaya laqabshada. Qorshaha waxaa ka mid ahaan kara, tusaale, barashadda luuqada, ama waxbarasho kale ama tababar shaqo. Waxaa kula sameyn kara qorshaha la qabsashada talobixiyaha jooga Xaafiiska Shaqada iyo Xoogsashada ama adeegyada shaqaaloobidda degmadaada ama xafiiska sooshalka.
Qorsheynta la qabsashada waa in lagu sameeyaa 3 sano guddahood laga bilaabo maalinttii aad sharciga qaadatay, ama xuquuqdaada joogitaanka la diiwaangeliya, mudadda uu qorshuhu soconayo waxay ku xiran tahay mudadda uu soconayo qorshahala qabsashada. Qorsheynta la qabsashada waxaa u sida caadiga ah socdaa muddo ugu badnaan saddex sano ah. Xaaladaha aan caadiga ahyn wuxuu socon karaa shan sano.
Marka laguu sameeyo qorshaha laqabsashada, waa muhiim in aad u hoggaansantaa.
Xafiiska shaqada iyo xoogsashada ama degmada ayaa haddii loo baahdo kugu hagaya waxbarashada laqabsashada. Waxbarashada waxaa qeyb ka ah barashada afka finnishka ama iswidhishka iyo barashada bulshada Finnishka, dhaqanka iyo nolosha shaqada. Waxaa intaas dheer oo ku jiri kara waxbarashooyin kale ama tababaro shaqo.
Xafiiska shaqada iyo xoogsashada, Kela ama degmada ayaa soo caddeynaya xaqa aad u leedahay in aad hesho mudada qorshaha laqabsashada manfacyada shaqo la’aanta ama lacagta kaalmada nolosha.
Haddii aad shaqo haysato, waxaa mararka qaar suuragal ah in shaqo-bixiyahaadu uu kaa caawiyo la qabsashada. Shaqo-bixiyuhu wuxuu kuu raadin karaa kooraska luqada Finnishka. Faahfaahinta dheeraadka ah ee arrintan weydii shaqo-bixiyahaada.
La qabsashadda iyo iskoolka
Marka qorshaha la qabsashada la sameeyo, waxaad heli kartaa waxbarashada la qabsashada. Waxbarashada la qabsashada waxaa qabanqaabiya machadyo kala duwan. Xafiiska shaqada iyo meherada ama degmada ayaa kugu hagaysa waxbarashada la qabsashada. Sida caadiga ah waxbarsahda la qabsashada ah waxaa ku jira barashada afka Finnishka ama Iswiidhishka. Waxbarashada waxaad ku baranaysaa bulshada Finnishka ah, dhaqanka iyo nolosha shaqada.
Barashadda luuqadaha finnishka iyo iswiidishka
Boga InfoFinlandi Luqada Finnishka iyo Iswidishka ayaad uga heli kartaa warbixin ku saabsan barashadda luuqadahaha finnishka iyo iswiidishka.