Nolosha Finland

Tarvitsetko juristia?
theme icon

Ma u baahan tahay qareen?

Arrimaha la xiriira sharciga waxaa kaa caawinaya qareenka. Wuu kula talinayaa islamarkaana ilaalinayaa helitaanka xuquuqdaada. Qareen waxaad ugu baahan tahay tusaale ahaan:

  • furiinkaa
  • muranada daran
  • heshiisyada kala duwan, qoraalka buugaagta wax lagu kala iibsado iyo qoraalka dardaaranka.
  • haddii aad noqotay dhibane dembi ama dembi lagaaga shakiyay
  • arirmaha dhaxalka

Caawimaadda sharciga

Adeegyada qareenadu waa lacag laakiin haddii dakhligaaga yar yahay ama uu dhexdhexaad yahay, waxaad Xafiiska Shacbiga ee Caawimaadda Sharciga (oikeusaputoimisto) ee dawladda ka heli kartaa adeegaas oo lacag la’aan ah ama aad qeyb iska bixineyso. Cawimaadda sharciga lama siiyo ururada ama shirkadaha. Dhacdo kasta ee la xiriirta adeegga caawinta sharciga si gaar ah ayaa loo xaliyaa. Caawimaadda sharciga ee dadka waxaa lagu heli karaa luqada Ingiriiska haddii loo baahdana waxaa la isticmaali karaa adeegyada turjumaanada. Caawimaadda sharciga ee dadka waxaa laga codsadaa Xafiiska Shacbiga ee Caawimaadda Sharciga.

Haddii aad leedahay ceymiska sharciga (oikeusturvavakuutus) ee magdhaba qarashka kugu baxay, ma heli kartid caawimaadda sharciga ee dadka. Ceymiska sharciga waxaad ka iibsan kartaa shirkadaha ceymiska.

Ururka Sharciyaqaanada Finland (Suomen Asianajajaliitto) waxay deegaano badan ka qabanqaabiyaan tala-bixin lacag la’aan ah oo dhinaca sharciga ah, kuwaas oo aad ka heleyso macluumaad horudhac ah iyo hagitaanka dhibaatooyinka sharciyeed.

Macluumaadyada xiriirka qareenada gaarka ah waxaad ka raadsan kartaa mashiinada raadinta ee internetka ama adeegga Raadi qareen ee Ururka Garyaqaanada Finland.

Caawimaad sharci waxaa kale oo aad weydiin kartaa Ururka La-talinta Qaxootiga Finland (Suomen Pakolaisneuvonta), kaasoo xitaa talooyin sharciyeed siiya dadka megengelyo-doonka ah, qaxootiga iyo ajaaniibta kale ee jooga Finland. Macluumaadyada xiriirka waxaad ka heleysaa bogagga shabakadda Ururka La-talinta qaxootiga.

Haddii aad noqotay dhibane dembi waxaad weydiin kartaa waxa aad xaqa u leedahay talana aad ka heli kartaa Heegaanka dhibanaha dembiga (Rikosuhripäivystys) telefoonkiisa la-talinta Qareenada (Juristin puhelinneuvonta) ee nambarkiisu yahay 0800 161 177 Isniinta ilaa Khamiista saacadda 17–19.

Bogga InfoFinlandi Dembiyada waxaad ka heli kartaa arrimaha aad sameyn karto marka aad dhibane dembi noqoto.

linkkiOikeusministeriö:
Caawimaad sharci Finnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Carabi

linkkiValtion oikeusaputoimisto:
Macluumaadka kaalmooyinka sharcigaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiPakolaisneuvonta ry:
Cawinaad xagga sharciga ah ee la siiyo qaxootigaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiOikeuslaitos:
Xafiisyada kaalmada sharcigaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiFinlex:
Sharci dejinta waqtigan ee FinlandFinnish | Iswidish

linkkiOikeusministeriö:
Wasaarada cadaaladaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiSuomen Asianajajaliitto:
QareenadaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiOikeusministeriö:
Hagaha Haddii aad Dembi Dhibbane ka NoqotoFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Soomaali | Carabi

linkkiRikosuhripäivystys:
La-talinta sharciga ee dhibanayaasha dembigaFinnish | Iswidish