Dhibaatooyinka aalkolada iyo maandooriyaha waxaad caafimaad uga raadsan kartaa goobaha soo socda:
Xarunta caafimaadka
Waxaad la xiriir kartaa rugta caafimaadka (terveysasema) ee kuugu dhow, haddii aad qabto dhibaatooyin la xiriira aalkolada iyo maandooriyaha.
A- Kiliinig
Kiliinikooyinka A (A-klinikka) waa qeybo daryeel oo dadka la dhibaateysan dhibaatooyinka maandooriyaha iyo qabatinnada iyo ehelkoodu ay ka helaan taageero iyo caawimaad. Bogagga Mu’asasada A- kiliinig waxaad ka heleysaa macluumaadyada xiriirka A-kiliinikooyinka ee ku yaal dacallada kala duwan ee Finland. A-kiliinig uma baahna in laguu soo gudbiyo ee adiga ayaa iskaa ballan uga qabsan kara. Kiliinikooyin badan xittaa waxey leeyihiin wakhtiyo heegan, markaas oo ballan la’aan la imaan karo daryeelka. Adeegyada A-kiliinikada degmada ku taal waa u lacag la’aan macaamiisha sida joogtada ah u deggan Finland. Daryeelka A-kiliinig waa mid lagu kalsoonaan karo.
linkkiA-klinikkasäätiö:
Ku caawinta qabatinka mukhaadaraadkaFinnish | Ingiriis
Adeegga shabakadda ee Päihdelinkki
Adeegga shabakadda Päihdelinkki ee A-kiliinig waxaad ka heleysaa macluumaad ku saabsan isticmaalka maandooriyaha iyo qabatimista. Adeegyada Päihdelinkki qaarkood waxaa sidoo kale lagu helaa afka Iswidhishka, Ingiriiska iyo Ruushka.
linkkiPäihdelinkki:
Macluumaadyo iyo caawimaadyo loogu talagalay dadka qabatimay maan-dooriyahaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush
Aalkoliistayaasha aan magacooda la aqoon
Aalkoliistayaasha aan magacooda la aqoon (Anonyymit Alkoholistit) AA, waa urur saaxiib oo ragga iyo dumarka ah, waxeyna halkaas ku wadaagaan waayo-aragnimadooda aalkoliistanimada waxeyna isku dayaan in ay iska caawiyaan sidi ay u bogsoon lahaayeen. Degmooyin badan waxaa ka shaqeeya kooxaha AA, magaalooyinka waaweynna waxaa xittaa laga helaa kooxo ku hadla afka ingiriiska.
Al-Anon wuxuu taageero siiyaa ehelka dadka aalkoliistayaasha ah. Kooxda afka Ingiriiska ku hadasha ee Al-Anon waxey isugu yimaadaan Helsinki.
linkkiNimettömät alkoholistit, AA:
Taageerida la siiyo dadka khamriga aad u caboFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiAl-Anon:
Taageerida la siiyo qoyska dadka qabatin qabaFinnish | Iswidish | Ingiriis | Ruush
Daroogiistayaasha magac la’aanta ah
Daroogiistayaasha magac la’aanta ah (Nimettömät narkomaanit) NA waxey bixiyaan taageero iyo macluumaadyo iyo weliba kulamo kooxeedyo. Macluumaadka kulamada waxaad bogagga internetka uga raadsan kartaa af Finnish, Ingiriis iyo Iswidhish.
linkkiNimettömät narkomaanit:
Caawimaadda qofka la dhibaataysan isticmaalka maandooriyahaFinnish | Iswidish | Ingiriis
linkkiSano huumeille ei -projekti:
Macluumaad ku saabsan daroogo iyo halista ay u yihiin dadka dhallinyarada ahFinnish | Soomaali | Carabi | Kurdish | Albaniyan
linkkiMPMT:
Adeegga telefoonka ee arrimaha la xiriira maandooriyaha iyo ciyaaraha lacagtaFinnish | Ingiriis | Soomaali | Carabi