Oleskelulupaongelmat
theme icon

Dhibaatooyinka Ogolaansha deganaanshaha

Talo-bixinta arrimaha la xiriira ogolaanshaha degitaanka dalka

Haddii ay dhibaato kaa heysato dhinaca ogolaanshaha ama aysan kuu kala cadeynta arrimaha ogolaanshaha degitaanka dalku, waxaad talo weydiin kartaa goobaha soo socda:

  • Hay’adda socdaalka (Maahanmuuttovirasto)
  • Safaaradaha Finland ee dibadda ku yaal
  • La-taliyayaasha ajnabiga ee jooga degmadaada
  • Rugta la-talinta qaxootiga (Pakolaisneuvonta)
  • Xafiiska caawimaadda arrimaha sharciga

Bogagga shabakadda Hay’adda socdalka waxaa ku jiraa macluumaadyo badan oo ku saabsan ogolaanshaha degitaanka dalka. Talooyinka ruqsadaha u soo guurista dalka waxaa sidoo kale lagu bixiyaa qadka telefoonka.

Safaaradaha Finland ee dibadda ku yaal waxey u adeegaan codsadayaasha ogolaanshaha degitaanka ee dibadda jooga. Suomen ulkomailla olevat edustustot palvelevat ulkomailla olevia oleskeluluvan hakijoita.

Adeegyada la-talinta dadka dalka u soo guuray ayaa laga helaa magaalooyin badan, kuwaas oo ay ka shaqeeyaan la-taliyayaal ku takhasusay arrimaha u soo guurista dalka.

Rugta la-talinta qaxootigu waxey caawinaad sharci oo ku saabsan habsami-socodka megangeylada iyo arrimaha kale ee la xiriira sharciyada deganaanshaha ka siisaa dadka megangeyo-doonka ah. Waxaa intaas dheer in Rugta la-talinta qaxootigu ay bixiso talooyin sharciyeed guud, kuwaas oo la xiriira su’aalaha arrimaha megangelyada iyo sharciga deganaanshaha.

Waxaa kale oo lala xiriiri xafiisyada caawimaadda arrimaha sharciga, marka ay jirto xaalad loo baahanyahay talooyin ama caawimaadda sharciyeed ee la xiriira arrimaha sharciga deganaanshaha.

Ogsoonow in hay’adda socdaalka oo kali ah ay gaari karto go’aannada la xiriira ogolaanshaha degitaanka dalka.

linkkiMaahanmuuttovirasto:
Macluumaadka ogolaanshiyaha joogistaFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiPakolaisneuvonta ry:
La-talin sharciyeedFinnish | Iswidish | Ingiriis

linkkiUlkoministeriö:
Saafaradaha Finland ee dibadda ku yaalFinnish | Iswidish | Ingiriis