Nolosha Finland

Ihmiskauppa ja pakkotyö
theme icon

Ka ganacsiga dadka iyo ku shaqaysiga qasabka ah

Ka ganacsiga dadku Finland wuxuu ka yahay dembi. Ka ganacsiga dadku tusaale ahaan waa:

  • ku qasbidda shaqo laga bixinayo mushaar aad u yar ama aan gebi ahaanba mushaar laga bixineyn
  • ku qasbidda iibinta galmada
  • ku qasbidda dawarsashada ama dembi sameynta
  • ku qasbidda guur

Nooca ugu badan ee ka ganacsiga dadku waa ku qasbidda qof kale shaqo mushaar la’aan ah ama ku shaqeynta duruufo xun. Bogga InfoFinland Xuquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha iyo Dhibaatooyinka nolosha shaqada waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan xuquuqda qofka shaqeeya ee Finland.

Miyaan ahay dhibbanaha ka ganacsiga dadka?

Waxaad noqon kartaa dhibbanaha ka ganacsiga dadka, haddii

  • uu qofku kugu cadaadiyo in aad sameyso wax aadan dooneyn in aad sameyso
  • uu qofku adiga ama qoyskaada ugu hanjabo rabshad
  • uu qof kuugu hanjabo in uu dowladda kuu sheegayo haddii aadan sameynin sida uu doonayo
  • uu qofku kaa celinayo ama uu ilaalinayo dhaqdhaqaaqaada
  • aadan si xor ah xaaladdaada ugu sheegi karin dadka kale

Dhibbanayaasha ka ganacisga dadku waxey noqon karaan dumar, rag ama carruur. Dadka sameeyana waxey noqon karaan dembiilayaal xirfadeysan, laakiin waxaa kale oo ay noqon karaan dad ay dhibbanaha is-yaqaanaan, saaxiibo ama qaraabo.

Caawimaadda dhibbanaha ka ganacsiga dadka

Dhibbanayaasha ka ganacsiga dadku waxey heli karaan caawimaad. Haddii aad ka shakiso in aad tahay dhibbane ka ganacsiga dadka, la xiriir nidaamka caawinta dhibbanayaasha ka ganacsiga dadka (Ihmiskaupan uhrien auttamisjärjestelmä). Macluumaadyada xiriirka waxaad ka heleysaa bogga shabakadda ihmiskauppa.fi.

Haddii laguugu qasbay iibinta galmada, waxaad caawimaad ka heli kartaa Pro-tukipiste. Goobaha taageeradu waxey ku yaalaan Helsinki, Tampere iyo Turku. Macluumaadyada xiriirka waxaad ka heleysaa bogagga shabakadda Goobta taageerada Pro.

linkkiIhmiskauppa.fi:
Caawimaadda dhibanayaasha ka ganacsiga dadkaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush | Estoniyan | Faraansiis | Soomaali | Shiino | Bershan | Carabi | Kurdish | Albaniyan | Tayland | Fietnaam | Boolish | Romaniyan | Bulgaariyan

linkkiPro-tukipiste:
La-talin loogu talagalay kuwa iibiya adeegyada galmadaFinnish | Ingiriis